Keenyaati lagu khiyaamay inay u dagaallamaan Ruushka ka dib markii lagu soo jiitay ballan qaadyo shaqo oo faa'iido badan

David Kuloba iyo dagaal yahan Ruush ah

Xigashada Sawirka, Kuloba family

David Kuloba waxa uu shaqo waardiye ah ka helay shirkad Ruush ah isaga oo soo maray hay'ad shaqo qorista oo ka howlgasha Kenya. Hooyadiis oo aan danaynayn safarkiisa Ruushka ayaa ku canaananatay in uusan aqbalin shaqadaasi.

Wiil ka yimid qoys ku nool xaafadda saboolka ee Kibera ee Nairobi oo helitaanka shaqo dibada ah ay u tahay riyo gaaban. David oo 22 jir ah ayaa ka shaqeeya wax walba oo uu heli karo, laga bilaabo loows fiiqista ilaa shaqada xamaaliga ah ee maalin laha ah.

Himiladiisa fog waxa ay ahayd inuu u safro dal carbeed oo uu shaqo ka helo. Hooyadiis ayaa naxdin la dhacday markii ay maqashay halka uu ka helay shaqo waardiyanimo.

''Waxa uu i tusay taleefon; isaga oo yiri , 'fiiri, waa Ruushka,'' ayay hooyo Susan Kuloba u sheegtay BBC barnaamijkeeda maalin laha ee (Newsday) xilligaas oo ah markii ugu horeeyay ee ay arrintaasi maqasho.

Waxaan ku iri: 'Miyaadan daawan waxa ay ka soo bandhigaan Ruushka ee taleefishinka? Wax wanaagsan ma aha,'' ayay tiri.

Wiilkeeda oo aaminsan in shaqada loo ballanqaaday ay sharci tahay, ayaan ka meeraysan. Waxa uu sheegay in loo ballanqaaday toddobo kun oo doolar marka uu tago Ruushka. Qof aan lahayn dakhli joogta ah, qadarkani lacageed waxa ay u tahay isbeddel-nololeed.

David oo aan u sheegin hooyadiis oo diiday tagitaankiisa ayaa u safray Ruushka bishii Agoosto. Waxa ay ku noqontay la yaab hooyadiis oo uu gadaal dambe uga soo diray sawir uu gishan yahay dhar milatari isaga oo ku war galiyay in uu si nabad ah ku tagay.

''Hooyo, waxa naloo sheegay in in shaqadii aan u nimid ay is-bedeshay, laakiin taasi wax xun ma aha,'' ayay xasuusataa isaga oo sidaasi ku yiri.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida laga soo xigtay wiilkeeda, isaga iyo dhowr kale oo Kenyan ah ayaa la siiyay tababar dagaal oo laba todobaad ah. Marka ay tababarka dhameeyeen waxa ay u socdaaleen aag dagaal oo ku yaala Ukraine, taasi oo Ruushku ay haysteen tan iyo 2014, ayuu sheegay wakhtigaasi.

Maalmo ka dib, isaga iyo kuwa kale waxa ay sheegeen in lagu soo weeraray aag uu Ruushku maamulo. Markii ay intaasi maqashay, hooyadiis waxa ay barisay inuu dalkiisa ku soo noqdo.

''Waxaan ku iri, David, fadlan ka soo tag goobtaas.' Waxa uu ku yiri, 'Sodee uga bixi karaa? Waxaan saxiixay heshiis. Ugu yaraan i sii hal sano,'' ayay xasuusataa inuu ku yiri.

''Ka dib waxaa helay farriintii aan ka baqayay,'' ayay tiri.

Dhammaadkii bishii September, David waxa uu soo diray 'farriin-codeed' uu ku leeyahay waxaan u socdaa dagaal. Waxa uu sidoo kale u soo diray hooyadiis kaarka (ID) aqoonsiga milatariga Ruushka iyo qoraal heshiis ku qoran Ruush, haddii uu isaga oo nool soo noqon waayo.

