Jabuuti oo taageertay doorka Sacuudiga ee dalka Yemen
Xigashada Sawirka, railway fx/Shutterstock
Qoraalka sawirka, Calanka Jabuuti
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladaha ka soo cusboonaaday jamhuuriyada Yemen ee ay dariska yihiin, ayna adkaynayso taageerada dhammaan dadaalada lagu qaboojinayo xiisada.
''Si guud waxa ay qiimaynaysaa jamhuuriyadda jabuuti doorka muhiimka ah ee ay hiigsanayso Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee walaalka ah ee taageerada iyo xoojinta xasiloonida Yemen iyo difaacida amniga xuduuda boqortooyada'' ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaarada arrimaha dibadda Jabuuti.
Sacuudiga oo markale ku celiyay taageerada uu u hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane
Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Arbacadii khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa
Sacuudiga Amiir Faysal bin Farxaan bin Cabdullaah Al-Sacuud iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal
iyo garab istaaga boqortooyada ee midnimada Soomaaliya.
Qoraal la soo dhigay barta bulshada ee wasaaradda arrimaha
dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri ‘’Intii uu socday wicitaanka, Wasiirka
Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa muujiyay mahadnaq iyo qadarin ay Soomaaliya
u hayso mowqifka mabda’a leh iyo taageerada joogtada ah ee Boqortooyada
Sucuudiga ay u fidiso dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta
midnimadeeda, madax-bannaanideeda, iyo wadajirka dhulkeeda. Dhankiisa, Amiir
Faysal bin Farxaan ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada aan leex-leexadka lahayn
ee Boqortooyadu u hayso madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya, iyo sida ay uga go’an tahay xasilloonida gobolka Geeska
Afrika’’
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in ''wadamo cusub'' ay ictiraafayaan
Khudbad mahadnaq ah oo uu jeedinayay madaxweyne Cirro ayuu ku yiri ''Somaliland ictiraafkeeda cid joojin karta ma jirto''
"Waxaan shacbiga ugu bishaareynayaa in dowlada kale oo badanina ay wadada ku soo jiraan oo ay na ictiraafi doonaan" ayuu yiri Cirro.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ‘’Falastiiniyiinta ayaa loo soo rarayaa Somaliland’’
Xigashada Sawirka, Aljazeera
Qoraalka sawirka, QAZA
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayay
warbaahinta Aljazeera ayaa sheegay in xogta hoose ee ay helayaan ay sheegayso inay kamid tahay qodobada lagu heshiiyay ee Somaliland lagu aqoonsaday in
Falastiiniyiinta loo soo raro Somaliland.
"Xogta hoose ee aan hayno waxa ay sheegeysaa sadex
qodob oo muuhiim ah in ay ku heshiiyeen; qodobka kowaad waa in Falastiniiyiinta
loo soo raro Somaaliland’’
Dhanka Somaliland waa ay beeniyeen deegaamaynta Falastiiniyiinta
ee Somaliland, sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha
dibadda Somaliland Maxamed Cabdiraxmaan Xasan
"Dad raba inay Soomaaliland
sumcadeeda hoos u dhigaan ayaa wada, arrintaas meel looga wada hadlay iyo cid
isku soo hadal qaaday ma jirto dooddaasna ma taagna".
Jabuuti oo xirtay xafiiskeedii Somaliland, ka dib markii Somaliland ay qaaday talaabo taasi lamid ah
Weriye Maxamuud Cismaan Bulxan oo ah weriye madax banaan oo
BBC uga soo warrama Jabuuti ayaa soo tabiyey in saraakiil ka tirsan
xukuumaadda Jabuuti ay u xaqiijiyeen in xafiiska wakiilka Somaliland ee
jamhuriyadda Jabuuti la xiray. Wuxuu kaloo sarkaalkaas u xaqiijiyey in
hawlihii diblomaasiyadeed la joojiyey.
