Trump oo dalalka Yurub ku tilmaamay 'kuwo daxaleystay' iyo hoggaamiyeyaal 'daciif ah'

Donald Trump

Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images

    • Author, Rachel Hagan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cambaareeyay hoggaamiyeyaasha Yurub inay yihiin "kuwo daciif ah" wuxuuna sheegay in Mareykanku uu ka laaban karo taageerada Ukraine.

Wareysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay website-ka Politico, ayuu Madaxwayne Trump ku sheegay in waddamada Yurub ay ku guul-darreysteen in ay xakameeyaan tahriibka ama ay qaadaan tallaabo cad oo lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine ay kula jirto Ruushka.

Mowqifka Madaxweyne Trump ayaa waxaa dhaleeceeyay madax badan oo reer Yurub ah. Ra'iisul wasaaraha Britain, Keir Starmer ayaa diiday soo jeedinta ah in Yurub ay ka hadasho Ukraine balse aysan waxba ka soo saarin .

Waxaana sidoo kale jira falcelin xooggan oo ka timid hoggaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz.

Ukraine

Xigashada Sawirka, Reuters

Waxa uu si gaar ah u dhaleeceeyay istaraatiijiyadda cusub ee Amniga Qaranka Mareykanka, iyo soo jeedinteeda ah in Mareykanka uu gacan ka geysan doono badbaadinta Dimuqraadiyadda Yurub - Yurub uma baahna in Mareykanka uu ka caawiyo arrintan, ayuu yiri hogaamiyaha jarmalka.

Dhanka kale mar wax laga waydiiyay arrinta soo galootiga iyo tahriibayasha soo gala dalalka Yurub ayuu Trump ku tilmaamay sisadaha Yurub ee soo galootiga kuwa miisbo oo .

Waxaa uu farta ku fiiqay in haddii xaaladaha muhaajiriinta kus oo qulqulaya Yurub ay sidan sii ahaato ay Yurub noqon doono meel quruntay.

Hadalka Trump ee uu ku dhaleeceeyay siyaasadaha Yurub ee socdaalka ayaa ku soo beegmaya maalin uuu ka dib markii golaha midowga Yurub ay isku raaceen adkeynta siyaasadaha looga hortagayo soo galootiga sharcidarrada ah.

Ukraine

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Trump wuxuu sii waday inuu cadaadis saaro Zelensky si uu u oggolaado heshiis lagu soo afjarayo khilaafka.

Zelensky, mar dambe oo Talaadadii qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu ku sheegay in Ukraine iyo Yurub ay si firfircoon uga shaqeynayaan "dhammaan tallaaboyinka suurtagalka ah ee loo qaadi karo dhanka iyo joojinta dagaalka," iyo in qeybaha kaga aaddan Ukraine iyo Yurub ee qorshaha hadda la sii horumariyay.

Wuxuu markaas u sheegay suxufiyiinta inuu rumeysan yahay in qorshayaasha loo gudbin doono Mareykanka Arbacada.

Dhaleeceyntii ugu dambeysay ee Trump uu u jeediyo Yurub ayaa timid maalin ka dib markii hoggaamiyeyaasha Yurub ay isugu yimaadeen London si ay uga wada hadlaan dadaalladooda wadajirka ah ee lagu joojinayo dagaalka Ukraine.

Markii la weydiiyay in Yurub ay gacan ka geysan karto joojinta dagaalka, Trump wuxuu yiri: "Way hadlaan laakiin ma soo saaraan wax miro-dhal ah. Dagaalkuna wuu socdaa oo socdaa."

Saraakiisha Mareykanka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay wadahadallo goonni ah la yeeshay saraakiisha Ukraine iyo Ruushka iyagoo isku dayaya inay dhexdhexaadiyaan aoo af-jaridda dagaalka. Illaa iyo hadda, wax heshiis ah lama gaarin.

Madaxweynaha Ukraine ayaa ku cadaadiyay hoggaamiyeyaasha Yurub iyo Nato inay gacan ka geystaan ka hor-tagga Mareykanka inuu taageero heshiis ay Kyiv ka cabsi qabto inuu u nugleeyo weerarrada mustaqbalka.

Yurub

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Hoggaamiyeyaasha Yurub oo ka wada hadlayay soo af-jaridda dagaalka Ukraine

Axaddii Trump wuxuu soo jeediyay, isaga oo aan caddeyn u heyn, in Zelensky uu ahaa caqabadda ugu weyn ee nabadda.

Wuxuu u sheegay suxufiyiinta in Ruushku uu "raalli ku yahay" qorshaha nabadeed ee uu Mareykanka u soo bandhigay labada dhinac, kaas oo ay ku jireen tanaasulaad waaweyn oo loo sameynayo Ukraine iyo in xulafada ay ka baqayeen inuu ka dhigo mid u nugul duullaan mustaqbalka ah.

Wareysiga Politico, wuxuu ku andacooday in dhexdhexaadiyeyaasha Ukraine ay "jecleysteen" soo jeedinta Mareykanka taageeray, wuxuuna ku eedeeyay in Zelensky uusan weli akhrin.

Trump sidoo kale wuxuu ku celceliyay hadalladii hore ee Kyiv ee ku aaddanaa in ay qabato doorashooyin wuxuuna ku andacooday inay "isticmaaleyso dagaalka" si ay u diiddo in ay sidaas sameyso.

Wuxuu yiri: "Waa ogtahay, waxay ka hadlaan dimoqraaddiyad, laakiin waxay gaareysaa meel aan dimoqraadiyad ahayn mar dambe."

Muddada shanta sano ee Zelensky uu madaxweynaha ka ahaa ayaa ku ekeyd bishii May 2024, laakiin doorashooyinka waa laga hakiyay Ukraine tan iyo markii sharciga dagaalka lagu soo rogay ka dib duullaankii Ruushka.

Isagoo la hadlayay suxufiyiinta ka dib faallooyinkii Trump, Zelensky wuxuu sheegay inuu "diyaar u yahay doorashooyinka" wuxuuna codsan doonaa in la diyaariyo soo jeedinno wax ka beddeli kara sharciga.

Doorashooyinka waa la qaban karaa 60 ilaa 90ka maalmood ee soo socda haddii amniga la damaanad qaado iyadoo la kaashanayo Mareykanka iyo xulafada kale, ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Sidoo kale wareysiga Politico, Trump wuxuu ku andacooday in kala qeybsanaanta fikradeed ay hadda khatar ku tahay inay kala dhantaasho isbahaysiga Washington ay la leedahay Yurub.

Markii la weydiiyay in hoggaamiyeyaasha uu u arko inay daciif yihiin ay weli noqon karaan xulafo, wuxuu ku jawaabay: "Waxay ku xiran tahay dhinacyo badan", isagoo intaa raaciyay: "Waxaan u maleynayaa inay daciif yihiin, laakiin sidoo kale waxaan u maleynayaa inay rabaan inay noqdaan kuwo siyaasad ahaan saxan. Waxaan u maleynayaa inaysan garaneyn wax ay sameeyaan."

Hadallada madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii maamulkiisu uu soo saaray Istaraatiijiyadda Cusub ee Amniga Qaranka ee 33-ka bog ah, taas oo ka digtay "tirtiridda ilbaxnimada" ee suurtagalka ah ee Yurub iyadoo su'aal gelisay in qaar ka mid ah waddamada ay weli noqon karaan xulafo la isku halleyn karo.