Brooklyn MDC, xabsiga lagu tilmaamay "cadaabta dhulka ku taal" ee lagu hayo Maduro

Xabsiga Brooklyn

Xigashada Sawirka, Adam Gray/Getty Images

Qareenada Marayka ayaa ku qeexay inay tahay 'Cadaab ku taal dhulka' iyadoo xitaa garsoorayaashu diideen in halkaas loo diro dambiilayaasha. Kani waa xabsiga Brooklyn ee lagu hayo Nicolás Maduro.

Saacado ka dib markii ciidamada Maraykanku ka soo qabteen Caracas, saq-dhexe hawlgal ciidan oo aan horay looga arag Latin America tobannaankii sano ee ugu dambeeyay, hogaamiyaha waxaa laga soo duuliyey Caracas isagoo lagu geeyey markabka USS Iwo Jima, kadibna saldhigga badda ee Guantanamo (Cuba), ugu dambeyntiina, diyaaradd kale ayaa lagu geeyey New York.

"Habeen wanaagsan waa sida aad u tiraahdo 'buenas noches', sax? Habeen wanaagsan! Sannad cusub oo Farxad leh! ", Maduro ayaa la maqli karaa isagoo leh mid ka mid ah fiidiyowyadii ugu horreeyay ee la duubay markii uu yimid "Apple Big", wuu soconayey isagoo gacmaha ka xiran oo ay garbaha ka hayaan laba askari oo ka tirsan kuwa la dagaalanka daroogada kuna labisan Jaakad isboorti, oo leh koofiyad madow iyo kaba furan oo sigsaan uu xirnaa.

Ninkaas oo xukunka ka dhaxlay Hugo Chávez, waxaa loo qaaday xarunta dhexe ee hay'adda la dagaalanka daroogada ee Maraykanka (DEA), ka hor inta an lagu xirin qol ku yaala xarunta dadka lagu hayo ee Metropolitan Detention Center (MDC) ee Brooklyn, halkaas oo la filayo inuu ku sii jiro inta uu wajahayo eedaymo ka ganacsi daroogo iyo maandooriye oo ay u soo jeediyeen nidaamka cadaalada ee Maraykanku. Xaaskiisa Cilia Flores, waxaa iyadana lagu xiray isla xaruntaas.

Hoos waxaan kuu sheegaynaa sida uu yahay xabsigaas iyo maxaabiista kale ee caanka ah ee ku jiray qolalka xabsiga.

Maduro

Xigashada Sawirka, Reuters

Xabsiga toosan

MDC, halka uu Maduro ku sugan yahay waa dhisme weyn oo ka samaysan sibidh iyo bir, oo dhowr dabaq ka kooban, kuna yaal degmada Brooklyn, meel dhowr mitir u jirta dekedda New York iyo qiyaastii shan kiilomitir u jirta Fifth Avenue, Central Park iyo meelo kale oo caan ka ah magaalada.

Xabsigan, oo la furay horraantii 1990-meeyadii si loola tacaalo ciriiriga xabsiyada ee magaalada ka jiray, wuxuu ku yaal meel markii hore lagu kaydin jiray laguna qaybiyay alaabtii ka soo degi jirtay ama ka dhoofi jirtay maraakiibta ku xiran dekadda.

In kasta oo ujeeddadiisu tahay inuu hoy u noqdo maxaabiista ragga iyo dumarka ah ee sugaya dacwadooda maxkamadaha Manhattan iyo Brooklyn, MDC-ga waxaa sidoo kale loo isticmaalaa in lagu xiro dambiilayaasha ciqaabta gaaban ku jirta, sida ku xusan bogga internetka ee Xafiiska Xabsiyada Federaalka (BOP)."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waqtigan xaadirka ah, waa xarunta kaliya ee BOP ka shaqeyso gudaha New York, maadaama hay'addu ay xirtay xabsi kale oo la mid ah oo ay maamulaysay Manhattan sanadkii 2021. Tani waxay dhacday kadib isdilka halkaa ka dhacay sanadkii 2019, xaaladihii sirta ahaa, ee ganacsade Mareykan ah Jeffrey Epstein, oo lagu eedeeyay ganacsi galmo iyo ka ganacsiga dadka.

