Khatarta ka dhalan karta dagaal dhex mara Itoobiya Ereteriya

Xigashada Sawirka, .
Waxaa sii kordhaya cabsi laga qabo in Ethiopia iyo Eritrea ay dagaal galaan. Hoggaamiyeyaasha sare ee labada dal ayaa muddo dheer is-eedeynayay.
Dhawaan, dowladda Ethiopia ayaa warqad cabasho ah u qortay Qaramada Midoobay , iyagoo ku andacoonaya in Eritrea ay qorsheyneyso inay dagaal ku qaaddo Ethiopia iyada oo kaashaneysa TPLF.
Mar kale Ethiopia ayaa Eritrea ku eedaysay inay samaysay xoog ciidan ah oo lagu magacaabo "Tsimdo", si ay ugu midoobaan qorshe lagu dhex maleegayo Ethiopia.
Xiisadda labada dal ayaa si weyn u kacday, gaar ahaan kadib markii Ethiopia si cad u sheegtay in ay xaq u leedahay in ay hesho marin badeed.
Mas'uuliyiinta Itoobiya, oo uu ku jiro Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed, ayaa sheegay in guuldarrada Ethiopia ee ku aaddan helitaanka marin badeed oo ku xidhma Badda Cas ay ahayd "khalad la galay 30 sano ka hor."
Isagoo ka hadlayay munaasabadda daahfurka buuggiisa cusub ee lagu magacaabo "Medemer State'
Abiy ayaa yidhi: "Waxaan hubaa inaan u bixi doonno dhinaca Badda Cas."
Xaaladdan, dad badan ayaa walaac ka muujiyay in labada dal ay markale dagaallamaan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Haddii Ethiopia iyo Eritrea ay dagaallamaan, maxay yihiin khataraha labada dal soo wajihi kara? Intee ayey u diyaarsan yihiin dagaal kale, iyagoo dhowaan ka qaybgalay dagaalkii waqooyiga Itoobiya? Ma u diyaarsan yihiin khasaaraha dhaqaale, mid diblomaasiyadeed, iyo kan kheyraadka bini'aadamka? Waxaan BBC-du weydiisay falanqeeyayaal arrintan.
Dagaalku ma aha wax cusub oo ku saabsan Ethiopia iyo Eritrea. Dhowr sano uun kadib markii Eritrea ay ku dhawaaqday madaxbannaani ka dhan ah Itoobiya, labada dal waxay galeen dagaal socday laba sano, kaas oo lagu soo afjaray Heshiiskii Algiers.
Inkastoo dagaalka la joojiyay, haddana labada dal waxay ahaayeen kuwo xidhiidhkoodu xumaa in ka badan 20 sano, iyagoo aan wax xidhiidh diblomaasiyadeed ah samayn.
Kadib markii Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed uu xilka qabtay sanadkii 2018, hoggaamiyeyaasha labada dal waxay ku dhawaaqeen nabad. Abiy ayaa marka hore booqday Asmara, kadibna Madaxweyne Isayas Afewerki ayaa booqday Finfinnee (Addis Ababa).
Xadka ayaa la furay, xidhiidh diblomaasiyadeedna waa la sameeyay. Balse sanadkii 2020, Eritrea ayaa ku biirtay dagaalkii u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF ee waqooyiga Itoobiya, iyadoo ka caawisay dowladda Itoobiya dagaalka lagula jiray ciidamada Tigray.
Dagaalkii socday laba sano ee sababay dhimashada kumannaan qof ayaa lagu soo afjaray Heshiiskii Pretoria.
Kadib heshiiskaas, xidhiidhka u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ayaa daciifay, ugu dambeyntiina wuxuu isu beddelay xiisad.
Ethiopia ayaa sii hurisay xiisaddaas hore u jirtay, kadib markii ay si cad u soo bandhigtay sheegashada ku saabsan "xaqa ay u leedahay inay hesho marin badeed oo ku xidhma Badda Cas."
Markii Eritrea ay ka go'day Ethiopia si ay u noqoto dal madaxbannaan — 30 sano ka dib burburkii xukunkii Dargiga — waxay la wareegtay dekedaha sida Asab iyo Mitsiwa.
Goosashadii Eritrea waxay Itoobiya kaga tagtay iyadoo aan lahayn deked iyo ciidamo badeed, taas oo ka dhigtay dal aan bad lahayn (landlocked country).
Markii Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed uu xukunka la wareegay, wuxuu dib u aas-aasay ciidankii badda ee Itoobiya oo aan jirin sannado badan. Wuxuuna sheegay in ay "aanay caddaalad ahayn" in Itoobiya — oo leh dad ka badan 120 milyan — aysan lahayn deked badeed oo wax ka yar 100 km u jirta dekedda Asab.
Intii lagu jiray khudbaddiisii furitaanka biyo xireenka GERD, Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed wuxuu sheegay in Itoobiya ay "dariiq u samayn doonto" inay gaadho Badda Cas, balse uu "mudnaanta siin doono wadahadalka."
Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed wuxuu ugu baaqay cid kasta oo diyaar u ah wadahadal inay isu diyaariso: "Helitaanka Itoobiya ee badda waa wax aan laga maarmi karin."
Mid ka mid ah siyaabaha ay Itoobiya ku gaadhi karto Badda Cas waa adeegsiga xoog ciidan. Si kastaba ha ahaatee, qareenka caalamiga ah iyo diblomaasigii hore ee Qaramada Midoobay, Bayisa Waqwayya, ayaa u sheegay BBC-da in ay jirto khatarta weyn haddii Itoobiya isku daydo in ay si ciidan ah ku tagto saldhigga Asab.
Bayisa ayaa sheegay in Itoobiya aysan haysan sharci caalami ah oo taageeraya sheegashadeeda ah in ay xaq u leedahay dekedda Asab.
"Ma rumaysni in dowladda Itoobiya ay doonayso in ay dal kale ku duusho. Asab waa dhul Eritrea leedahay," ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray in aysan jirin sharci caalami ah oo Itoobiya taageeraya.
Wuxuu sii raaciyay: "Haddii aad tiraahdo waxaan awood u leeyahay inaan dhul tago oo aan ku daro dalkayga, taas waa mamnuuc [sida uu qabo sharciga caalamiga ah] waana dembi."
Bayisa ayaa intaas ku daray "Ma rumaysni in dowladda Itoobiya ay dhab ahaantii ku dhiirranayso duullaanka Eritrea, waayo dagaalku wuxuu khatar weyn u keeni karaalabada dal."
Jeneraal hore Yohannes Gabremasqel, oo hore uga tirsanaa saraakiisha sare ee ciidamada Itoobiya islamarkaana ka dagaallamay dagaalkii Itoobiya iyo Eritrea, ayaa isna sheegay in dagaal kasta uu khatar yahay, balse haddii mid cusub dhaco, uusan socon doonin muddo dheer sida kii hore.
Jeneraal Yohannes ayaa sheegay in 25 sano ka hor, dareenka laga qabay ciidamada Itoobiya iyo Eritrea uu ahaa in "ciidanka Eritrea loo arko kuwo aad u xooggan," taas oo ka dhalatay dhibaatooyin gudaha Itoobiya ka jiray, balse hadda xaaladdu ay si buuxda u beddeshay.
Wuxuu yidhi: "Waxaan jeclaan lahaa inuusan dagaal dhicin, balse haddii uu dhaco, ma noqon doono mid la mid ah kii hore," isaga oo aaminsan inuusan jiri doonin dagaal dheer.
Mr. Baker, si kastaba ha ahaatee, wuxuu qabaa aragti ka duwan tan Jeneraal Yohannes. Wuxuu tilmaamay in haddii dagaal dhex maro labada dal, uu noqon doono mid la isu adeegsado hub culus, oo aan la mid ahayn dagaalkii sokeeye, isla markaana uu keeni doono khasaaro dhaqaale iyo mid bani'aadanimo oo aad u baaxad weyn.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya tahay dal ku tiirsan dhaqaalaha, sidaas darteedna khasaaraha dhaqaale uu si weyn u saameyn doono Itoobiya marka loo eego Eritrea.
Wuxuu intaas ku daray in dagaalkii ka dhacay woqooyiga Itoobiya uu sababay burbur weyn oo dhaqaale, isla markaana dagaal u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea uu noqon doono mid aad khatar u ah oo labada dal gelinaya dhibaatooyin culus.
Inkasta oo Heshiiskii Pretoria uu joojiyay dagaalkii woqooyiga Itoobiya, haddana dagaal kale ayaa ka qarxay gobolka Amxara, halkaas oo dagaal culus uu u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo xoogagga WBO, dagaalkaas oo socday in ka badan shan sano.













