Dhegeyso: Heshiiska dhex maray Somaliland iyo Puntland

Qoraalka Codka, Kulankan ayaa ka dhacay Nairobi
Dhegeyso: Heshiiska dhex maray Somaliland iyo Puntland

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa shalay markii ugu horraysay heshiis ku wada gaaray mas'uuliyiin ka ka socda Somaliland iyo Puntlanad.

Dhinacyada ayaa isku af-gartay ka wada shaqaynta iskaashiga amniga iyo ganacsiga.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf ayaa BBC-da u sheegay in aanay ahayn markii ugu horraysay ee labadan dhinac ay heshiis kala saxeexdaan isaga oo xusay in xukuumadihii Axmed Siilaanyo iyo Faroole ay hadda ka hor gaareen heshiis amni.

Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysiga oo buuxa: