Wax ka ogow meelaha adduunka ee aysan haweenku tagi karin

Safarku waa khibrad cajiib ah, wuxuuna kuu oggolaanayaa inaad barato meelo aadan baran lahayn haddaadan safri lahayn, gaar ahaan intii lagu guda jiro fasaxyada.
Socodkuna keliya kama faa'iidno ad adeyg ee sidoo kale wuxuu naga caawiyaa inaan fahanno waxa ka socda dunidan, shaqooyinka, dhaqamada, iyo xitaa luqadaha dadka ku nool meelaha aan booqanno.
Marka laga soo tago farxadda aan dareenno marka aan safreyno, waxaa jira siddeed goobood oo dunida ka tirsan oo aan haweenka loo oggoleyn inay aadaan sababo la xiriira dhaqanka iyo shaqada ragga goobahaas ee aan haweenka u oggoleyn inay tagaan halkaas, waxayna kala yihiin:
Macbadka Ayyappan, Sabarimala, Hindiya:

Xigashada Sawirka, India TV
Macbadka Ayyappan wuxuu ku yaallaa Kerala, Hindiya.
Macbadkan waa mid barakeysan oo ay Hinduuda ku cibaadeystaan.
Dekadda Ayyappan waxaa sidoo kale loo yaqaannaa Sabrimala, waa meel aan loo oggoleyn inay galaan haweenka.
Haweenka ay da'doodu u dhaxeyso 6 jir iyo 60 jir looma oggola inay cagaha soo dhigaan xaruntaas.
Guud ahaan dhammaan haweenka caadada qaba ayaan loo oggoleyn inay maraan waddada aadda Macbadka Ayyappan.
Hoteelka Geedka Gubanaya, Bethesda:

Xigashada Sawirka, Golf Pass
Siyaasiyiinta ayaa waqti badan ku qaata halkan, sababtoo ah waxay doonayaan inay helaan waqti badan oo ay uga hadlaan siyaasadda.
Si kastaba, garsooreyaasha Maxkamadda ugu Sarreysa iyo madaxweynaha ayaa sidoo kale fursad u helay inay booqdaan hoteelkan.
Tanina waa sababta Sandra Day O'Cornor ay u noqotay haweeneydii ugu horreysay ee lugta gelisa hoteelkan sanadkii 1981.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ay noqotay garsooraha ugu sarreeya ee Mareykanka.
Goobta codbixinta ee Sacuudiga iyo, Magaalada Baadariga:

Xigashada Sawirka, SAUDI ARABIA TV
Dowladda Sacuudiga ayaa haweenka mar hore uga mamnuucday inay waddooyinka dalkaas gaari ku kaxeeyaan, balse sandihii dhawaa ayaa go'aankaasi meesha laga saaray.
Si la mid ah Sacuudiga iyo magaalada baadariga, haweenka looma oggola inay goobaha codbixinta tagaan si ay codkooda u dhiibtaan. Waxaa la ogyahay in xuquuqda haweenka ee Sacuudiga ay xaddidan tahay marka loo bar bar dhigo dunida kale.
Xaaji Cali Dargah, Mumbai:

Xigashada Sawirka, WIKIPEDIA
Xaruntan waa mid ka mid ah masaajiddada ku yaalla Mumbai, halkaas oo aan haweenka loo oggoleyn inay galaan.
Goobtan barakeysan waa meel lagu cibaadeysto. Markii hore, haweenka waa loo oggolaa inay galaan xaruntan oo lagu magacaabo Haji Aki Dargah.
Balse tan iyo sanadkii 2012, haweenku looma oggolaan inay galaan xaruntaas.
Tartanka Tour De France:

Xigashada Sawirka, AFP
Meelaha aan haweenka loo oggoleyn waxaa ka mid ah tartanka Tour De France, oo caadiyan lagu qabto Faransiiska.
Ragga ayaa ka qeyb gala tartan sanadeedkan miyiga lagu qabto oo ka qeyb galayaashu ay ku tartamaan baaskiilkooda.
Garoomada cayaaraha ee Iiraan:

Xigashada Sawirka, IRAN PRESS
Dalka Iiraan, oo inta badan ay bulshadu Muslimiin yihiin, waa sharci darro inay haweenku tagaan goobaha cayaaraha kubadda cagta.
Haweenku inta badan guryaha ayay joogaan, ragga keliya ayaana taga garoomada kubadda cagta sid auu qabo sharciga Iiraan.
Buurta Omine ee Japan:
Buurta Omine waa goobta dalxiiska ugu weyn gobolka Nara ee Japan.
Deegaankan wuxuu caan ku yahay saddex goobood oo lagu cibaadeysto.
Balse haweenka looma oggola inay buurtan cibaadeysi u tagaan, keliya ragga ayaa tegi kara.
Buuraha Athos ee Giriigga

Xigashada Sawirka, BRITANNICA
Buurta Athos, oo ku taalla Giriigga, sidoo kale waa jasiirad muhiim ah oo ragga iskaabulada ah loo gu talo galay.
Waa ragga kuwa ku nool buurtan kuwaas oo ay ka go'an tahay cibaadeysiga iyagoo aanan ogeyn haweenka ku nool buurtan.
Taasina waa sababta aan haweenka loogu oggoleyn inay tagaan buurtan.