Waxa uu xasuusisay in uu dokuminitiyada la aado safaarada Ruushka haddii wax ay ku dhacaan. Waana markii ugu dambaysay ee ay maqasho codkiisa.

Kaarka aqoonsiga (ID) ciidan ee David Kuloba

Xigashada Sawirka, Kuloba family

Hooyada oo cabsi iyo qalbi jab ay hareysay, ayaa dhowaan ka ogaatay saaxiibkiis inuu wiilkeedu dhintay.

''Waxaan weydiiyay saaxiibkiis, 'Sidee ku ogaatay? Waxaa uu yiri, Waxaan ku siinayaa lambarka taleefonka ee kafiilka ee ku soo dhoweeyay Ruushka,'' ayay tiri.

Markii ay farriin u dirtay lambarka la siiyay, waxaa loo jawaabay af-ruush. Waxaase ka dib markii ay u sheegtay qofka ay tahay, ayaa qofkii la hadlayay uu ugu sheegay af-ingiriis in David la la'yahay loona malaynayo inuu dhintay.

''Waxaan kuu sheegayaa arrintan ku saabsan wiilkaada aniga oo ka murugaysan'' ayay tiri.

Waxa ay ka codsatay sawir maydka wiilkeeda ama wax uun caddeynaya maydka wiilkeeda, hase ahaatee ma aysan helin wax jawaab ah.

Ninku waxa uu u sheegay in deeganka uu ku sugan yahay ay tahay ''mid fog'' waxaana uu ka codsaday inay timaado Ruushka ama soo dirto qof kale oo qaraabada ah. Laakiin qoyskeeda ma awooddaan in ay sameeyaan sidaas. Markii dambe isla ninka ayaa u sheegay inuu siin doono ''magdhow'' wiilkeeda iyada oo uusan siin wax dokuminti ah.

Susan ayaa sheegtay in aysan helin war rasmi ah oo ka yimid masuuliyiinta Ruushka oo ku saabsan David. Markii ay booqatay safaaradda Ruushka ee Kenya , saraakiishu waxa ay u sheegeen in uusan ''wax xiriir ah la lahayn ciidamada.''

Waxa ay sharaxday inay garan la'dahay wax ay samayso marka laga reebo inay fadhiso iyada oo murugaysan. ''Xagee ka bilaabaa? Maxaa yeelay waxba ma ogin. Waa curadkaygii. Isaga ayaan ku tiirsanaa,'' ayay tiri, iyada qeexaysa jaahwareerkeeda.

Aabe kale oo Kenyan ah, oo uu wiilkiisu u aaday shaqo dalka Ruushka, ayaa sheegaya wiilkiisa u tagay inuu ka shaqeeyo xarun milatari, oo aanu u tagin in uu ka qayb qaato dagaal.

Wiilka Kenyan-ka ayaa ku dhaawacmay Ukraine. Wuxuu Kenya ku soo laabtay laba todobaad kahor, laakiinse ma awoodo inuu hadlo sababo la xiriira xanuuno dhimirka oo ka soo gaaray naxdintii uu soo maray.

Aabbaha ayaa ogaaday in wiilkiisu u safray Ruushka markii loo sheegya inuu dhaawacmay. ''Wuxuu ii sheegay in dadku baxayaan,'' ayuu u sheegay BBC, isaga oo raaciyay intaas inuu kula taliyay in uusan sidaasi samayn.''

''Waxaan la socday dagaalka tan iyo bilowgii. Raaxo ma dareemayn,'' ayuu yiri. Waxaa uu xasuustaa in ay u ballan qaadeen $1,500 doolar bishii kafiilada shaqaaylaysiinta.

Sida David, nin kale oo dhalinyaro Kenyan ah ayaa sheegay inuu helay laba todobaad oo tababar ah kahor inta aan loo dirin furimaha hore ee dagaalka.

''Waxa uu sheegay in lagu dhaawacay kaynta isla markaana uusan helin wax daweyn ah shan maalmood,'' Ayuu ku sharaxay aabihiis.

