Qof khamaar ku helay boqolaal kun oo doollar saadaalin uu ka sii bixiyay dhicitaanka Maduro

Xigashada Sawirka, LightRocket via Getty Images
Khamaare ayaa sameeyay ku dhowaad nus milyan doolar, ka dib markii uu sharad ku galay xil ka qaadista madaxweynaha Venezuela, wax yar kahor inta aan si rasmi ah loo shaacin qabashadiisa, taas oo dhalisay su'aalo ah in qof uu ka faa'iiday xog sir ah oo la xiriirta howlgalka Maraykanka.
Khamaarka lagu galay Polymarket, oo ah madal ku shaqeysa lacagaha dijitaalka ah (crypto), ee saadaalinayay in Nicolás Maduro uu ka bixi doono talada dhammaadka bisha Janaayo, ayaa si weyn u kordhay saacado ka hor inta uusan Madaxweyne Donald Trump Sabtidii ku dhawaaqin in hoggaamiyaha Venezuela la qabtay.
Hal akoon oo ku biiray madasha bishii hore, kana galay afar boos—dhammaantoodna la xiriira Venezuela—ayaa ka sameeyay in ka badan $436,000 (£322,000) sharad dhan $32,537 oo uu dhigtay.
Weli lama oga qofka dhigtay sharadkaas. Akoonkaas qarsoon waxa uu lahaa aqoonsi blockchain ah oo ka kooban xarfo iyo tirooyin.
Xogta Polymarket waxa ay muujinaysaa in ganacsatadu ay fursadda ka bixitaanka Maduro ku qiyaaseen 6.5% galabnimadii Jimcaha, 2-da Janaayo. Laakiin fursadahaasi waxay u kaceen 11% wax yar ka hor saqda dhexe, kadibna si xawli ah ayay u sare u kaceen waaberigii 3-da Janaayo, taas oo muujinaysa isbeddel degdeg ah oo ku yimid boosaska sharadka wax yar ka hor inta uusan Trump ku qorin Truth Social in Maduro uu ku jiro gacanta Maraykanka.
Polymarket si degdeg ah ugama jawaabin codsi la xiriira faallada arrintan.
Dennis Kelleher, oo ah Agaasimaha Guud ee Better Markets—urur aan xisbi ahayn oo u dooda dib-u-habeyn dhaqaale—ayaa u sheegay CBS, oo ah bahwadaag la ah BBC ee Maraykanka: "Sharadkan gaarka ah wuxuu leeyahay dhammaan astaamaha ganacsi ku saleysan xog gudaha ah."
Dhowr adeegsade oo kale oo Polymarket ku jiray ayaa sidoo kale ka sameeyay tobannaan kun oo doollar sharadyada ku saabsan qabashada Maduro.

Xigashada Sawirka, Polymarket
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha ayaa bilaabay inay arrintan ka hadlaan. Xildhibaan Ritchie Torres, oo ah Dimuqraadi laga soo doorto New York, ayaa Isniintii soo bandhigay hindise sharciyeed looga mamnuucayo shaqaalaha dowladda inay ka ganacsadaan suuqyada saadaasha haddii ay hayaan "xog muhiim ah oo aan dadweynaha lala wadaagin" oo la xiriirta sharadka.
Suuqyada saadaasha ayaa si weyn caan uga noqday Maraykanka sannadihii u dambeeyay, iyada oo shirkado sida Polymarket iyo Kalshi ay u oggolaanayaan adeegsadayaasha inay dharad ku dhigtaan wax walba laga bilaabo ciyaaraha ilaa siyaasadda.
Shirkadaha hormuudka ah waxa ay soo jiiteen boqolaal milyan oo doollar oo sharad ah oo ku saabsan natiijada doorashada madaxweynaha Maraykanka ee 2024.
Goobaha khamaarka ee Internetka aya wajahay baaritaan iyo kormeer sharciyeed xilligii maamulka Biden, balse waxay heleen soo dhoweyn diirran intii lagu jiray xilliga madaxtinimada Trump.
Donald Trump Jr oo ah wiilka madaxweynaha ayaa door la taliye ku leh shirkadaha Kalshi iyo Polymarket.
Ka ganacsiga xogta gudaha (insider trading) waa sharci-darro suuqyada saamiyada, balse waxaa jira xeerar ka yar oo khuseeya suuqyada saadaasha.
Afhayeen u hadlay Kalshi ayaa sheegay in bogga saadaashu "si cad u mamnuucayo ganacsiga xogta gudaha nooc kasta oo ay tahay , oo ay ku jiraan shaqaalaha dowladda ee ka ganacsanaya suuqyada saadaasha ee la xiriira arrimaha dowladda."