Dhanka kale, wuxuu sarkaalkaas u sheegay wariye Bulxan in
xafiiskii Jabuuti ay ku lahayd Somaliland isna la xiray, diblomaasiyiintii
xafiiskaas joogayna ay dib ugu laabteen Jabuuti.
Xiisadda labada dhinac ayaa timid ka dib markii maalmo ka
hor ay magaalada Jabuuti ku kulmeen madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya,
ayagoo mowqif adag ka istaagay aqoonsiga ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland.
Australia oo looga dabaal-degay sannadka cusub ee 2026
Tobanaan kun oo shaqaale ku shaqeeya barnaamijyada (Apps)ka Hindiya oo shaqo joojin sameeyay
Xigashada Sawirka, thenewsminute
Qoraalka sawirka, Hindiya
Tobanaan kun oo shaqaale ku shaqeeya alaab gaarsiinta ah
barnaamijyada la soo dejisto ee (apps)ka ee Hindiya ayaa wada shaqo-joojin soconaysa
hal maalin, iyaga oo dalbanaya mushahar iyo xaalado shaqo oo ka wanaagsan tan ay hadda
ku shaqeeyaan. Waxay guryaha u gaarsiiyaan badeecooyin iyo raashin iyaga oo u
shaqeeya shirkado waaweyn sida Amazon, Uber iyo Zomato.
Shaqaaluhu waxay sheegeen in ay wakhtiyo aad u dheer ku
qaataan waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee Hindiya sida Delhi iyo Mumbai,
isla markaana ay mudan yihiin in la siiyo mushahar bille ah iyo caymis.
Shaqo-joojintan waxaa loo qorsheeyay inay ku beeganto mid ka
mid ah maalmaha ugu mashquulka badan sanadka ee darawallada alaab gaynta ka
shaqeeya ee habeenka Sannadka Cusub.
Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay hay’adaha gargaarka Qaza ee ay Israa’iil mamnuucday
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Qaza
Midowga Yurub ayaa sheegay in mamnuucida cusub ee ay Israa’iil
saartay toddoba iyo soddon hay’adood oo gargaar ah oo ka shaqeeya Qaza iyo
Daanta Galbeed ay hor istaagi doonto gargaarka lagu badbaadinayo nolosha Falastiiniyiinta
dhibaataysan.
Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay in hay’adahaasi ay ku
guul-darreysteen bixinta faahfaahinta shaqsiyadeed ee shaqaalahooda
Falastiiniyiinta ah, taas oo ay Israa’iil ku doodday in loo baahnaa si looga
hortago in gargaar la siiyo ama looga faa’iideeyo ururka Xamaas.
Madaxa gargaarka bani’aadannimo ee Midowga Yurub, Hadja
Lahbib, ayaa sheegtay in sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha uu si cad u
qeexayo in gargaarku uu gaaro dadka u baahan.
Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in gargaarka weli la
gaarsiin karo iyada oo loo marayo
waddooyin la ansixiyay, oo ay ku jiraan hay’adaha Qaramada Midoobay. Dowladda
Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in xayiraadahan ay dhaqan geli doonaan laga
bilaabo kowda Janaayo.
Thaiiland oo sii daysay Askar lagu qabtay dagaalkii ay la galeen Cambodia
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Sii daynta askarta ayaa qayb ka ah xabad joojinta labada dhinac la dhex dhigay
Thailand ayaa sii daysay siddeed iyo toban askari oo u
dhashay Cambodia kuwaas oo lagu qabtay bishii Luulyo intii uu socda dagaalka
xuduuda ee dhiiga badan uu ku daatay. Labada dowladood ayaa xaqiijiyay
wareejinta askarta. Dib u dhac ayaa hal
maalin ayaa yimid kadib cabashooyin ay Thailand ka muujisay xadgudubyo la
sheegay in lagu sameeyay xabbad-joojinta, waxaana la fuliyay kadib cadaadis
diblomaasiyadeed oo joogto ah oo ka yimid Shiinaha.
