Dhagaysigii koobaad ee maxkamadda Maduro oo dhamaatay

Maduro ayaa maxkamada New York u sheegay inuu weli yahay hogaamiyaha Venezuela, sida ay sheegtay CBS News.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Degdeg: Xaaska Maduro oo lagu arkay nabarro iyo dhaawacyo loo gaystay

    War hadda na soogaaray ayaa sheegaya in qareenka Cilia Flores, Mark E. Donnelly, uu sheegay in macmiilkiisu oo uula jeedo xaaska Maduro ay soo gaareen “dhaawacyo culus” markii iyada iyo ninkeeda Maduro lagu qabtay Venezuela, sida uu sheegay warbaahinta Mareykanka ee bah-wadaagta la ah BBC-da ee CBS News.

    Sidii aan horay u xusnay, Flores ayaa lagu arkay maxkamadda iyadoo nabarro ka muuqdaan.

    Donnelly wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in ay qabto jab ama nabarro aad u daran oo ku yaalla feeraha, iyadoo garsooruhuna ku amray dacwad-oogayaasha in la hubiyo in la siiyo daryeel caafimaad oo ku habboon.

    “Macmiilkayaga waxaa ka muuqata niyad wanaagsan. Waxaan rajaynaynaa inaan dib u eegno oo aan ka hortagno caddaymaha ay dowladdu haysato. In kasta oo aan jeclaan lahayn inaan hadda soo bandhigno dhinaceenna, haddana waxaan sugaynaa inaan sidaas ku samayno maxkamadda, waqtiga ku habboon. Marwada Koowaad way ogtahay in waddo dheer ay hor taallo, wayna u diyaarsan tahay,” ayuu Donnelly ku yiri bayaan uu siiyay BBC.

  2. Maxaa ka jira in Somaliland ay joojisay duulimaadkii Air Djibouti ku tagi jirtay magaalooyinkeeda

    Air Djibouti

    Xigashada Sawirka, Cardiff Aviation

    Warar BBC-du ay heshay ayaa sheegaya in jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ay ku war-gelisay shirkadda diyaaradaha dalka Jabuuti ee Air Djibouti in ay joojiso duulimaadka ay ku tagto Somaliland isla markaana waqti kama dambeys ah u qabatay.

    Ilo xog ogaal ah ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Arbacada soo aaddan oo bishaan Jannaayo ku beegantahay toddobo uu ku ekyahay waqtiga loo qabtay duulimaadka Air Djibouti ee Somalilnd tagi jiray.

    Warku wuxuu intaasi ku darayaa in shirkaddu ay arrintaan war ka soo saari doonto. Air Djibouti ayaa toddobaadkii Somaliland ku tagi jirtay dhowr duulimaad.

    Inkasta oo aysan weli Somaliland iyo Air Djibouti-ba aaney si faahfaahsan uga hadlin arrintaan, haddan waxaa la fahamsanyahay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Jabuuti iyo Somaliland kaas oo salka ku haya aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland oo Jabuuti ay ka mid noqtay dalalka ka horyimid.

    Jamhuuriyadda Jabuuti iyo dalal kale ayaa tallaabada Israa’iil ka horyimid iyagoo taageero u muujiyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo guudahaan madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

    Sidoo kale khilaafku waxaa uu keenay in Somaliland dhawaan ay u yeerato wakiilkii u joogay dalka Jabuuti.

  3. Dhagaysigii koobaad ee maxkamadda Maduro oo dhamaatay

    Maduro ayaa sheegay inuusan wax dambi ah gelin dhammaan eedeymaha lagu soo oogay.

    Afar dacwadood ayaa lagusoo eedeeyay, oo ay ku jiraan shirqoolka Daroogo, argagixisanimo iyo haysashada qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo aaladaha wax burburiya.

    CBS News oo ay bah wadaag yihiin BBC, ayaa hadda soo werineysa in dhageysiga dacwadda New York lasoo gabagabeeyay.

