Trump oo baaq cusub u diray ergada ku shirsan Qaahira

Xigashada Sawirka, Reuters
- Author, Rushdi Abualouf
- Role, Wakiil-wareedka Qasa
- Author, Mallory Moench
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku boorriyay cid kasta oo ku lug leh dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Qasa in ay "degdeg u howlgalaan" iyadoo dhexdhexaadiyayaashu ay maanta oo Isniin ah ku kulmayaan Masar halkaasoo ay ku yeelanayaan wadahadallo nabadeed oo aan toos ahayn oo u dhaxeeya Xamaas iyo Israa'iil.
Wadahadalladan ayaa imaanaya ka dib markii Xamaas ay oggolaatay qaybo ka mid ah 20-ka qodob ee qorshaha nabadda ee Mareykanka, oo ay ku jiraan sii deynta la haystayaasha iyo in maamulka Qasa lagu wareejiyo Falastiiniyiinta, laakiin waxay raadinayaan wada xaajood ku saabsan arrimo kale.
Jawaabta kooxdu ma xusin dalabaadka muhiimka ah ee hub ka dhigistooda iyo in aanay door mustaqbalka ah ku yeelan maamulka Qasa.
Isaga oo baraha bulshada ku qoraya in wada-hadallada guulo laga gaaray, Trump waxa uu yiri: "Waxaa la ii sheegay in wejiga koowaad la dhammeynayo toddobaadkan, waxaana qof walba ka codsanayaa in uu si degdeg ah u howlgalo".
Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaa ku daray "waqtigu waa nuxur ama dhiig badan ayaa daadan doona".
Isagoo la hadlayay saxafiyiinta mar sii horreysay, Trump ayaa sheegay in uu u maleynayay in la haystayaasha dhaqso loo sii deyn doono.
Mar wax laga weydiiyay dabacsanaanta qorshihiisa nabadda, Trump wuxuu yiri "Uma baahnin dabacsanaan sababtoo ah qof walba si weyn buu u aqbalay, laakiin mar walba waxaa jiri doona isbeddello".
"Arrintaasi wax weyn ayay u tahay Israa'iil, waa arrin aad ugu weyn dhammaan dunida Carabta, dunida Muslimka, iyo caalamkaba, marka aad baan ugu faraxsanahay," ayuu raaciyay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale, duqeymaha cirka ee Israa'iil ayaa ka sii socday Qasa, inkastoo Trump uu Israa'iil u sheegay inay "si degdeg ah u joojiyaan duqeynta" Jimcihii ka dib markii Xamaas ay ka jawaabtay qorshaha la soo jeediyay.
Afhayeenka xukuumadda Israa'iil Shosh Bedrosian ayaa u sheegay warbaahinta shalay in "in kasta oo duqeymaha qaarkood ay dhab ahaantii ka joogsadeen gudaha marinka Qasa, haddana ma jirto wax xabbad joojin ah oo la isla meel dhigay".
Bedrosian wuxuu sheegay in Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu bixiyay amar "in ay iska caabbin sameeyaan ujeeddooyin difaac dartood... haddii ay khatar ku tahay noloshooda marka a joogaan goobta dagaalka ee Qasa".
Wararka ka imaanaya Qasa ayaa sheegaya in Israa'iil ay sii wadeen duqeymaha cirka iyo rasaasta taangiyada habeenkii iyo Axaddii, iyagoo burburiyay tiro dhismayaal ah oo ku yaalla magaalada.
Weriye ka tirsan BBC-da ayaa maqlay qaraxyo ka dhacay gudaha Qasa, wuxuuna arkay qiiq aad u badan, xilli uu ku sugnaa meel u dhow xudduudda Kibbutz Be'eri, Israel, subaxnimadii Axadda.
Illaa 65 qof oo kale ayaa lagu dilay howlgallada militari ee Israa'iil 24-kii saac ee ka hor ilaa duhurnimadii shalay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ee Qasa.

Xigashada Sawirka, Reuters
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa u sheegay CBS News - oo ay BBC-du wada shaqeyn kala leeyihiin Mareykanka - in loo baahan yahay in la joojiyo duqeynta si loo fududeeyo sii deynta la haystayaasha.
"Ma sii dayn kartid la haystayaasha inta ay weli duqeyntu socoto... taasi waa inay joogsato, laakiin sidoo kale waa inaad ka shaqeysaa arrimaha kale ee farsamada," ayuu u sheegay CBS News' Face the Nation Axaddii.
"Waxaan rabnaa inaan sida ugu dhaqsaha badan u soo saarno la haystayaasha," ayuu raaciyay.
Qorshahan oo ka kooban 20 qodob ayaa soo jeedinaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, lana sii daayo 48 la haystayaal ah, oo 20 ka mid ah loo malaynayo inay nool yihiin, iyadoo lagu beddelayo boqollaal qof oo reer Qasa ah.
Netanyahu ayaa khudbad muuqaal ahayd oo la sii daayay shalay ku sheegay inuu rajaynayo inuu ku dhawaaqo sii deynta la haystayaasha "maalmaha soo socda".
Ra'iisul wasaaruhu "wuxuu si cad u sheegay in heshiis lala galay maamulka Trump uu dhigayo in wada-hadallada ay ku koobnaan doonaan dhowr maalmood ugu badnaan", ayuu yiri Bedrosian.
Netanyahu ayaa amar ku bixiyay in wafdiga Israa'iil ay u baxaan Isniinta wada-hadallada muhiimka ah.
Wafdi ka socda Xamaas oo uu hoggaaminayo madaxa wada xaajoodka Khalil al-Hayya, oo ka mid ahaa bartilmaameedyadii isku daygii dil ee Israa'iil ka geysatay magaalada Dooxa ee dalka Qadar bishii hore, ayaa lagu waday inay gaaraan magaalada Qaahira habeennimadii Axadda.
Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff, wiilka uu Trump soddogga u yahay ee Jared Kushner iyo wasiirka arrimaha dibadda Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sidoo kale ka qeyb galaya.
Wadahadalladan ayaa la filayaa inay ka mid noqdaan kuwii ugu cakirnaa tan iyo markii uu dagaalka billowday, waxaana lagu go'aamin karaa in waddo loo maro dhammeynta colaadda ugu dambeyn la gaari karo.
Dad badan oo Falastiiniyiin ah ayaa ku tilmaamay jawaabta Xamaas ee qorshaha nabadda mid lama filaan ah, ka dib maalmo ay soo baxayeen calaamado muujinaya in kooxdu ay isku diyaarinayso inay diiddo ama ugu yaraan shuruud adag ku xirto aqbalidda soo jeedinta qorshaha nabadda ee Trump.
Taa beddelkeeda, Xamaas waxay ka gaabsatay inay ku darto "khadka cas" ee soo jireenka ah ee bayaanka rasmiga ah, tallaabadaas oo dad badani u fasirteen inay calaamad u tahay cadaadiska dibadda.