Sii deynta askarta waxay ka mid ahayd shuruudaha heshiiska
xabbad-joojinta, waxaana maxaabiista askarta ay kicisay dareenka shacabka
Cambodia. Bishii Luulyo, xiriirka sii xumaanayay ee u dhexeeyay Thailand iyo
Cambodia ayaa isu beddelay dagaal hubeysan oo ka dhacay xuduudda lagu muransan yahay
— tan iyo markaas, tobannaan qof ayaa la dilay, ku dhowaad nus milyan oo kalena
waa barakaceen.
Ku dhawaad toban wariye oo shil ku geeriyooday iyo faahfaahin ka soo baxaysa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Shil gaari oo aad u murugo badan oo ka dhacay Gobolka
Gwombe ee dalka Nigeria ayaa sababay dhimashada toddoba wariye.
Shilka ayaa dhacay xilli gaari bas ah oo ay leeyihiin
Ururka Wariyeyaasha Nigeria ee (NUJ) oo ku sii jeeday arooska xubin ka tirsan
ururka, oo ka dhacayay Degmada Kaltungo
ee isla gobolkaas.
Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in taayir ka mid ah
baska uu ku qarxay deegaanka Kumo ee Degmada Akko, taas oo keentay in baska uu
ka baxo waddada kuna rogmado bar bannaan ah.
Taliyaha Ciidanka Badbaadada Waddooyinka Federaalka (FRSC)
ee Gobolka Gwombe, Samson Kaura, iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Dowladda Gobolka
Gwombe, Ismaila Misilli, ayaa sheegay in toddoba wariye ay ku dhinteen shilka,
halka afar kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Meydadka dadkii dhintay ayaa loo qaaday goob meydadka la
dhigo ee Gwombe, halka kuwa dhaawacmayna ay hadda ku jiraan isbitaalka iyagoo
helaya daaweyn.
Wariyeyaasha ku dhintay masiibadan waxaa ka mid ah: Madaxii
Shaqaalaha iyo Kaaliyaha Gaarka ah ee ee guddoomiyaha, kana tirsanaa Xafiiska
Marwada Guddoomiyaha, Zara Umar; Agaasimaha Hawlgallada ee NTA, Haruna Kwami;
Agaasimiihii Sawir-qaadista ee NTA, Isa Lawan; iyo Agaasimihii waraiyaasha hawlgabka
ahaa, Musa Tabra.
Somaliland oo u yeeratay wakiilkeedii dalka Jabuuti
Somaliland ayaa sheegtay in ay u yeeratay wakiilkeedii u
joogya dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa war ay
baahisay ku sheegtay in wakiilka u jooga Jabuuti loogu yeeary wadatashi salka
ku haya xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhalatay aqoonsigii Israa’iil siisay
Somaliland dhawaan.
Somaliland faahfaahin intaa dheer kama bixin, hase yeeshee
waxaa ay tallaabadani ku soo aadaysaa iyadoo Jabuuti ka mid noqtay dalalka ka
soo horjeestay aqoonsiga Somaliland ka heshay Israa’iil.
Wakiilka Somaliland u jooga Jabuuti waa Cabdilaahi Maxmed
Daahir Cukuse oo horey sidoo kale u soo qabtay xilal wasiirnimo.
Tuugadu waxay isticmaaleen qodis weyn si ay u jabsadaan
sanduuq ku yaal laanta bangiga weyn ee galbeedka Jarmalka waxayna xadeen lacag
lagu qiyaasay 35 milyan oo ah lacag caddaan ah iyo waxyaabo qaali ah, sida ay
booliisku sheegeen.
Afhayeen u hadlay booliiska ayaa xadidda lacagtan ku
tilmaamay filimkii Hollywood ee Ocean's Eleven, isagoo u sheegay wakaaladda
wararka ee AFP in "si xirfad leh loo fuliyay howlgalka".
Intii lagu guda jiray dhaca bangiga keydka ee Sparkasse ee
magaalada Gelsenkirchen, tuugadu waxay fureen in ka badan 3,000 oo sanduuq oo
kayd ah oo ay ku jiraan lacag iyo dahab.
