Halka ay ka soo jeedaan askarta Afrikaanka ah ee ku jira dagaalka Ukraine

Xigashada Sawirka, Directorate of Criminal Investigations-Kenya
Dawladda Kenya ayaa Arbacadii sheegtay in in ka badan 200 muwaadiniinteeda ahi ay hadda u dagaallamayaan Ruushka oo ay ku jiraan dagaalka Ukraine, islamarkaana ay weli jiraan shabakado si firfircoon uga shaqeeya in ay soo jiitaan dhallinyaro kale oo ka qaybgala dagaalkaas.
Todobaadkii la soo dhaafay, Ukraine ayaa sheegtay in in ka badan 1,400 muwaadiniin ka kala socda 30 dal oo Afrikaan ah ay ka barbar dagaallamayaan ciidammada Ruushka ee ku jira gudaha Ukraine, qaar badan oo ka mid ahna ay yihiin kuwo la marin habaabiyay.
Ruushka ayaa lagu eedeeyay in uu Afrikaan badan ku dhiirrigelinayo in ay saxiixaan qandaraasyo , taasi oo uu wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine, Andriy Sybiha ku tilmaamay "kuwo u dhigma … xukun dil ah", isaga oo ugu baaqay dawladaha Afrika in ay uga digaan muwaadiniintooda halistaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
"Ololayaasha qorista askarta ee Ruushka ayaa la sheegay in ay ku fidayaan muwaadiniinta Afrikaanka ah oo ay ku jiraan kuwa u dhashay dalka Kenya," ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dabadda ee dalka Kenya.
"In ka badan laba boqol oo Kenyaan ah ayaa laga yaabaa in ay ku biireen ciidanka Ruushka… shabakadaha wax askareeya ayaa weli gudaha Kenya ka ah kuwo firfircoon," sida uu bayaanku sheegay.
Safaaradda Ruushka ee Nairobi lagama ayaan bixin wax jawaab ah makii faahfaahin laga dalbaday.
Sida ay sheegtay wasaaradda, safaaradda Kenya ee Moscow ayaa diiwaangelisay dhaawacyo soo gaadhay qaar ka mid ah dhallinyarada loo qortay dagaalka, kuwaas oo lagu sheegay in loo ballanqaaday ilaa $18,000 si ay ugu bixiyaan kharashaadka dal-ku-galka, safarka iyo hoyga.
Howlgal amni oo bishii Sebteembar laga fuliyay agagaarka Nairobi ayaa lagu badbaadiyay 21 Kenyaan ah, kuwaas oo sida ay wasaaraddu sheegtay loo diyaarinayay in loo diro dagaalka. Hal qof ayaa la xidhay waxaana lagu wadaa in maxkamad la soo taago iyadoo lagu eedeeyay in ay isla arrintan ku lug leeyihiin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda ayaa sheegtay in kuwa la soo badbaadiyay lagu khiyaaneeyay shaqada ay qaban lahaayeen, iyagoo aamminsanaa in loo qoray shaqooyin aan dagaal ahayn sida farsamaynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, samaynta kiimikooyinka iyo rinjiyeynta.
Waxaa sii kordhaya walaacyada ku saabsan tirada sii badanaysa ee Kenyaanka loo tahriibiyo dabadda iyada oo siinayo ballan-qaadyo shaqo oo been abuur ah.
Ciyaaryahan dhallinyaro ah oo Kenyaan ah ayaa dhawaan lagu qabtay Ukraine, isaga oo sheegay in lagu khiyaameeyay si uu ugu biiro ciidamada Ruushka.
Tiro dhan 22 Kenyaan ah ayaa laga helay guri ku yaalla deegaanka Athi River, "kuwaas oo sugayay in loo diro dalka Ruushka".
Booliiska ayaa sheegay in "shabakadda tahriibinta qarsoodiga ah" ay Kenyaanka ku soo jiidanaysay ballan-qaadyo shaqo oo ka imanaya Moscow, balse ujeedadu ahayd in loo diro dagaalka dhinaca ciidanka Ruushka gudaha Ukraine.













