Basaasiin, dayuurado aan duuliye lahayn iyo qalabka dhalaalinta: Sida Maraykanku u qabtay Maduro

Muddo bilo ah, basaasiinta Mareykanka ayaa isha ku hayay tallaabo kasta oo uu qaado madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro.
Koox yar—oo ay ku jireen hal il oo ka tirsan dawladda Venezuela, ayaa la socotay halka uu ninka 63-jirku seexdo, waxa uu cuno, waxa uu xirto, iyo xitaa, sida ay sheegeen saraakiil ciidan oo sar-sare, "xayawaankiisa rabaayadda ah."
Dabadeed, horraantii Diseembar, hawlgal la qorsheeyay oo loo bixiyay "Hawlgal buuxa ee Xalinta" ayaa la dhammeystiray. Wuxuu ahaa natiijada bilo qorshayn taxaddar leh iyo tababbarro isdaba joog ah, kuwaas oo xitaa ay ku jireen ciidamo Maraykan ah oo heer sare ah oo howlgal ku sameeyey cabir saxa oo la mida hoyga qasriga Qaranka Maduro ee Caracas, si ay ugu tababartaan waddooyinka ay ka geli lahaayeen.
Qorshaha—oo ahaa faragelin milatari oo aad u weyn oo Maraykanku ka sameeyo Latin America, mid aan la arag tan iyo xilligii Dagaalkii Qaboobaa—ayaa si aad ah loo ilaaliyay. Kongareeska lama wargelin mana lala tashan ka hor. Markii faahfaahinta saxda ah la dejiyay, saraakiisha sare ee milatarigu waxa ay si fudud u sugayeen xaaladaha ugu habboon ee lagu bilaabi lahaa hawlgalka.
Waxay doonayeen in ay si buuxda u kordhiyaan qodobka lama-filaanka, sida ay saraakiishu sheegeen Sabtidii.
"Intii lagu jiray toddobaadyadii Kirismaska iyo Sannadka Cusub, ragga iyo dumarka ciidanka Maraykanka waxay ahaayeen kuwo diyaar ah, si dulqaad leh u sugaya in shuruudihii saxda ahaa la buuxiyo iyo in madaxweynuhu nagu amro inaan tallaabo qaadno," ayuu General Dan Caine, sarkaalka milatari ee ugu sarreeya dalka.
"Nasiib wacan iyo Ilaah ha idin garab galo"
Amarkii madaxweynuhu ku bixiyay bilowga hawlgalka ugu dambeyn waxa uu yimid 22:46 EDT Jimcadii. "Hawshan waxaan qorsheynaynay afar maalmood ka hor, saddex maalmood ka hor, labo maalmood ka hor, kadibna si lama filaan ah ayaa fursad u furantay . Markaas ayaan niri: Soco," ayuu Trump laftiisu u sheegay Fox & Friends Sabtidii saacado ka dib weerarkii habeenkii.
"Wuu noo sheegay, waana ku mahadsan yahay… nasiib wacan iyo Ilaah ha idin garab galo," ayuu yiri Gen Caine. Amarkii Trump ayaa yimid saacado yar ka hor saqda dhexe ee Caracas, taas oo ciidanka siisay inta badan habeenkii inay ku shaqeeyaan mugdi.
Waxaa xigay hawlgal socday laba saacadood iyo labaatan daqiiqo oo ahaa hawlgal laga sameeyay dhulka, cirka iyo badda, kaas oo ka yaabisay dad badan oo Washington iyo dunida inteeda kale ku nool. Marka laga hadlayo baaxadda iyo saxnaanta, waxay ahayd mid aan horay loo arag. Isla markaana, waxay keentay cambaareyn degdeg ah oo ka timid dhowr quwadood oo gobolka ah, iyadoo Madaxweynaha Brazil Lula da Silva uu sheegay in qabashada rabshadaha ah ee hogaamiyaha Venezuela ay ahayd "tusaale khatar aad u weyn oo kale oo u dhaxeeya bulshada caalamka oo dhan."

Xigashada Sawirka, Donald Trump / TruthSocial
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Trump howlgalka kalama socon qolka gaarka ah ee xaaladda deg deg ah ee Aqalka Cad. Taabadalkeed, waxaa ku hareeraysnaa lataliyayaashiisa hoygiisa Mar-a-Lago ee Palm Beach, Florida, halkaas oo uu ka daawaday hawlgalka si toos ah isagoo ay ag fadhiyeen Agaasimaha CIA John Ratcliffe iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio.
"Waxay ahayd wax la yaab leh in la arko," ayuu Trump yiri Sabtidii. "Haddii aad aragtay waxa dhacay, runtii, waxaan daawaday sidii aan daawanayo barnaamij telefishan. Haddii aad aragtay xawaaraha, rabshadaha… waa wax layaableh, shaqo layaableh oo ay dadkan qabteen."
Bilhii la soo dhaafay, kumannaan ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa loo daabulay gobolka, iyagoo wata maraabiibta diyaaraha xambaaraha iyo kuwa dagaalka, howlgalkii ugu ballaarnaa ee muddo sanadaa la sameeyo markii madaxweyne Trump uu ku eedeeyey Madura inuu ka ganacstado daroogada isla markaana la burburiyey doomo daraasiin doomaha yar yar ah oo lagu eedeyey inay daroogo u kala sidaan gobolka.
Laakin calaamadihii ugu horeeyay ee howlgalka "Absolute Resolve" waxay ahaayeen cirka. In ka badan 150 diyaaradood - oo ay ku jiraan kuwa wax duqeeya, diyaarado dagaal iyo diyaarado sahamin ah - ayaa ugu dambayntii la geeyay habeennimadii, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.