Xabsigu wuxuu ku yaal inta u dhaxaysa xafiiska dacwad-oogaha iyo labo maxkamadood oo federaal ah, waxaana ku jira dariiqyo gudaha ah oo isku xiraya, taasoo u oggolaanaysa in lagu wareejiyo eedeysanayaasha iyada oo aan dadweynaha loo soo bandhigin. Dhismaha waxaa hareeraysan darbiyo bir ah iyo kamarado awood u leh inay sawiro ka qaadaan meel fog.

Inkasta oo u qaabaysan yahay si toosan, xaruntu waxay leedahay meelo bannaanka oo ciyaaraha iyo sidoo kale unugyo caafimaad iyo xitaa maktabad sida ay ku warrantay PBS.

Inkastoo aan xog rasmi ah laga hayn, haddana warbaahinta gudaha iyo dibadda ayaa sheegaysa in qolalkan ay dhererkoodu yihiin dhowr mitir, isla markaana maxaabiistu ay maalintii inta badan ku qaataan.

Manhatam

"Cadaabta ku taal dhulka"

cadaabta dhulka ku taalla

Dhibaatooyinka sida buux-dhaafka ah, xaaladaha nadaafadda oo xun, iyo rabshadaha ragaadiyay xabsiyo badan oo Latin America ah, oo ay ku jiraan xarumaha dadka lagu hayo ee Venezuela, ayaa sidoo kale ku badan Brooklyn MDC.

Xabsiga MDC, oo loo dhisay inuu qaado 1,000 maxbuus, ayaa sanadkii 2019 lagu hayay 1,600 maxbuus, sida ay warbaahintu sheegtay. Waqtigan xaadirka ah, waxaa ku jira 1,336 maxbuus, sida ku xusan bogga internetka ee Xafiiska Xabsiyada Federaalka (BOP).

Sidoo kale, sannadihii u dambeeyay xabsigu wuxuu shaqeynayay isagoo haysta kaliya 55% shaqaalihiisa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP bishii Nofeembar 2024, iyada oo tixraacaysa dukumentiyo maxkamadeed.

Isku darka buux dhaafka iyo shaqale yarida ayaa ka mid ah sababaha sharxaya dagaalada iyo falalka guracan ee joogtada ah ee ka dhaca xabsiga.

"Xaaladaha ka jira MDC waa kuwo aan la aqbali karin isla markaana ka baxsan bini'aadannimada," ayay ku dhawaaqday Xeer-ilaaliyihii Guud ee New York xilligaas, Letitia James, taas oo dacwad ka gudbisay dowladda federaalka sababo la xiriira xaaladda burbursan ee xabsiga.

Dhankooda, qareenno ay ka mid yihiin Edwin Cordero ayaa xabsiga ku sifeeyay inuu yahay tusaale nool oo ah "cadaabta dhulka." Mid ka mid ah macaamiishiisa, Uriel Whyte, ayaa la sheegay in ay dileen maxaabiis kale kadib markii la mindiyeeyay bishii Juun 2024, sida ay CNN werisay.

Aragtidan waxaa sidoo kale taageeray David Patton, agaasimihii hore ee difaacayaasha Federalka ee New York, kaas oo u sheegay warbaahin maxalli ah in dhibaatooyinka xabsigu ay u dhexeeyaan "maqnaanshaha daryeel caafimaad ilaa fashilaad culus oo nadaafadeed iyo rabshado."

Xaaladaha xabsiga ayaa sharxi kara sababta ugu yaraan afar is-dil oo maxaabiis ah loo soo sheegay intii u dhexeysay 2021 iyo 2024.

