Xaasas ku dilay boqolaal ragooda ah tuulo ku taal Hungry

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii desember ee sanadkii 1929-kii maxkamad goboleed ayaa ka furantay tuulo lagu magacaabo Szolnok ee dalka Hungary. Kiiska waxa uu la xiriiray tuulo ku dhow oo lagu magacaabo Nagyrev halkaas oo tobannaan haween ah lagu eedeeyay in ay sumeeyeen ragooda.
Wargeyska New York Times ayaa xiligaas qoray in ku dhawaad 50 haween ah lagu soo eedeeyay in ay sumeeyeen rag ka tirsanaa bulshada. Wargeyska waxa uu sheegay in sanadihii u dhexeeyay 1911 ilaa iyo 1929, dad ka badan 50 rag ah lagu dilay sun. Goobta ay wax ka dhaceen waxay aheyd sida wargeysku qoray Nagyrev oo ah meel beeraley ah oo 130 kilomitir dhanka koonfur kaga beegan Budapest.
Intii ay maxkamadu socotay waxaa jiray magac dhowr jeer soo noqnoqday. Zsuzsanna ayey aheyd. Haweeneyda waxay umuliso ka aheyd tuulada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nolosha tuulada Nagyrev
Nagyrev waxay aheyd tuulo yar oo ay ku noolaayeen beeraley, waxay ku taal wabiga Tisa oo ku yaal gobolka ugu weyn dalka ee laga soo saaro qamriga.
Inta badan guurka ka dhaca halkaas wuxuu ahaa mid labada qof laysku doonay oo qoysku qabanqaabiyeen. Gabdho da'yar iyo odayaal ayaa laysku darayay. Guurka laysu doono inta badan waxaa lala xiriiriya in uu ku yimid heshiis dhul, dhaxal iyo kuwa kale oo sharci ah sidaa darteed suuragal ma aheyn in furiin dhaco.
Xiliga ay dhacayeen dilalka waxaa tuulada maamulayay boqortooyadii Austro-Hungary.
Ilaa markaa kaddib ma jirin wax dhakhaatiir ah ama wadaado joogay Nagyrev. Aqoontii ay laheyd Fazekas ee dhinaca daawada iyo daaweynta ayaa keentay in ay noqoto umuliso iyo sidoo kale in ay qaadato kaalinta dhakhtarnimo.
"Aqoonteeda ayaa keentay in dadku u yimaadaan oo aaminaan," ayey tiri Maria Gunya oo BBC-da la hadashay sanadkii 2004-tii. Gunya waxay aheyd gabar yar markii aabaheed oo ah sarkaal ka soo jeeda deegaanka ay boolisku weydiisteen in uu gacan ka geysto baaris lagu sameyanayo geeri badan oo aan la ogeyn waxa keenay taas oo ka dhacay tuulada.
Umulisada waxay ku nooleyd guri hal dabaq ah oo jidka ku sii jeeday. Ms Gunya waxay sheegtay in haweenka tuulada ay inta badan u imaan jireen iyagoo kala hadli jiray dhibaatooyinkooda.
"Waxay dhageysan jirtay waxyaabaha xaafadaha ka dhaca sida rag tumaya haweenka, kuwa kufsanaya, kuwa badan oo aan daacad aheyn, iyo xadgudubyo badan" ayey tiri Ms. Gunya.
Waxay kaloo sheegtay in marka haweenka ka cawdaan xadgudubyada ragooda cabsan, waxay Fazekas ku dhihi jirtay, "hadii aad dhib ku qabtaan, xal fudud ayaan idin hayaa".
Xalka waxa uu ahaa sun ay sameysay umulisadan. Mar dambe ayaa la helay sun lagu aasay beerta gurigeeda sida uu wariyay wargeyska Britain ee The Times.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qabuuraha tuulada ayaa mudo yar ku buuxsamay. Intii u dhexyesay 1911 iyo 1929 waxaa qabuuraha Nagyrev lagu aasay 50 nin. Intooda badan waxay ahaayeen aabayaashii reerka.
Ugu dambeyn mas'uuliyiintu waxay ka shakiyeen geeridan, waxayna bilaabeen baaris. 50 meyd ah ayaa la baaray. 46 ka mid ah ayaa la ogaaday in la sumeeyay taasina waxay cadeyn u noqotay shakiga. Fazekas ayaana farta lagu soo fiiqay. 19-kii bishii July sanadkii 129-kii ayey boolisku xireen.
"Markii ay aragtay booliska oo dhankeeda u soo socda, waxay xaqiiqsatay in la ogaaday. Markii ay gurigeeda soo galeen, nolol uguma tagin. Suntii ay dadka siin jirtay ayey cabtay," ayey tiri M. Gunya.
Boolisku waxay sheegeen in dilalkii ugu horeeyay ay dhaceen 1911-kii oo ah sanadkii ay Fazekas u soo guurtay tuulada. Sanadkaas ayey bilowday in ay sumeyso dadka.
Waxybaaha ku qasbay in ay sidaa yeelaan haweenka waxaa ka mid ahaa saboolnimo, waxbadsi iyo waxyaabo kale.
Wararka qaar waxay sheegeen in haweenka qaar ay jeclaadeen Ruushkii ka shaqeynayay beeraha markii ragooda ku maqnaayeen dagaalkii koowaad ee adduunka. Markii ragooda soo laabteen waxay xaasaska dareemeen in ay waayeen xorriyadi kaddibna mid mid ayey tallaabo u qaadeen.
Meelo kale ayey suurgal tahay in ay sidaan ka dhacday. Magaalada Tiszakurt waxaa laga helay meydad badan oo sababta dhimashadoodu aheyd sun. Qofna looma soo qaban.
Tirada guud ee ku dhimatay gobolka ayaa lagu qiyaasay ilaa iyo 300.













