Natiijada hal-abuurada ku guuleystay tartanka suugaanta deegaanka Soomaalida oo Jigjiga looga dhawaaqay

Guddiga qiimeynta tartanka

Xigashada Sawirka, Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS

Waxaa magaalada Jigjiga lagu soo gabagabeeyay tatan dhanka sugaanta ah oo ay ka qeybgaleen sugaanyahano da'yar ah .

Tartankan oo ah kii 7-aad ee Sugaanyahanka deegaanka, ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska dowlad deegaanka, gaar ahaan Waaxda Horumarinta Afka.

Tartanka waxaa ka qeyb galay hal-abuuro isugu jira wiilal iyo gabdho soo bandhigay hibada ay u leyihiin gabayo iyo suugaan kala duwan.

Sanadkan waxaa tartanka diiradda lagu saarayay sugaanta la xiriirta hormarka deegaanka iyo arrimo kale oo la xiriira waxqabadka.

Tartankan ayaa ahaa labo qeybood, qeyb waxa lagu tartamayay dhanka jiiftada , halka qeyb labaad uu tartanka ahaa dhanka gabayada.

Dheyman Cabdi sheekh oo la abaalmarinayo

Xigashada Sawirka, Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS

Waxaa tartanka sanadkan uu kaga duwanaa sanadihii hore in kaalinta koowaad ay gashay gabadh gaar tartanka dhanka badda Jiiftada .

Gabadhan kaalinta kowaad u gashay dhanka tartanka Jiiftada ayaa waxaa lagu magacaabaa Dheyman Cabdi sheekh oo ah gabadh da'yar.

Dheyman oo BBC la hadashay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay kaalinta ay tartanka ka gashay iyo guusha ay gaartay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Dareenkeyda lama cabiri karo aad baan ugu faraxsanahay inaan kaalinta kowaad aan galo" ayay tiri Dheyman.

Waxaa ay intaa ku dartay in mowduuca ay kaalinta kowaad ku gashay iyo gabayga ay ku guuleysatay uu ka hadlayay hormarka deegaanka.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in waliba aan ka hadlo mowduuc aan jeclaa inaan taabto oo aan ka hadlo, mowduuca aan ka hadlayna wuxuu ahaa isbadalka deegaanka ka socda" ayay intaa ku dartay.

Dheyman Cabdi sheekh ayaa xustay in waligeed ay ku hamin jirtay inay noqoto abwaanad wax curisa, isla markaana ay sii wadi doonto howsha curinta suugaanta.

"Hamigeyga iyo rejadii aan lahaa ayay ka mid ahayd inaan abwaan noqdo maadaama aniga oo yar aan hal-abuurnnimo iska arkay tartan inaan ka qeyb galana uu hamigeyga kowaad ii ahaa" ayay tiri Dheyman.

Dheyman ayaa intaa ku dartay in qoyskeeda sida hooyadeed iyo aabaheed ay dhiirigalin ka heshay marka ay timaado dhanka hal-abuurka iyo wax curinta.

Kaalinta dhanka gabayada waxaa ku guuleystay kaalinta kowaad Axmed Good shaqlane.

Muxuu yahay u jeedka tartankan?

Wasiir ku xigeenka Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska dowlad deegaanka, Cabdi Cumar,

Xigashada Sawirka, Xafiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska DDS

Wasiir ku xigeenka Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska dowlad deegaanka, Cabdi Cumar, ayaa sheegay in u jeedada tartanka uu yahay dhiiraglinta hal-abuurka iyo kobcinta afka hooyto.

"U jeedadda aan sanad kasta u qabano tartankan waxa weeye kow in la kobciyo afkeena hooyo, labo in fanka iyo sugaanta loo siiyo awood ama dhiirigalin ha-abuurka ah, bulshadana ay u nqoto wacyigalin, ayuu yiri Mr Cabdi.

Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in tartanka sanadka ay ka soo qeyb galeen 30 hal-abuur oo hibadooda soo bandhigy.

Cabdi Cumar ayaa farta ku fiiqay in marka tartanka ay shaacinayaan aysan wax shuruud ah ku xirin tartamayaasha balse marka dambe la kala xulo.

"Haba-yaraatee ma jirto wax shuruud gaar ah oo noo qoran oo aan ku xirno xulashada kowaad ma jirto, way is-diiwaangaliyaan hal-abuurada ka dibna waxaa loo furaa madal ay ku tartamaan" ayuu intaa ku daray .

Wasiir ku xigeenka Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS, Cabdi Cumar, oo sharaxaad ka bixinaya qaabka tartanka ay u qabtaan ayaa sheegay in guddi garsoor oo kala saara tartamayaasha.

"Kalkan waxaa is diiwaangaliyay ilaa 30 hal-abuur, sodonkaas hal-abuur guddi garsoor oo qiimeeya ayaa jira oo qiimeynaya qofka waxa uu soo bandhigayo" ayuu yiri Mr Cabdi.

Waxaa sanadkan tartanka sugaanta ee jigjiga ka dhacay lagu abaalmariyay tartamayaasha galay kaalinta kowaad ila saddaxaad oo ah labada qeybood.

"Sanadkan waxaan abaalmarin siinay saddexda kaalmaha hore ka galay tartanka gabayga iyo saddexda dhanka jiiftada ka galay saddexda kaalin ee ugu horeeya" ayuu yiri wasiir ku xigeenka.