Booliiska Gelsenkirchen ayaa sheegay inay ka war heleen falkaan
ka dib markii digniin ay soo gaartay aroortii hore ee Isniinta.
Ila aiyo hadda, lama soo qaban dadkii geystayna falkan
lacagta lagu dhacay. Booliska ayaa sheegay in tuugada ay ka faa’iidaysteen
"maalmaha ciidda masiixiga ee fasaxa lagu jiro".
Dalal Afrikaan ah oo Mareykanka ka aarsaday iyo tallaabada ay qaadeen
Xigashada Sawirka, NBC4
Dalalka Mali iyo Burkina Faso waxay sheegeen inay ka hor
istaagi doonaan muwaadiniinta Mareykanka inay soo galaan dalalkooda, taasoo ay
ku tilmaameen jawaab toos ah oo ku aaddan go'aanka Washington ee ah inay
muwaadiniintooda ka mamnuucday Mareykanka.
Labada waddan ee Galbeedka Afrika ee uu hoggaaminayo
militariga ayaa ku dhawaaqay tallaabadan habeenkii Talaadada, iyagoo sheegay in
tallaabadani ay si degdeg ah u dhaqan gashay.
Go'aankan ayaa ka dambeeyay xayiraadaha safarka ee
Mareykanka oo saameeyay dhowr waddan oo Afrika iyo Bariga Dhexe ah, oo uu amray
Madaxweyne Donald Trump.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mali ayaa sheegtay inay
hirgelinayso mabda'a is-dhaafsiga, iyadoo intaas ku dartay in muwaadiniinta
Mareykanka ay hadda wajihi doonaan shuruudaha gelitaanka ee Mali oo ay
Mareykanka soo rogeen.
Mali iyo Burkina Faso, oo ay weheliyaan Niger oo deris la
ah, ayaa dhawaan ka baxay bulshada gobolka Galbeedka Afrika ee Ecowas waxayna
sameeyeen Midowga Qaramada Saaxil.
Wadamadan ayaa iska fogeeyay xulafada reer Galbeedka
waxayna xoojiyeen xiriirka ay la leeyihiin Ruushka.
Israa'iil oo soo saartay war cusub oo dad badan samaeyn doona
Xigashada Sawirka, Reuters
Isra’iil ayaa la filayaa inay ka mamnuucdo 37 hay’adood oo
gargaar oo ka shaqeeya Qasa iyo Daanta Galbeed ee la haysto, laga bilaabo
Khamiista 1-da Janaayo.
Dowladda Isra’iil waxay sheegtay in hay’adahani ay ku
guul-darreysteen inay bixiyaan faahfaahinta shaqsiyadeed ee shaqaalahooda, taas
oo ay sheegtay inay lagama maarmaan u tahay ka hortagga in gargaarka ay ka
faa’iideystaan Xamaas. Hase yeeshee, hay’adaha ayaa sheegay in bixinta xogtaas
ay halis gelin karto shaqaalahooda.
Hay’ado samafal oo caan ah, oo ay ka mid yihiin ActionAid
iyo International Rescue Committee, ayaa la hakiyay rukhsadahooda. Waxaa lagu
amri doonaa inay joojiyaan howlahooda muddo lixdan maalmood gudahood ah. Dalal
dhowr ah ayaa cambaareeyay tallaabadan, iyagoo sheegay inay si weyn u saameyn
doonto helitaanka gargaarka iyo adeegyada daryeelka caafimaadka.
Talibaan oo xad-gudub ku tilmaantay tallaabadii Israel ku aqoonsatay Somaliland
Xigashada Sawirka, Reuters
Xukuumadda Talibaan ee Afgaanistaan ayaa bayaan ay soo saartay dhawaan si kulul u cambaaraysay aqoonsiga Israa'iil ee ay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in tallaabadan uu qaaday maamulka Israa'iil ay tahay "isku day lagu doonayo in lagu kala qeybiyo dal Islaam ah".
