Israatiijiyadda cusub ee Maraykanka ee kahor tagaysa dagaal dhex mara Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Istaraatiijiyad cusub oo amniga qaranka ah oo uu soo saaray maamulka madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegaysa in Maraykanku uu ka shaqayn doono ka hortagga suurtagalnimada dagaal ka dhex qarxa Itoobiya iyo Ereteriya, isaga oo kaashanaya Afrika.
Ilaa 33 bog oo uu dukumintigan ka kooban yahay ayaa xoogga saaraya mabda'a maamulka Trump ee America First ''Ameerikaa u horreysa'', iyada oo loogu talogalay in la abuuro faham wadajir ah oo ku saabsan waxa Maraykanku uu rabo, waddooyinka loo marayo in la gaaro iyo sida natiijooyinka hab raacyadu u waafaqsan yihiin istaraatiijiyadda amniga qaranka.
Waxa uu dukumintigu muujinayaa isku-duwidda cusub ee maamulka Trump marka loo eego kuwii hore oo lagu dhaleeceeyay xiriirka Maraykanka iyo Afrika ee ku saabsan gargaarka, isla markaana sharraxaya beddelitaanka loogu guurayo mid ganacsi iyo maalgashi.
Maraykanka ayaa sheegay in xasiloonidu muhiim u tahay iskaashiga uu la leeyahay Afrika, isla markaana uu ka shaqayn doono xallinta dagaalka iyo khilaafaadka suuragalka ah inay ka dhacaan qaaradda.
Tusaale ahaan, dagaalka sokeeye ee Suudaan ayaa muujinaya in wada-hadallo ay socdaan iyo xalka khilaafka colaadda u dhaxaysa Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo iyo Rwanda.

Xigashada Sawirka, Ethiopia Government
Madaxweyneyaasha Rwanda iyo DR Congo Paul Kagame iyo Felix Tshisekedi ayaa ku saxiixay Washington heshiis 4-tii December ee asbuucii aynu soo dhaafnay, iyada oo uu Madaxweyne Trump uu dhexdhexaadinayay.
''Waa maalin ku weyn Afrika iyo caalamka. Labada dalba wax badan ayay u dabaaldegayaan,'' ayuu yiri Trump isaga oo intaa ku daray in Maraykanku uu heshiisyo la saxiixday labada dal kuwaas oo ''furaya albaabbo cusub'' oo isticmaalka macdanta muhiimka ah.
Maraykanka ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin muhiim ah oo uu kula shaqaynayo dowladaha ka midka ah dalalka afarta ee kamid ah dalalka la isku yiraahdo Quad, si xal loogu helo colaadaha Suudaan. Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa booqday Washington bilowgii bishan, isaga oo ka codsaday Trump inuu wax ka qabto khilaafka dhinacyada Suudaan.
Dukumintiga istaraatiijiyadda cusub ee amniga Maraykanka ayaa intaa ku daraya inuu ka shaqayn doono ka hortagga suurtagalnimada dagaal dhex mara Ereteriya iyo Itoobiya iyo Soomaaliya.
Ergayga sare ee Madaxweyne Trump ee arrimaha Afrika Massad Boulus ayaa kula kulmay Addis Ababa ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Qaahira oo uu kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Osman Saalax.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xiriirka u dhaxeeya Ereteriya iyo Itoobiya oo in ka badan 20 sano ku jiray xaalad 'dagaal la'aan iyo nabbad la'aan ah ayaa si dhaqso ah isku beddelay markii uu ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu xilka qabtay sannadkii 2018, uuna si toos ah ugu dhawaaqay inuu fulinayo heshiiskii Algiers.
Waxa ay wadajir uga qayb qaateen dagaalkii Tigray ee 2020, balse xiriirkooda ayaa xumaaday ka dib heshiiskii Pretoria.
Waxa ay muujisay xiriirka xun ee u dhaxeeya labada dal tan iyo Oktoobar 2023, markii masuuliyiin heerar kala duwan oo uu kamid yahay Abiy Axmed su'aalo ka keeneen adeegsiga dalkooda ee badda.
Hadallada ay is-weydaarsadeen labada dowladood ayaa kiciyay dagaal, waxayna abuureen cabsi laga qabo khilaaf cusub oo ka dhaca geeska Afrika.
Dukumintiga waxa uu muujinayaa siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka ee Afrika ay is-beddeshay, iyada oo horay diirada u saaraysay ''bixinta caawimaad iyo faafinta aragtida xorta ah,''
Maraykanku waxa uu muujinayaa rabitaankiisa in khayraadka dabiiciga ah ee ballaaran iyo awoodda dhaqaale ee Afrika laga beddelo caawimaada dibadda loona raro maalgashi iyo kobac si loo dhiirigaliyo xiriirka ganacsi ee Maraykanka iyo Afrika, taas oo faa'iido u leh Maraykanka, iyada oo lala kaashanayo ''dalal la doortay''.
Aragtida ''dalal la doortay'' waxa ay lamid tahay middii uu George W.Bush ugu yeeray ''dalal aasaasi ah'' balse maamulka Trump ma bixin faahfaahin la xiriirta dalalka ay tahay inay doortaan.
Itoobiya waxaa ay kamid ahayd dalalkii maamulka Bush u yaqaanay 'dalalka aasaasiga' iyada oo Ereteriya ay muddo dheerba diidanayd siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka.
Wareysi uu bishii Luulyo ee sanadkan bixiyay Madaxweyne Isaias Afewerkii ayuu ku sheegay in Ereteriya ay qorshaynayso inay Maraykanka la samaysato iskaashi cusub, gaar ahaana madaxweynaha dib loo doortay ee Donald Trump.
Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in iskaashi dhaqaale oo Maraykanka iyo Afrika dhex mara uusan ka fogayn kii maamulka Barack Obama ee Afrika ee ballaarinta sahayda tamarta. Waxa ay sheegeen in qorshohooodu yahay in la hagaajiyo lana ballaariyo soo dejinta alaabada Afrika ee canshuur la'aanta ku galaya Maraykanka.
Itoobiya oo kamid ah dalalka ka faa'iideystay heshiiska ayaa laga mamnuucay wax u dhoofinta Maraykanka ka dib dagaalkii Tigray, taas oo saamaysay warshadaha dalkeeda.
Dukumintiga ayaa sidoo kale tilmaamaya in Madaxweyne Trump uu joojiyay ''dagaal Masar iyo Itoobiya'' dhex mari lahaa. Bayaankan ayaa ahaa mid horay muran u dhaliyay.













