Shiinaha oo cashuur ku soo rogay agabka ka hor tagga dhalmada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laga bilaabo sannadkan 2026-ka macaamiisha Shiinaha waxay bixin doonaan canshuur dheeri ah oo ah 13% oo lagu soo rogay kiniinnada ka hortagga uurka. Dhanka kale, xarumaha daryeelka carruurta waxaa laga dhaafay canshuurta laga qaado.
Shiinaha oo ah waddanka labaad ugu dhaqaalaha badan adduunyada, wuxuu qaadayaa tallaabo kasta oo suurtagal ah si uu u kordhiyo heerka dhalashada.
Shiinuhu wuxuu hirgeliyay siyaasadda "Hal Ilmo" sannadkii 1994, taas oo ku qasbaysay lammaanayaasha in ay yeeshaan hal cunug oo keliya.
Sharcigan waxaa loo dejiyay in lagu xakameeyo kororka tirada dadka, iyadoo la xaddidayo tirada carruurta qoys walba u dhalan karta.
Waqtigaas, waxaa la soo rogay canshuuro badan oo la xiriira dhalmada. Hadda se, dowladda Shiinaha way ka laabatay arrintaas, waxayna canshuurta nooca VAT-ka ka dhaaftay adeegyo badan oo ay ka mid yihiin guurka iyo daryeelka dadka waayeelka ah.
Shiinaha ayaa sidoo kale wuxuu qorsheynayaa in la kordhiyo fasaxa ay haweenku qaataan xilliga dhalmada , islamarkaana lacag gunno ah la siiyo qoysaska dhalaya carruurta badan.
Shiinaha wuxuu hore u bilaabay tallaabooyin lagu yareynayo saameynta hoos-u-dhaca tirada dadka ku yeelan karta dhaqaalihiisa sannadaha soo socda.
Iyadoo heerka dhalashada uu hoos u dhacay tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa haddana soo baxaya farqi bulsho maaddaama dhallinyaradu u gudbayaan qaangaarnimada, taas oo keentay yaraansho jiilalka soo kacaya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xog ay soo saartay xarunta Dadweynaha ee Yuwa oo fadhigeedu yahay Beijing ayaa muujinaysa in Shiinaha uu ka mid yahay dalalka ugu adag ee carruurta lagu barbaariyo.
Daraasadda ayaa tilmaamaysa in kharashaadka waxbarashada oo aad u qaali ah, iyo sidoo kale culeyska ka saaran hooyooyinka shaqeeya ee isla mar ahaantaas carruur korinaya, ay si weyn u kordhiyeen kharashaadka daryeelka iyo barbaariinta carruurta.
Kororka qiimaha guryaha iyo hoos u dhaca kaydka dadweynaha ayaa sidoo kale muujinaya gaabis ku yimid dhaqaalaha Shiinaha. Arrintan awgeed, dhalinyarada ayaa u muuqata inay ka walaacsan yihiin mustaqbalkooda.
"Hal cunug ayaan haystaa. Mid kale ma rabo," ayuu yiri Daniel Luo, oo 36 jir ah kuna nool bariga gobolka Henan.
"Qiimaha gaadiidka tareenka wuu kordhay. Haddii uu qiimuhu ku kordho hal ama laba Yuan [lacagta Shiinaha], ma joojinaynaa isticmaalka tareenka? Maya, ma joojinayno," ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu intaa ku daray:
"Qiimaha agabka lagaga hor tago uurka xitaa haddii uu kordho shan ama toban, ama xitaa labaatan Yuan, marka sannad dhan la isku daro wuxuu noqonayaa dhowr boqol oo Yuan oo keliya. Taas waan u adkeysan karnaa."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Henrietta Levin oo ka tirsan mac'hadka Daraasaadka Caalamiga ah ayaa sheegtay in canshuurta uu Shiinuhu ku soo rogay agabka lagaga hor tago uurka ay si "aad u muuqato" u muujinayso isku dayga dowladda ee lagu doonayo in dib loogu rogo hoos u dhaca ba'an ee heerka dhalashada.
Levin waxay tilmaantay in dhalmada carruurtu ay tahay doorasho shakhsi ah, islamarkaana ay jirto cabsi ah in siyaasaddan cusub ay dhalin karto aragti ah in dowladdu faragelin ku sameyneyso nolosha gaarka ah ee muwaadiniinta, iyadoo la maqli karo diidmooyin lagaga soo hor jeedo oo leh "dowladdu waxay gashay guryaheenna".
Warbixinno ay dhowaan baahiyeen warbaahinta ayaa muujinaya in gobollo ka mid ah Shiinaha, haweenka looga waco taleefan si wax looga weydiiyo wareegga caadadooda ama xilliga dhiigga iyo qorshahooda ku aaddan dhalmada carruurta.
Sida uu sheegay Xafiiska Caafimaadka ee gobolka Yunnan, xogaha noocan ah ayaa muhiim u ah in la fahmo tirada haweenka qorsheynaysa in ay carruur dhalaan.
"Waxa i walwal geliya in Xisbiga [Shuuciga] uu go'aannadiisa ku sii dhex milo nolosha gaarka ah ee dadka, " ayay tiri Levin.