Garsoorayaasha ayaa sidoo kale ku qanacsaneyn xaaladda xabsiga, waxaana taasi cadeyn u ah in qaarkood ay go'aansadeen in aan halkaas loo dirin wax dembiilayaal ah.

Mid ka mid ah dadkaas ayaa ahaa xaakimka degmada Gary Brown, kaas oo bishii Agoosto 2024 sheegay in uu baabi'in doono xukunkii sagaalka bilood ahaa ee uu ku soo rogay nin 75 jir ah oo lagu eedeeyay musuqmaasuq cashuureed oo uu ku ridi doono xabsi guri haddii BOP ay u soo dirto Brooklyn MDC.

"Dhacdooyinkan (dagaallada) waxay muujinayaan kormeer la'aan aad u xun, khalkhal ku yimaadda nidaamka guud iyo jawi fowdo oo ka dhigan maamul aan la aqbali karin" ayuu yiri h," Brown, sida laga soo xigtay jariidadda The Independent.

Fadeexado musuq-maasuq ayaa sidoo kale xabsiga keenay bogaga hore. 6-dii Maarso, 2025, Waaxda Cadaaladda ayaa ku dhawaaqday in dacwad lagu soo oogay 25 qof - oo ay ku jiraan maxaabiis iyo saraakiil hore oo xabsi - 12 kiis oo kala duwan oo ku lug leh rabshado iyo kotorobaan.

Dadka caanka ah ee lagu xiray xabsigaas

In kasta oo ay xaaladdu xabsiga Brooklyn liidato, haddana waxa ay madaxda Maraykanku u doorteen in lagu hayo maxaabiis caan ah.

Maduro, tusaale ahaan, maaha siyaasigii ugu horreeyay ee Latin America ah ee ku dhammaada xabsiga.

Madaxweynihii hore ee Honduras Juan Orlando Hernández ayaa in ka badan saddex sano ku xirnaa xabsiga MDC ilaa bishii June ee la soo dhaafay, markaasoo loo gudbiyay xabsi kale ka dib markii ay maxkamad federaal ah ku xukuntay 45 sano oo xarig ah sababo la xiriira ka ganacsiga daroogada. Waxaa xusid mudan, bishii Disembar ee la soo dhaafay, in Trump uu cafiyay.

Xoghayihii hore ee Amniga Dadweynaha ee Mexico, Genaro García Luna, ayaa sidoo kale waqti ku qaatay mid ka mid ah qolalka xabsiga New York.

Joaquín "El Chapo" Guzmán, oo ka mid ah kuwa ugu caansan ka ganacsiga daroogada Mexico, ayaa sidoo kale halkaas ku sugnaa, Ismael "El Mayo" Zambada, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Sinaloa Cartel, ayaa weli ku sugan dhismahaas isagoo sugaya maxkamadayntiisa eedeymaha ka ganacsiga daroogada.

Maxaabiista kale ee caanka waxa ku jira shaqsiyaad taariikh ku leh dambiyada abaabulan sida John Gotti iyo sidoo kale xubno ka mid ahaa Al Qaacida kuwaas oo la xiray ka dib weerarkii 11 September 11, 2001.

Sean Diddy

Xitaa rapper-ka iyo soo-saare muusigga Sean "Diddy" Combs wuxuu ku qaatay dhowr bilood xabsiga ku yaal MDC, laakiin markii lagu xukummay afar sano oo xabsi ah sababo la xiriira dhibaataynta haweenka muddo ka badan toban sano, waxaa loo wareejiyay xarun kale oo ku taal New Jersey.

Xabsi

Ghislaine Maxwell, oo ahayd saaxiibka iyo xaasaska hore ee Epstein; Sam Bankman-Fried, oo ahaa aasaasihii hore ee madal lacagta dijitaalka ah ee FTX oo fashilantay; iyo Michael Cohen, oo ahaa qareenka gaarka ah ee Trump laguna xukumay saddex sano xabsi sababo la xiriira dambiyo maaliyadeed, ayaa ka mid ah dadka kale ee caan ka ah ee ku jira MDC.