Si dhakhso ah, muuqaallo muujinaya diyaarado badan oo cirka ku duulaya—iyo kuwo kale oo muujinaya waxa u muuqda natiijada qaraxyada—ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada. Mid ka mid ah ayaa muujinayay kolonyo helikobtarro ah oo joog hoose ku duulaya hawada Caracas iyadoo qiiq ka soo baxayo qaraxyada la sheegay.
"Waxaan toosnay qiyaastii 01:55 iyadoo qaraxyo iyo dhawaaqa diyaaradaha ka dul duulaya Caracas," ayey goob jooge , Daniela, oo BBC u warrantay..
BBC Verify ayaa baartay dhowr muuqaal oo muujinaya qaraxyo, dab iyo qiiq meelaha kala duwan ee Caracas si loo ogaado si sax ah goobaha la bartilmaameedsaday.
Illaa hadda, waxaa la xaqiijiyay shan goobood, oo ay ku jiraan Saldhigga Diyaaradaha ee Generalissimo Francisco de Miranda, garoon diyaaradeed loo yaqaan La Carlota, iyo Dekedda La Guaira, oo ah marin-muhiimka Caracas ee Badda Caribbean.
Saraakiishu waxay sheegeen in qaar ka mid ah weerarrada Maraykanku ay bartilmaameedsadeen nidaamyada difaaca hawada iyo goobaha kale ee milatari. Trump ayaa sidoo kale soo jeediyay in Maraykanku korontada ka jaro Caracas ka hor intaan hawlgalka la bilaabin, inkastoo uusan faahfaahin sida loo sameeyay.
"Iftinka Caracas si weyn ayaa loo damiyay sababtoo ah khibrad gaar ah oo aan leenahay," ayuu yiri. "Waxay ahayd mugdi, waxayna ahayd mid halis ah."
"Waxay ogaayeen inaan imanayno"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyadoo weeraro ay ka dhaceen agagaarka Caracas, ciidamada Mareykanka ayaa soo galay magaalada. Waxaa ka mid ahaa ciidamada Delta Force, oo ah unugga ugu sarreeya ee howlgallada gaarka ah ee milateriga Mareykanka, sida ay ilo u sheegeen CBS oo bah-wadaag lah ah BBC Mareykanka. Waxay ahaayeen kuwo si xoogan hubaysan – waxayna wateen qalabka wax lagu dhalaaliyo haddii ay khasab ku noqoto inay jaraan albaabada birta ah ee guriga Maduro.
Ciidamadu waxay gaareen goobta Maduro dhowr daqiiqo kadib markii duqaymuhu bilaameen saacaddu markay ahayd 02:01 waqtiga maxalliga ah, sida uu sheegay Gen. Caine. Trump wuxuu guriga ammaanka ku tilmaamay "qalcad" milateri oo si xoogan loo adkeeyay bartamaha Caracas. "Waxay ku jireen boos diyaar ah oo naga sugaya. Waxay ogaayeen inaan imanayno," ayuu yiri.
Ciidamadu rasaas ayay kala kulmeen markii ay gaareen halkaas, waxaayna haleeshay mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka, balse weli way sii duuli kartay. "Ciidamada qabashada ayaa ku degay xarunta Maduro, waxayna u dhaqaaqeen si degdeg ah, sax ah, isla markaana edeb iyo nidaam leh," ayuu yiri Gen. Caine.
"Si fudud ayay u jabsadeen, waxayna galeen meelo aan la malaynayn in la jabin karo—albaabo bir ah oo si gaar ah loogu rakibay ujeeddadan," ayuu yiri Trump.
Gudaha xarunta Maduro, iyadoo ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay si xooggan u galeen, Trump wuxuu sheegay in madaxweynaha Venezuela — kaas oo la sheegay inuu bilihii u dambeeyay sii kordhiyay ku-tiirsanaanta ilaaladiisa Cuba — uu isku dayay inuu u baxsado qol ammaan ah. "Wuxuu isku dayayay inuu gaaro meel ammaan ah, balse ma ahayn mid ammaan ah, sababtoo ah albaabka waxaan ku qarxin lahayn qiyaastii 47 ilbiriqsi gudahood," ayuu yiri.
"Wuxuu gaaray albaabka, balse ma uusan awoodin inuu xiro," ayuu Trump yiri. "Si degdeg ah ayaa loo weeraray, wuxuuna ku fashilmay inuu galo qolkaa."
Markii la weydiiyay in Mareykanku dili kari lahaa Maduro — hoggaamiye kali-talis ah oo xilka madaxtinimada la wareegay 2013 — haddii uu iska caabin sameyn lahaa, Trump wuxuu yiri: "Arrintaas way dhici kartay." Dhinaca Mareykanka, ayuu sheegay in "labo nin la dhaawacay", balse aysan jirin askar Mareykan ah oo la dilay. Mas'uuliyiinta Venezuela ma aysan xaqiijin wax khasaaro ah.
Mareykanka ayaa horay u soo bandhigay abaalmarin dhan $50 milyan oo la siinayo cid kasta oo bixisa xog horseedi karta qabashada Maduro. Hase yeeshee, saacaddu markay ahayd 04:20 waqtiga maxalliga ah ee Sabtida, diyaarado qumaatiga u kaca ah ayaa ka baxay dhulka Venezuela iyagoo wada Maduro iyo xaaskiisa, kuwaas oo lagu hayay gacanta Waaxda Caddaaladda Mareykanka, una sii jeeday New York, halkaas oo la filayo inay wajahayaan dacwado dambiyeed.
Qiyaastii hal saac kadib, Trump ayaa dunida u sheegay warka qabashadiisa. "Maduro iyo xaaskiisa waxay dhawaan wajihi doonaan awoodda buuxda ee caddaaladda Mareykanka," ayuu yiri.













