Sidee ayey Soomaaliya iskugu Miisaami kartaa xiriirka ay la leedaday Masar iyo Itoobiya?

Xigashada Sawirka, villa Somalia
Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ballanqaadka cusub ee Masar ee ku aadan isgarab-taagga iyo taageerada Soomaaliya.
Warsaxaadadeed taageerada ah ee kasoo baxay Qaahira oo arintaasi ka hadlayey ayey dowladda Soomaaliya ku tilmaantay mid muujinaya walaaltinimo qoto dheer iyo dhiirigelin muhiim ah oo lagu xoojinayo dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.
"Soomaaliya ayaa hadalkan u aragta mid si cad u muujinaya xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ah iyo midka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah" ayaa lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo intaasi ku daray in ay ka mahad celineyso xaqiijinta Masar ee go'aankeeda ah inay sii wado taageeridda madax-bannaanida Soomaaliya, madax-bannaanida dhuleed, iyo dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada iyo dhismaha dowladnimo.
"Taageerada Masar, oo ay ku jirto ka qayb qaadashada wax ku oolka ah ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa muhiim u ah abuurista xaaladaha ku habboon si loo gaaro himilooyinka dadkeena ee mustaqbal xasilloon oo ammaan ah" ayaa lagu sheegay bayaanka mahad celinta ah ee ay Soomaaliya soo saartay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa dhankeeda sheegtay in Masar ay si firfircoona uga qeyb qaadaneyso Howlgalka (AUSSOM.
"Hawlgalka waxaa looga fadhiyaa inuu gogol xaar u noqdo sidii ay Soomaaliya si buuxda ula wareegi lahayd mas'uuliyadda amniga dhulkeeda iyo horumarinta rabitaanka shacabkeeda ee ku aaddan mustaqbal barwaaqo leh" ay aa lagu yiri bayaanka ay soo saartay dowladda Masar.
Bayaanka ayaa kusoo aaday xilli Soomaaliya ay 'isku miisaameyso' xiriirka ay la leedahay Itoobiya iyo Masar oo ah laba dal oo uu ka dhaxeeyo muran ku saaban biyaha webiga Nile, iyadoo Masar ay dhawaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay dacwad ku aadan biya xireenka weyn ee GERD ee ay dhawaan Itoobiya xariga ka jartay.
Xiriirka Masar iyo Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Egypttoday
Marka laga yimaado xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya soomaaliya iyo Masar, booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Qaahira bishii Janaayo ee la soo dhaafay, wuxuu saxiixay heshiis siyaasadeed oo ay wadajir u saxixeen isaga iyo Madaxweyne Abdel Fataax El-Sisi si loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, oo ay ku jiraan qaybaha militariga, dhaqanka, iyo waxbarashada, iyo sidoo kale iskaashiga garsoorka, wadatashiyada siyaasadeed, maamulka doorashada, iyo iskaashiga dhaqaalaha.
Bayaanka ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Masar uga go'an tahay inay taageero milateri siiso Muqdisho iyadoo la raacayo hab-maamuuska iskaashiga milateri ee ay qalinka ku duugeen bartamihii Agoosto 2024-ka.
Hadalkani waxa uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah, iyadoo la eegayo doorka muhiimka ah iyo doorka wax ku oolka ah ee Jamhuuriyadda Carabta Masar ee abaabulka taageerada caalamiga ah iyo gobolka ee arrimaha muhiimka ah ee dalkeeda.
Adkeynta tagaeerada Masar ee Soomaaliya maxay uga dhigantahay labada dal?

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Su'aashaas ayaan weeydiinay Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arimaha Soomaaliya kaas oo sheegay in bayaanka Masaarida ee ku aadan in ay ka go'antahay taageerada Soomaaliya in laga fiirin karo lab dhinac: Dhanka Siyaasadda iyo dhanka Amniga.
"Marka ay masar ay leedahay mar kale anaga iyo Soomaaliya walaalo ayaan nahay ama xiriir wanaagsan ayaan leenahay, waxa ay muujnineeysaa in Masar ay ka jawaabeyso hadallo baryahan la isla dhex marayey oo ahaa ka qeeybgalka Madaxweynaha uu ka qeeybgalay xafladii xarig jarka biya xireenak Gerd ee Itoobiya oo ay si dublumaasiyad ah u leedahay arintaasi wax saameyn xun ah oo ay ku yeelan karto xiriirkeena ma laha", ayuu yiri Maxamed Mukhtaar.
"Dhanka kale in ay Soomaaliya soo dhaweysato waddan xubin muhiim ah ka ah Jamaacadda Carabta iyo Midowga Afrika waxa ay muujineysaa in wada shaqeyn iyo iskaashi dhaw uu ka dhaxeeyo, Soomaaliya dhankeedana macna weyn ayey ugu fadhidaa wada shaqeynta Masar," ayuu hadalkiisa raaciyay Maxamed Mukhtaar.
Masaarida ayaa qeyb ka ahayd wadamadii ka soo horjeestay markii ay soo baxday is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya ee ku aadanaa in laga kireeyo dhul badeed.
"Dhanka kale waxa aad u maleeysaa in fariin loo dirayo dadka Masar kasoo horjeeda, in Masar ay tahay waddan saaxib fiican la ah Soomaaliya oo aanay marna isku dayeynin in ay xagal daaciyaan midnimada Soomaaliya" ayuu sheegay Maxamed Mukhtaar.
Dhanka Ciidamada marka laga eego Masar waxa la filaa in Ciidan ay kaga mid noqoneyso howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika ay keento Soomaaliya, iyada oo door weyn ku yeelanaysa sugidda iyo xasilinta Soomaaliya, sida uu qabo Maxamed Mukhtaar.
Sidee ayey Soomaaliya iskugu Miisaami kartaa xiriirka ay la leedaday Masar iyo Itoobiya?
Maxamed Mukhtaar oo arintaasi ka hadlayey waxa uu sheegay in Somaaliya iyo Itoobiay ay wax badan oo deresnimo ah ay ka dhaxeeyaan mana filayo buu yiri in dowladda Soomaaliya ay arintaasi cid kale ku doorsato.
Wuxuu tusaalle ahaan usoo qaatay in marka laga tago arimaha amniga iyo xuduudda dheer ee labada dal ay wadaagaan, in biyaha ugu badan ee Soomaaliya laga isticmaalo ee wabiyada ay ka yimaadaan dhanka Itoobiya.
Maxamed Mukhtaar ayaa intaas ku daray in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yihiin laba waddan oo isku qasban in ay mar walba xiriir wanaagsan wadaagaan.
Waxa kale oo uu sheegay in dhanka Masar iyo Soomaaliya ay ka dhaxeyso walaaltinimo guud, ayna ay kuwada jiraan midowag Afrika iyo Jaamacadda Carabta.
"Qasab ma aha in xiriirka labada dhinac uu noqdo in aad mid qaadato oo aad mid ka tagto ama in ay noqdaan mid isku wada mid ah" ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo intaas ku dary in Soomaaliya ay u baahantahay in mid walba ay kala shaqeyso waxa allaale wixii markaasi khuseeyo.