David Kuloba sawirka uu qoyskiisa u soo diray

Xigashada Sawirka, Kuloba family

Waxaa wakhtigaasi ka dib loo qaaday xadka Ruushka, halkaas oo gargaar degdeg ah lagu siiyay, ka dibna, ka dibna waxaa loo diray magaalada St. Petersburg.

Waxa uu sifeeyay inuu arkay ''jirka dagaal yahanada oo kala firirsan.'' Aabihiis ayaa sharaxa in kuwo badan oo lamid ah, sidiisa, ay saxiixeen heshiis iyaga oo aan si buuxda u fahmin.

Bishii aynu soo dhaafnay, Wasiirka arrimaha dibbada Kenya ayaa sheegay ku dhowaad 200 oo Kenyan ah la ogyahay in ay ka dagaalamayaan Ruushka. Isaga oo sidoo kale garowsan in shabakadda qorista ay weli howlgalayaan.

Ku dhawaaqista dowlada ayaa timid ka dib markii orodyahan Kenyan ah uu sheegay in lagu khiyaamay in uu ku biiro ciidanka Ruushka markii la qabtay isaga oo ku sugan Ukraine bishii September.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhowr wakaaladood oo shaqo qorista la baarayo, qaarna laga joojiyay ruqsadii la siiyay, iyada oo guddiyada difaaca iyo arrimaha dibadda ee baarlamanka Kenya ay gacanta ku hayaan arrintaasi.

Hase ahaatee qoysaska qaraabadooda lagu khasbay inay ka barbar dagaalamaan ciidamada Ruushka ayaa dhaleeceeyay jawaabita gaabiska ee dowladda.

Hooyada David, Susan Kuloba

Xigashada Sawirka, Kuloba Family

Markii la weydiiyay waxa laga qabanayo dib u soo celinta Kenyan-ka lagu khiyaamay dagaalka, ayuu guddoomiyaha isku-duwida codadka baarlamanka ee xisbiga talada Silvanus Osoro sheegay in howshu ay tahay inay raacdo waddooyinka diblomaasiyadda.

''Qandaraas ikhtiyaari ah ayaa la saxiixay, xitaa haddii aysan ogayn. Waxa kali ah oo lagu xallin karaa hab. Diblomaasiyadeed. Dadaalkaas ayaa socda,'' ayuu yiri.

Arrinta dhalinyarada Afrikaanka ah ee u dagaalamaya Ruushka kuma koobna Kenya oo kali ah. Masuuliyiinta dhowr dal oo Afrikaan ah ayaa sheegay in dhalinyaro loo qortay ciidanka Ruushka ka dib markii loo ballan qaaday shaqooyin lacag badan lagu bixinayo.

Qoysaska carruurtooda laga qaatay ayaa ka caga-jiidaya inay si furan uga hadlaan. Waxa ay ka cabsanayaan cawaaqibka ka dhalan kara haddii arrintaasi ka hadlaan, maadaama ehelka ka maqan ay ku sugan yihiin gudaha Ruushka.

Gabadha madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa lagu eedeeyay inay ku lug leedahay nidaamka qorista. Waa ay iska diiday eedeymahaasi.

Dhankooda Ukreeniyiinta ayaa marar dhowr ah ka digay in qof kasta oo lagu qabto isaga oo u dagaalamaya Ruushka loo tixgalinayo cadow dagaal, isla mar ahaantaana waddada kali ah ee kaga bixi karo ay tahay in uu iyaga isu dhiibo si loogu aqoonsado maxbuus dagaal.

Hooyada Kenyan-ka Susan Kuloba ayaan weli helin war rasmi ah oo ku aadan xaaladda wiilkeeda. Haddii uu dhintay waxa ay rabtaa in maydkiisa dib loogu soo celiyo Kenya.

''Waan qalbi jabsanahay. Waxa uu doonayay inuu na caawiyo. Waxa uu u moodayay inuu helayo shaqo wanaagsan.