Taariikhda Dagaalkii Hitler: Sidee ayuu bilaabmay Dagaalkii Labaad ee Adduunka?

Hitler

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Hitler

Waxay ahayd aroortii hore ee 1-dii September 1939. Ciidamada Jarmalku waxay duqeeyeen magaalada Vailun ee dalka Poland.

Magaaladan la duqeeyay ayaa ahayd magaalo aan muhiimad ciidan u lahayn xilligaasi dalka Jarmalka.

Ujeedka weerarkaasi ayay khubarada militariga ku tilmaameen in ay ahayd mid dadka lagu cabsi gelinayay oo baqdin lagu abuurayay.

Si kastaba ha ahaatee boqolaal qof ayaa lagu dilay weerarka, dhismayaal ayaa dhulka lala simay, islamarkana dadkii ka badbaaday ayaa goobta ka qaxay.

Naasiyiintii Jarmalka ayaa ku duulay Poland iyada oo adeegsanaya 62 cutub oo militari ah iyo 1300 oo diyaaradood.

Ilaa maanta, duullaankii Hitler ee Poland waxa loo arkaa in uu ahaa mid uu ku khamaarayay, maadaama dhaqaalihii dalkaasi uu burbursanaa.

Qaar ka mid ah jeneraalladii Hitler waxay isku dayeen inay joojiyaan dagaalkii xilligaasi qarxay.

Qorshaha Hitler ayaa guuldareystay islamarkana waxaa ku soo jeedsaday Ingiriiska iyo Faransiiska iyadoo aanay jirin khiyaar kale oo u furnaa .

Balse Hitler sidii ma fileyn oo waxaa uu abaanduulayaasha ciidamadiisa ka filayay in ay daacadnimo u muujiyaan.

Hitler waxa uu si adag u rumaysnaa in duulaanka Poland uu ku dhammaan doono muddo gaaban gudaheed.

Rajada koowaad ee uu lahaa waxay ahayd xoogga iyo awoodda ay leeyihiin ciidankiisa.

Fikirka labaad ee uu rumeysnaa ayaa ahayd in madaxda Ingiriiska iyo Faransiiska ay daciif yihiin.

Hitler waxa uu moodayay in aanay dagaal geli doonin oo ay rumaysan yihiin oo keliya wada-hadallada nabadda in jarmalka lala furo.

Ka dib markii Jarmalku is dhiibay dhamaadkii dagaalkii 1-aad ee aduunka, heshiiskii Versailles waxa la ansixiyay intii u dhaxaysay 1935 ilaa 1938.

Waxaa cunaqabteyn lagu soo rogay Jarmalka, balse Jarmalku wuu dafiray cunaqabataynta.

Hitler waxa uu taas u arkayay guushiisii ​​ugu waynayd ee uu gaaray.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Warbaahinta reer galbeedku xilligaasi ma ahayn mucaarad xooggan oo ka soo horjeeda hogaamiyihii Jarmalka Hitler .

Isagoo ay dhiirri gelisay xaaladda xilligaasi taagnayd, Hitler wuxuu amray in lagu duulo oo la qabsado Czechoslovakia.

Wuxuu Poland ku cadaadiyay inay bixiso ogolaanshaha lagu dhisayo waddooyinka isku xira.

Tani waxay ahayd jabin uu jabiyay balantii uu u qaaday Britain, islamarkana Britain waxay muujisay in aanay ku qanacsanayn tallaabooyiinka Jarmalka.

Si kastaba ha ahaatee Hitler oo baaqa Ingiriiska ka madax adeegaya waxaa uu ku amray ciidamada Jarmalka inay duulaan ku qaadaan Poland.

Hitler waxa uu sidoo kale ka taxadirayay oo iska ilaalinayay in uu gef u geysto hogaamiyihii Midowgii Sofiyeeti Stalin, islamarkana Stalin ayaa qudhiisa qabay fikir kaasi la mid ah.

Haddaba Stalin oo hogaaminayay Midowgii Sofiyeeti iyo Hitler oo Jarmalka hogaaminayay waxay gaareen heshiis 23 bishii August, 1939-kii.