War saxaafadeedka ayaa ku tilmaamay tallaabadaas mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay cawaaqib xun ku yeelan doonto nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Israa'iil ayaa Jimcihii noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Soomaaliland "dal madax-bannaan".
Lacago muhiim ah oo la siin jiray gobolka Minnesota oo la joojiyay iyo Soomaalida oo wajahaya eedaymo cusub
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maamulka Trump ayaa sheegay in uu joojiyay lacagihii
daryeelka carruurta ee la siin jiray gobolka Minnesota, kaddib markii nin
muxaafid ah oo caan ka ah YouTube uu ku andacooday in xarumo dhowr ah oo ay
maamulaan muhaajiriin Soomaaliyeed ay qaadanayeen lacag dadweyne iyaga oo aan
wax daryeel siin jirin carruurta.
Qoraal lagu daabacay barta X maalintii Talaadada, sarkaal
sare oo ka tirsan Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Maraykanka (HHS)
ayaa soo xigtay muuqaalkan sida weyn u faafay, isaga oo sheegay in hay’addu ay
beegsan doonto “khiyaanada cad ee u muuqata inay si baahsan uga jirto gobolka
Minnesota.”
Mas’uuliyiinta dawladda ayaa beeniyay eedeymaha
musuqmaasuq ee lagu sheegay muuqaalkaas.
Sugidda iyo fulinta shuruucda socdaalka ayaa dhawaan sii
xoogeysatay gobolka, kaas oo ay ku suganyihiin tirada ugu badan ee
muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka, kaddib markii Madaxweyne
Donald Trump uu sheegay inuusan doonayn in ay dalka sii joogaan ama ay soo
galaan. “Waxaan joojinay dhammaan lacagihii daryeelka carruurta ee loo diri
jiray gobolka Minnesota,” ayuu ku dhawaaqay Ku-xigeenka Xoghayaha HHS, Jim
O’Neill, qoraal uu ku daabacay bartiisa X maalintii Talaadada.
Waxa uu sheegay in go’aankan uu ka dambeeyo “eedeymo culus
oo sheegaya in gobolka Minnesota uu tobannaan sano gudahood malaayiin doollar
oo canshuur-bixiyeyaasha ay bixiyeen loo
leexiyay xarumo daryeel carruur oo been abuur ah oo ku yaalla guud ahaan
Minnesota.”
Waaxdu waxay sheegtay in ay hakineyso lacagaha sannad-laha
ah oo dhan 185 milyan oo doollar oo la siin jiray gobolka, ilaa laga sameeyo
baaritaan dhammaystiran oo ku saabsan xarumaha la tuhunsan yahay.
Dowladda Imaaraadka oo loo qabtay saacado kooban in ciidamadeeda ay kaga saarto Yemen
Xigashada Sawirka, EPA
Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in uu kala baxayo
ciidamadiisa harsan ee Yemen, kaddib markii Sucuudigu taageeray dalab ka yimid
golaha xukuumadda Yemen oo ku dalbanayay inay dalka uga baxaan 24 saacadood
gudahood.
Ku dhawaaqista Imaaraadka ayaa timid kaddib duqayn cirka
ah oo ay fuliyeen isbahaysiga milatari ee Sucuudigu hoggaaminayo, kaas oo
sheegay in uu beegsaday hub loo waday ciidamada gooni-u-goosadka ah oo
Imaaraadku taageero, kuna sugnaa dekedda koonfureed ee Mukalla.
Dowladda Imaaraadka ayaa beenisay in hubkaas ay wadday,
waxayna muujisay “in ay si qoto dheer uga xuntahay” eedeymaha ay Sucuudigu soo
jeediyeen.
Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa ahaa xulafo dagaalka ka
dhanka ah dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen oo Iiraan taageerto muddo tobannaan
sano ah, balse khilaafka iyo is-jiid-jiidka u dhexeeya garabyada ay kala
taageeraan ayaa sii ballaariyey kala fogaanshaha u dhexeeya labada dal.