Madaxweynaha Madagascar oo dalka ka baxsaday iyo afgembi laga digayo

Xigashada Sawirka, Reuters
- Author, Natasha Booty
- Author, Sammy Awami
- Role, BBC Africa
- Reporting from, Antananarivo
Madaxweynaha Madagascar ee xaaladda adag ku sugan, Andry Rajoelina, ayaa sheegay inuu ku dhuumanayo "goob ammaan ah" kaddib isku day lagu doonayay in lagu dilo sida uu sheegay, xilli ay socdeen toddobaadyo mudaaharaadyo ah oo laga dalbanayay inuu xilka iska casilo.
Isaga oo si toos ah ugala hadlayay shacabka boggiisa Facebook, ayuu Rajoelina, oo 51 jir ah, sheegay in "kooxo ka kooban saraakiil ciidan iyo siyaasiin ay qorsheeyeen inay i dilaan."
Madaxweynuhu ma shaacin goobta uu joogo, balse warar aan la xaqiijin oo hore u soo baxay ayaa sheegay in uu dalkii ka baxay isaga oo raacaya diyaarad ciidan oo Faransiis ah.
Tani waxay ku soo beegmaysaa laba toddobaad oo mudaaharaadyo ballaadhan oo dalka oo dhan ka socday, kuwaas oo ay hoggaaminayeen dhalinyaro doonaya in la eryo madaxweynaha.
Isku dayadii uu Rajoelina ku doonayay inuu ku dejiyo dhalinyarada mudaaharaadayey — oo loo bixiyay "Gen Z" — ayaa fashilmay, iyada oo uu madaxweynuhu xilka ka qaaday dhammaan golihiisii wasiirrada uuna sameeyay tanaasulaadyo kale oo aan waxba tarin.
Tan iyo Arbacadii lama arkin Rajoelina, waxaana dhammaadkii usbuuca xafiiskiisa sheegay in la isku dayayo in si xoog ah xilka looga tuuro.
Khadka khudbaddiisa qaranka ee Isniintii ayaa dib u dhac uu ku yimidmarar badan iyada oo xaaladdu ahayd mid kacsan, saraakiil ciidan ahna ay hanjabeen inay qabsadaan xarunta telefishinka qaranka ee jasiiraddan ku taal Badweynta Hindiya.
Ugu dambayn, isagoo ka hadlayay baraha bulshada ee Facebook, ayuu yidhi:
"Tan iyo 25-kii Sebtembar, waxaa jiray isku dayo lagu doonayay in lagu dilo naftayda iyo afgambi lagu ridayo dowladda. Kooxo ka kooban saraakiil ciidan iyo siyaasiin ayaa qorsheeyay in ay i dilaan."
"Waxaan ku qasbanaaday in aan raadsado meel ammaan ah si aan u badbaadiyo naftayda."
Wuxuu intaas ku daray: "Hal dariiq oo kaliya ayaa lagu xallin karaa arrimahan — waa in la ixtiraamaa dastuurka dalka ee hadda jira."

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhammaadkii toddobaadkan, cutubka ciidan ee awoodda badan CAPSAT, oo door muhiim ah ka qaatay sidii Rajoelina ku yimitalada sannadkii 2009, ayaa ku dhaqaaqay inay wiiqo awooddiisa, kaddib markii uu taliyahoodu isku magacaabay inuu yahay hoggaamiyaha guud ee dhammaan ciidamada qalabka sida.
Qaar ka mid ah saraakiisha cutubkan ayaa sidoo kale ku biiray mudaaharaadayaashii ka bannaanbaxayay waddooyinka caasimadda Antananarivo.
Kaddib kulan ay Isniintii yeesheen saraakiisha sare ee ciidamada, Taliyaha cusub ee ciidamada qalabka sida, Jeneraal Demosthene Pikulas, oo ay CAPSAT xilka u dhiibtay, ayaa shacabka u xaqiijiyay in ciidamada ammaanku ay si wadajir ah uga shaqeynayaan ilaalinta xasilloonida dalka jasiiradda ah.
Fiidkii Isniinta, jeneraalku wuxuu joogay xarunta telefishinka qaranka isagoo isku dayaya inuu xalliyo qalalaasaha taagan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.
Sida uu BBC-da u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ugu weyn ee TIM, kaas oo codsaday inaan la magacaabin, Madagascar waxaa hadda si dhab ah gacanta ugu haya cutubka ciidamada CAPSAT.
Xisbiga TIM ayaa sidoo kale sheegay inuu qorsheynayo inuu bilaabo hab-raac xil-ka-qaadis ah oo ka dhan ah Rajoelina, isagoo ku eedeynaya "ka tegidda xilka."
Dhowr ka mid ah xubnaha ku dhow Rajoelina ayaa u cararay jasiiradda deriska la ah ee Mauritius. Kuwaas waxaa ka mid ah Ra'iisul Wasaarihii hore ee Richard Ravalomanana iyo ganacsadaha Maminiaina Ravatomanga.
Inkasta oo Madagascar ay hodan ku tahay khayraad dabiici ah, haddana waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka. Bangiga Adduunku wuxuu sheegay in ku dhowaad 75% dadka dalkaas ay ku nool yihiin heer saboolnimo ah, halka xogta ay soo saartay Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ay muujinayso in wax ka yar saddex meelood meel dadka dalkaas ay heli karaan koronto.
Mudaaharaadyadu waxay ka dhasheen cadho ka dhalatay markii ay soo noqnoqtay tegitaanka korontada iyo waayitaanka biyuhu, waxayna u gudbeen muujinta cadho guud oo laga qabo dawladda Rajoelina — oo lagu eedeeyay shaqo la'aan baahsan, musuqmaasuq, iyo sicir-barar adag.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, ugu yaraan 22 qof ayaa la dilay, in ka badan 100 kalena waa la dhaawacay intii lagu jiray maalmihii ugu horreeyay ee mudaaharaadyada, inkastoo dowladda ay tirooyinkaas diidday.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay rasaas nool ku fureen dadka mudaaharaadaya.
Tan iyo markii ay madax-bannaani heshay sannadkii 1960, Madagascar waxaa ruxay dhawr kacdoon oo waaweyn, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen mudaharaadyadii ballaarnaa ee 2009, kuwaas oo sababay in madaxweynihii waqtigaas Marc Ravalomanana xilka ka dago, halkaasna uu fursad ku helay in Rajoelina lagu keeno xukunka.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Markii uu jiray 34 sano oo keliya, Rajoelina wuxuu noqday hoggaamiyihii ugu da'da yaraa ee Afrika, isagoo xukunka hayay muddo afar sano ah, kaddibna dib ugu soo laabtay talada markii uu ku guuleystay doorashadii 2018.
Rajoelina wuxuu ka dhashay qoys hodan ah, ka hor inta uusan siyaasadda galinna wuxuu caan ku noqday ganacsade iyo DJ, isaga oo aasaasay idaacad iyo shirkad xayeysiis ah.
Hase yeeshee, soo jiidashadiisii dharka wanaagsan iyo wajigiisa da'da yar si dhakhso ah bay u luntay, kadib markii eedeymo xoog leh oo ku saabsan eex, saaxiibsi siyaasadeed iyo musuqmaasuq baahsan ay si joogto ah ugu soo noqnoqdeen.













