Muxuu salka ku hayaa safarka Cirro uu ku aaday Itoobiya

Cirro

Xigashada Sawirka, Facebook

Madaxweynaha Somaliland, Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa safar ugu ambabaxay dalka Itoobiya, ka dib markii uu marti-qaad ka helay Dawladda Itoobiya.

Safarka Madaxweyne Cirro waxaa ku weheliya xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Madaxtooyada, Maaliyadda, Hawlaha Guud, Maalgashiga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Qaranka.

War-saxaafaddeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada oo uu saaray Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa lagu sheegay in Safarka mdaaxweyne Cirro uu yahay mid la xidhiidha xoojinta Iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo arrimaha isu-socodka.

Maxay yihiin qodobada ay ka wada hadli doonaan Somaliland iyo Itoobiya

Sida uu sheegay Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige waxa muddada Weftiga Madaxweynuhu joogaan Magaalada Addis ababa ay kulmo la yeelan doonaan madaxda sare ee dalka Itoobiya, kuwaasi oo ay ka wada hadli doonaan sida lagu sheegay War-saxaafaddeedka xoojinta iskaashiga labada dhinaca, kor u qaadidda ganacsiga iyo isu-socodka iyo sidoo kale ka wada-shaqeynta nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Safarkan Madaxweyne Cirro, ee dalka Itoobiya ayaa noqonaya kii u horreeyey ee uu ku tago Dalka Itoobiya tan iyo markii uu la wareegay talada Somaliland bishii Diisambar ee sannadkii hore.

Madaxweyne Cirro oo muddo toban bilood ah haya Xilka, ayaa waxa uu muddadaasi safarro ku tegay dalalka Jabuuti, Kenya, Qatar iyo dalalka Imaaraadka Carabta oo uu muddadaas u safray saddex jeer.

Madaxweyneyaashii hore ee Somaliland ayaa marka ay la wareegaan talada waxa ay safarkooda u horreeya ku tegi jireen dhinaca dalka Itoobiya, waxaanay safarkan Madaweyne Cirro noqonayaa Madaxweynihii u horreeyey ee lix safar oo uu u baxay, kii toddobaad ku taga dalka Itoobiya.

Kulankii uu madaxweynaha Soomaaliya la yeeshay Abiy Axmed

Xasan iyo Abiy

Xigashada Sawirka, Radio Shabelle

Safarkan Madaxweyne Cirro ku tagay Itoobiya ayaa waxa uu ku soo beegmayaa, xilli laba maalmood ka hor Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya kula kulmay, raysal wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed.

Labada hoggaamiye ayaa yeeshay wadahadallo diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo hagaagayey tan iyo markii ay Dawladda Turkigu dhex-dhexaadisay labada dhinaca, ka dib khilaafkii iyo xiisaddii ka dhalatay is-fahamkii Somaliland iyo Itoobiya.

Qoraal ay baahisay hay'adda warbaahinta Itoobiya ayaa lagu sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay labada dhinac saxiixeen heshiiskii Ankara dabayaaqadii sannadkii hore 2uu xiriirku u muuqdo mid ka soo reynaya".

"Cadaadis ka yimid jaanib 3aad awgiis ayuu mowqifka Soomaaliya ku soo dhacay waddada saxda ah, sababo la xiriira heshiiskii Ankara ee ah in Turkigu uu xiriir adag la leeyahay labada dhinac" ayaa lagu sheegay qoraalka.

Waxaa kaloo lagu sheegay qoraalka in Soomaaliya ay aqbashay baahida Itoobiya ay u qabto inay hesho marin badeed inay tahay mid sax ah.

Muxuu ahaa mowqifkii uu Madaxweyne Cirro ka taagnaa markii uu Mucaaradka ahaa

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa wakhtigii uu ahaa Murrashaxa Xisbigii Mucaaradka ahaa ee Waddani, waxa uu taagnaa mowqif ah, in xukuumaddii wakhtigaas ee uu hoggaaminayey Muuse Biixi in ay bulshada u soo bandhigto is-fahamka, lana mariyo Barlamaanka.

Madaxweyne Cirro, oo BBC-da weydiisay Bishii Oktoobar ee sannadkii hore, markaa oo uu ahaa murashaxa Xisbiga Waddani mowqifkiisa ku aaddan isfahamkii Somaliland iyo Itoobiya, haddii uu doorashada ku guulaysto, ayaa sheegay in ay sii wadayaan is-fahamkaas, isla markaana ay la marinayo dariiqa sharciga, dawladaha ay khusaysona kala hadlayaan.

Maxay ahayd xogtii cusub ee uu Muuse Biixi ka sheegay Is-fahamkii uu la galay Abiy Axmed

Muddo ku dhow laba sanno ayaa laga joogaa markii ay Somaliland iyo Itoobiya ay kala saxeexdeen is-fahamkan sheegayey in Somaliland Itoobiya ka kirayso dhul dhan 20 KM oo xeebaha ah, isla markaana Somaliland loogu beddelo aqoonsi.

Heshiiskan is-faham oo aan weli fulin, loona beddelin heshiis rasmi ah, ayaa sababaha uu u fuli waayey waxa ka hadlay bishii hore Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo waraysi siiyey Website-ka Somaliland chronicle, waxa uu sheegay in fulin la'aanta heshiisku ka timid dhinaca Itoobiya, taas oo ay sababtay cadaadis ka yimid dalalka Carabta iyo Midowga Afrika oo is garab taagay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo si weyn uga soo horjeesatay heshiiskaas is-faham ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya bishii January ee 2024-kii.

Muxuu ahaa is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya ee Xiisadda ka abuuray Geeska Afrika

Bishii Janaayo 1, Sannadkii 2024-kii ayaa Somaliland iyo Itoobiya kaga dhawaaqeen Addis Ababa heshiis is-faham oo xiisad weyn ka abuuray Geeska Afrika, kaas oo ku saabsanaa in dhul dhan 20 Km oo xeebaha Somaliland laga siiyo Itoobiya, kuwaas oo ay ka dhiganayso Deked ganacsi iyo Saldhig Ciidan. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay ballan-qaadeen inay Somaliland u aqoonsadaan dal madax-bannaan.

Heshiiska is-afgaradka ee labada dhinac doonayaan in loo badello heshiis rasmi ah oo sharci ah, ayaa abuuray xiisad weyn oo ka dhex qaraxday Itoobiya iyo Soomaaliya.

Taas waxay keentay in markii dambe Turkigu dhex-dhexaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana la dejiyo xiisaddii, lana soo celiyo xidhiidhkii labada dhinac.