Maxay tahay heesta Soomaaliga ah ee uu adeegsaday Aqalka Cad ee Mareykanka?

White House

Xigashada Sawirka, ABC

    • Author, Mohamed Bashi Khalif
    • Role, BBC Somali
    • Author, Fatuma Maalim
    • Role, BBC Somali

Muuqaal dhowaan lagu baahiyay barta Aqalka Cad ku leeyahay TikTok ayaa waxaa la dul saaray hees Soomaali ah, tani waxay si weyn falcelin ugu abuurtay baraha bulshada iyadoo dadku is weydiinayeen sababta Aqalka Cad u adeegsaday heestan Soomaaliga ah.

Lama raacin muuqaalka faallo ku saabsan heesta laakiin waxaa ciwaan looga dhigay muuqaalka, "Ma waxaad leedahay dowladda ayaa loo xiray arrimo la xiriira muhaajiriinta aan sharciyeysnayn?".

Dowladda Mareykanka ayaa shaqadeedu istaagtay dhowaan kadib markii labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ay ku guul-darreysteen inay isla meel dhigaan oo ansixiyaan sharci maaliyadeed lagu sii wadi lahaa maalgelinta adeegyada dowladda bisha Oktoobar iyo wixii ka dambeeya.

Sawirrada la saaray heesta ayaa ah qaar ka mida xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ee ka kala tirsan Aqalka Kongareeska iyo Senate-ka.

Sidoo kale waxaa sawirrada muuqaalka ee heestan la dulsaaray ku jirta muhaajiriin dhowr qof ah oo tallaabaya darbiga xadka Maraykanka tii oo la ogyahay in maamulka Trump uu qaaday tallaabooyin ka dhan ah soo galootiga.

Ka bood TikTok boggan
Oggolow TikTok macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay TikTok. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri TikTok xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan TikTok Waxaa laga yaabaa inay ku jirta xayasiis

Dhammaadka TikTok boggan

Maxay tahay heestu?

Sahra Dawo

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Sahra Dawo

Heestan waxaa la yiraahdaa ''Gorof" waana hees ay muddo dhowr iyo soddon sano ka hor qaadday fannaanadda Sahra Abuukar (Sahra Dawo) oo ka tirsanayd kooxdii Durdur ee Soomaaliya, haatanna deggan Mareykanka.

Fannaanadda oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho heestan.

Dad badan ayaa siyaabo kala duwan u micneeyay sababta uu Aqalka Cad usoo qaatay heestan, balse Cumar Cali Xasan (Seerbiya) oo uruuriya xogta fanka iyo fannaanka isla markaana buug ka qoray ayaa BBC u sheegay in loo aaneyn karo dhowr sababood.

"Waan arkay muuqaalkan. Sideedaba fanku waa luuqad caalami ah oo dunida dhan ka dhaxaysa. In hees la xiiseeyo kuma xirna in la fahmaayo erayadeeda keliya, mararka qaar waxaa la xiisayn karaa masraxa heesaaga iyo gudbintiisa, marna laxanka, marna muusigga oo isna ah ta'liif kale oo qiimeynteeda leh,".

"Tan waxay muujinaysaa sida fanku u yahay luuqad caalami ah oo cidna gaar u ahayn." Ayuu yiri.

Cumar Seerbiya

Xigashada Sawirka, Cumar Seerbiya/Facebook

Qoraalka sawirka, Cumar Seerbiya

Heesta miraheeda waxaa ka mid ah:

Haddaan gam'i waayo habeenkii

Galgashoonan seexan

Sidii Galawgii dhawaaqo

Hay gawdhine ii garaab

Gu' baa da'ay baa la yidhi

Geel baa dhalay baa la yidhi

Aan soo godlee gorofka keen

Erayada waxaa iska leh abwaankii Maxamed-Cali Axmed kaariye, halka laxankuna uu saaray fannaan Daa'uud Cali Mahdi (Daa'uud C Masxaf) oo labaduba geeriyooday.

Heesta waxaa sanadkii 1981 ku luqeysay Sahra Dawo oo xilligaas degganeyd magaalada Muqdisho.

Ka sokow adeegsida heestan Aqalka Cad, waxaa jira dad caan ah oo Maraykanka kasoo jeeda oo barta TikTok soo galiyey muuqaalladooda, iyagoo ku ciyaaraya heestan.

Maxaa sababay in shaqada dowladda Maraykanku istaagto?

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Lacagta lagu maalgeliyo dowladda Mareykanka ayaa go'day toddobaadkii hore kadib markii xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Donald Trump uusan heshiis la gaarin xisbiga mucaaradka ee Dimoqraadiga ah oo ku saabsan sida loo ansixinayo sharciga kharashaadka.

Tani waxay keentay in qaar ka mid ah balse aan dhammaan ahayn adeegyada dowladda Mareykanka si ku-meel-gaar ah loo joojiyo, iyo in 40% shaqaalaha dowladda - ilaa 750,000 oo qof - la geliyay fasax mushaar la'aan ah.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa haysta labada aqal ee Congress-ka, laakiin Aqalka Sare oo ah aqalka sare ee sharci-dejinta waxay ka hooseeyaan in ay helaan 60 cod oo looga baahan yahay ansixinta sharciyada kharashaadka.

Sidaas darteed, Dimoqraadiyiintu waxay halkan ku leeyihiin saameyn. Waxay diideen inay taageeraan sharci ay Jamhuurigadu soo bandhigeen, kaas oo ay sheegayaan inuu ka dhigayo daryeelka caafimaadka mid qaali ku noqda dadka Mareykanka ah. Mucaaradkani wuxuu salka ku hayaa in la horumariyo yoolalka siyaasadeed ee Dimoqraadiyiinta ee dhinaca daryeelka caafimaadka.

Waxay codsanayaan in la kordhiyo dhiirrigelinta canshuur dhaafka ee dadka Mareykanka ah ka dhigta caymiska caafimaadka mid jaban kuwaas oo qorshuhu yahay inay dhacaan iyo in la laalo go'aannada Trump uu ku jaray barnaamijka Medicaid. Waxay sidoo kale ka soo horjeedaan jarista miisaaniyadda xarumaha xakameynta cudurrada (CDC) iyo hay'adaha cilmi-baadhista caafimaadka ee Qaranka (NIH).

Sharcigii ku-meel-gaadhka ahaa ayaa horay looga ansixiyay Aqalka Wakiillada, oo ah aqalka hoose, balse wali lama ansixin Aqalka Sare.