Sannadkii 1914-kii, markii uu qarxay dagaalkii 1aad ee adduunku, dadka Jarmalka aad ayay ugu faraxsanayaaeen, balse dagaalki labaad arrintu taasi way ka duwanayd.

Jarmalku waxay dib u xasuusteen xanuunkii ay ka dhaxleen is-dhiibka iyo jabkii hore uga soo gaaray dagaalkii labaad ee aduunka sanaddii 1918 .

Si kastaba ha ahaatee, dadka Jarmalka badankoodu waxay taageereen dagaalka iyaga oo ka caga jiidaya.

Dagaala ayaa wuxuu bilaabmay 4:40 subaxnimo 1-dii Sebtembar, sanaddii 1939kii.

Ciidamada ka socday dalka Jarmalka ayaa bilaabay inay weeraraan oo ay burburiyaan magaalada Weilon, balse dad badan ayaa wakhtigaas ka warqabin in ay ahayd bilawga dagaal weyn.

Balse dagaalka ayaa markii dambe waji kale yeeshay laba maalmood ka dib duullaanka, Ingiriiska iyo Faransiiska waxay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Jarmalka.

Laba toddobaad ka dib, Poland ayaa mar labaad la soo weeraray oo ay duullaan ku soo qaadeen ciidamadii Jarmalka .

Markan waxaa gobolka bari ka dhacay weeraro uga yimid Midowga Soofiyeeti, duullaankii Jarmalku ku qaaday Poland wuxuu calaamad u ahaa bilawga mid ka mid ah qabsashadii ugu waynayd ee dala la qabsado.

Ciidankan Jarmalku wuxuu dilay malaayiin qof oo u dhashay Poland, islamarkana marka loo eego tirada dadka la dilay, qiyaasuhu way kala duwan yihiin.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Laakiin tirada iyo xogaha lagu kalsoonaan karo aya muujinaya in in ka badan 50 milyan oo Poland u dhashay lagu dilay dagaalka, taas oo macnaheedu tahay in 17% dadka dalkaasi ay dhinteen.

Tirakoobkan waxaa sidoo kale ku jira 30 milyan oo Yuhuuda Polish ah oo lagu dilay xasuuqii lagu magacaabi jiray Holocaust.

Dad badan oo rayid ah oo xitaa ka badan tiradii ku dhimatay weerarkii niyukleerka ee lagu qaaday Hiroshima iyo Nagasa ayaa halkaasi ku dhintay.

Hogaamiyihii Jarmalka ee xilligaasi Hitler wuxuu amar ku bixiyay in la burburiyo caasimadda Poland ee Warsow.

Dagaalkii ku xigay meelo badan oo aduunka ka mid ah ayuu gaaray ilaa 1945. Markii ciidankii Casaanka ahaa ee Ruushku ka saaray Jarmalkii ku soo duulay Warsaw, Stalin waxa uu Poland ka dhisay nidaam shuuci ah.

Hal bil ka dib bilawgii dagaalka, iyada oo Poland ay hareereeyeen oo ay qabsadeen, Hitler wuxuu si cad u soo bandhigay inuu heshiis nabadeed la galo xulafada reer galbeedka.

Balse heshiiskaasi ka dhab ma ahayn oo isla markiiba wuxuu si qarsoodi ah ugu amray taliyayaashiisa inay u diyaar garoobaan duulaankii lagu qaaday Faransiiska.

Ingiriiska iyo Faransiisku waxay diideen inay rumaystaan ​​Hitler waxayna go'aansadeen in dagaalka ay sii wadaan, waxaa uuna dagaalka sii socday muddo 6 sano ah.

In ka badan 8 milyan oo qof ayaa si toos ah iyo si dadbanba loogu dilay dagaalkii labaad ee adduunka, kaas oo ku billowday duullaankii Poland.

Dagaalku waxa uu tusaale u ahaa in la isku dayo in dhul dal kale xoog lagu qabsado uu isu rogi karo dagaal weyn.

Nabarradiisii ​​qaraaraa ee dagaalkaasi laga dhaxlay ayaa ilaa maanta dunida oo dhan ka jira.