Gabadha kali ah ee darawal mooto bajaaj ka ah xeryaha qaxootiga Kenya oo ka hadashay caqabadaha ay la kulanto

Hani Cabduqaadir Maxamed

Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

    • Author, Xuseen Xuska
    • Role, BBC Somali

Hani Cabduqaadir Maxamed waa hooyo carmal oo haysata laba carruur ah, waana qofka kali ah ee dumar ah ee xeryaha qaxooti Dhadhaab kaga shaqeysata darawalnimada mootada saddex lugaaleyda ee dadka qaar ugu yeeraan bajaajta.

Waxa ay bilowday shaqada darawalnimada sannadkii 2021, iyada oo muddada dhowrka sano ay la kulmaysay dhiirigalin iyo dhaliil uga imaanaysa bulshada Soomaalida ee ay ku dhex nooshahay.

Waxaa ay mootada bajaajta ka iibisay ka ganacsiga baradhada la shiilay ee loo yaqaan (Jibsiga), iyada oo darawal ay u dhiibtay mootadeeda ay sheegtay inay dhibaato kala kulantay, taasi oo ku kaliftay in iyadu nafsad ahaanteeda duruuftu ku kaliftay kaxeeye inay ka noqoto mootadeeda saddex lugaaleyda ah.

''Lacagtii jibsiga iiga arruurtay ayaan mooto bajaaj celis ah ku iibsaday, marka qof ayaa ii waday, gumaysi iyo waxyaalo kale markaan dareemay, anaa iska watay sidaas ayaana ku bartay wadida mootada'' ayay tiri Hani.

Bulshada ay ku dhex nooshahay ayay kasoo martay dhaliilo badan oo ay ugu jeedinayaan shaqadeeda, iyada oo sidoo kale dhanka kale heshay dhiirgalin badan oo dadka qaar ay ugu muujinayaan inay shaqo wanaagsan hayso.

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

''Qaarkood waxa ay ii arkaan qof waalan, qaarkoodna waxa ay ii arkaan hooyo karti leh, qaar ayaan marka aan qaado meeshii ay iga siin lahaayeen labo boqol (shilin kenya) iga siiya 1000sh ayay iga siiyaan, dumarkuna waa i dhiirigaliyaan sidaas oo kale. Kuwa igu digta oo i caaya oo carruurta dhagax u soo dhiiba oo isoo tuuryeeya waa ay jiraan'' ayay tiri Hani oo ku magac dheer Khadiijo.

Waxa ay intaasi ku dartay ''Haddan Muqdisho joogi lahaa maanta dhiirigalin iyo gacan qabad waan heli lahaa, waddanka aan joogo dadku waa iska qaxooti oo wax ay heystaan ma leh oo afka ayay igu dhiiri galiyaan oo waxa ay yiraahdaan hooyo karti leh ayaa tahay ee horay u soco''

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hani waa hooyo dhashay laba gabdhood oo ay masuul ka tahay koriimadooda, waana kaligeed maadaama aysan jirin cid kale oo caawinaysa, waxaana ay ka hadashay sida ay isugu wado labada shaqo ee aadka u adag ee ah korinta gabdhaheeda iyo kaxaynta mootada saddex lugaaleyda ah.

''Labada shaqo waxaan isugu wadaa adkaysi, subaxdii waxaan soo kacaa 4:30am, waxaan kariyaa quraac, banaankaan xaaqaa, waan soo baxaa gabdhaha ayaan iskuulka horay u sii geeyaa, bajaajkaan wadaa, waxaana markii ay lix saac duhurnimo ay soo dhowdahay ayaan guriga ku laabtaa, marmarna qado aan kariyo ayaan u geeyaa, mararka kalena bariis digir meesha laga kariyo ayay cunaan, waan isku wadaa laakin aad beey u adagtahay, koleey aniga kuma dhiirigalin lahayn qof kale noloshan adag soo galo''

Hani waxa ay sheegtay inay jeclaan lahayd inay aragto dumar ku jira nolosha ay haatan ku jirto ''Waan rabay in aan arko qof dumar ah oo tijaabisa oo labo shaqo isku haysa oo hooyo ah waan jeclaan lahaa''

Hani Cabduqaadir Maxamed waxa ay sheegtay in caqabadaha badan ee ay ka soo martay kaxaynta mootada ay kmaid tahay sheeko dhex martay iyada iyo darawal kale oo bajaajta ah oo uga dacwooday in shaqada ay hayso ay keeni karto in xaaskiisu dalbato kaxaynta mootada.

''Ani rageena Soomaaliyeed ma dacaayadaynayo mana caayayo laakiin hadda kahor waxa igu dhacday Wiil bajaaj wada ayaa inta uu isoo kor istaagay igu dhahay anigu xaas baan qabaaye ma xaaskeyga ayaad ku khasbaysaa inay bajaaj wado, walaaleey noloshaan nolol dumar loogu talagalay ma ahan ee waa nolol rag loogu talagalay ee maa iska dhaaftid, marka anigay igu dhabaan''

''Gabdho badan waa ay jiraan aan ku dhahay anaa idin baraya oo shidaalkayga idinku baraya, kiro anaa idiin raadinaya koow kasoo shaqeysta ama tayda ayaan idiin dhiibayaa ee ila shaqeysta galin hore iyo galin danbaba, mana garanayo waxa ay ku diidan yihiin''

Waxa ay sheegtay in mootada ay wado iyada oo asturan, ayna dhiirigalin ka heshay bulshada gaar ahaan culimada oo ay weydiisay in shaqada ay hayso ay xaaraan tahay.

''Aniga ceeb ilama ahan, waan asturanahay, waligeey anigoo xijaab la'aan ah ma wadin, qof asturan oo shaqeysanaya ayaan ahay, sheekhyada qaar wadaadada Ifo ila jooga waa igu dhiirigaliyaan, mar ay iga gubatay 2023 sheekhyaal ayaa lacag ii aruuriyay''