BBC Somali WhatsApp Channel oo hawada soo galay: Sidee loo helaa wararkii ugu dambeeyay si dhib yar

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hadda waxaad heli kartaa wararka ugu waawayn dunida, falanqaymo iyo muuqaalo xiiso leh oo ay soo diyaarisay BBC Somali adiga oo adeegsanay taleefankaaga.
Suxufiyiinteenu waxay kuu soo xulayaan sheekooyinka ugu micnaha-san ee ka jira dunida iyo deegaankaagaba oo qoraal iyo muuqaalba ah iyaga oo u soo gudbinaya dadka ku xiran kanaalka WhatsApp.
Waxaa la bilaabay sanadkii 2023, in iyada oo la adeegsanayo kanaal WhatsApp ay dhagaystayaashu heli karaan macluumaad ay soo gudbiyaan dadka iyo shirkadaha ay xiiseeyaan intaba.
Dhammaan kanaalada WhatsApp ee BBC da dadka ku xiran oo la isku daray waxay gaarayaan 15 million oo ka soo kala jeeda 200 oo waddan.
Halkaan ka dheeho sida aad ku heli karto warbixinada BBC ee ugu wanaagsan ee ku saabsan Soomaaliya adiga oo adeegsanaya WhatsAppp:
- Halkaan ku dhufo si aad u rukumato kanaalkeena WhatsApp adiga oo adeegsanaya taleefankaaga ama xitaa computer uga jira.
- Sidoo kale waxaad raadin kartaa BBC Somali qaybta baadigoobka xogaha ee aaladda WhatsApp.
Hadii aad isticmaalayso iPhone qaybta ugu hooseysa ee bidix xigta ayaad ka heli kartaa "Updates" meel ay ku qoran tahay, hadii aad Android isticmaaleyso qaybta sare ee shaashadda ayaad ka heli kartaa.
Halkaas ayay dhammaan fariimaheenu ka soo muuqan doonaan - iyaga oo ka gooni ah halka ay fariimuhu kuugu soo dhacaan.
Riix ganbaleelka saaran meesha ugu sarraysa ee kanaalka codkana u fur si aadan u seegin xogaha aan soo gudbineyno. Markaad doonto ayaad ka hari kartaa ama codka iska xiri kartaa kanaalkeena.
Warbixinadeena waad ka falcelin kartaa adiga oo adeegsanaya emojis, iyo adiga oo sidoo kale kuwa aad ka heshay la sii wadaagi kara dadka kuugu jira WhatsApp ka iyo xitaa guruubyada aad ka tirsan tahay.
Meta, oo ah shirkadda iska leh WhatsApp, Facebook iyo Instagram waxay sheegeen in cidina aysan arki doonin dadka kuugu jira WhastApp, xogo kale, sawirro, magac ama lambarkaaga.
Wax badan ka ogoow xogtaada qarsoon ee kanaalka WhatsApp ee BBC iyo ogeysiiska bulshada ee xogta gaarka ah. Riix halkan.