    Xusuusin ahaan Maduro iyo xaaskiisa labaduba ma aanay qiran wax dembi ah.

  4. War deg deg ah, Maduro oo maxkmadda ka dhex sheegay war aan laga filayn

    Maduro ayaa maxkamada New York u sheegay inuu weli yahay hogaamiyaha Venezuela, sida ay sheegtay CBS News.

    "Ma ihi wax dambi ah. Ma ihi dambiile. Waxaan ahay nin hufan, madaxweyne ka ah dalkayga," ayuu ku yiri turjumaan hadlayay.

  5. War deg deg ah, Maduro oo adimada ka xiran iyo xaaskiisa oo la soo galiyay qolka Maxkamadda

    Kaamirooyinka looma oggola inay gudaha u galaan qolka maxkamadda, laakiin qaar ka mid ah weriyeyaasha oo ay ku jiraan wariyeyaasha CBS News ayaa loo oggol yahay inay ka soo diraan macluumaad gudaha maxkamadda.

    Maduro ayaa hadda soo galay maxkamada New York isagoo xiran dirayska xabsiga lugahana ka xiran, sida ay sheegtay CBS News.

    Xaaskiisa, Cilia Flores, ayaa iyaduna xiran dharka xabsiga. Gacmaha Maduro iyo Flores lama xirin, taas oo u oggolaanaysa Maduro inuu gacan qaado qareenkiisa.

  6. Soomaaliya oo hugaamineysa Golaha Ammaanka ayaa ku dhawaaqday in doodda arrinka Venezuela ay furan tahay

    Abukar Bale

    Xigashada Sawirka, UN

    Kulankii ugu horeeyay ee uu yeesho Goluhu sanadkaan ayaa waxaa looga hadlayaa arrinta la xiririta qabashadii Maraykanka ee madqaxwaynaha Venezuela.

    Soomaaliya ayaa ah sanadkaan ah madaxwaynaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, xilkaas oo ay hayn doonto muddo bil ah.

    Safiirka Qaramada Midoobay ku matala Soomaaliya, Abuukar Baale ayaa ku dhawaaqay in ajandahu uu yahay "mid la aqbalay".

  7. Hawlgalka Mareykanka ee lagusoo xiray Maduro ma ahaa mid sharciga waafaqsan?

    USA

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dadka dhaleeceeya hawlgalka Trump ee Venezuela ayaa sheegaya in uu jabinayo sharciga caalamiga ah, kaas oo guud ahaan mamnuucaya adeegsiga xoog marka laga reebo xaalado gaar ah, sida oggolaanshaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ama is-difaaca.

    Saacado ka dib markii Mareykanka uu weeraray Venezuela oo uu qabtay Maduro, saraakiisha maamulka Trump ayaa soo bandhigay tallaabadan mid ay isaga difaacayaan "argagixisada maandooriyaha".

    Maduro ayaa beeniyay inuu yahay hogaamiyaha koox ka ganacsata daroogooyinka wuxuuna ku eedeeyay Mareykanka inay u adeegsadeen waxa loogu yeero "dagaalka daroogooyinka" si ay isku dayaan inay afgambiyaan ayna ula wareegaan kaydka saliida ee Venezuela oo aad u badan.

    Khilaaf kale oo dhanka sharciga ayaa ah in ansixinta kongareeska aan dalban ka hor weeraradii Venezuela. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku dooday in wargelinta Kongareeska ka ka hor waqtiga howlagalka ay halis gelin lahayd howlgalka. Trump waxa uu yiri "Kongarees-ka waxa uu leeyahay dhan u janjeera in uu warka dusiyo".

    Rubio ayaa sheegay in weerarkaas loo fuliyay isagoo ka wakiil ah iyo codsi ka yimid waaxda cadaaladda ee Mareykanka. Tani waxay noqon kartaa isku day lagu doonayo in lagu dhimo walaaca laga qabo ansixin la'aanta golaha.

    Maamulka Trump waxa kale oo uu ku tiirsanaan karaa Xeerka Awoodaha Dagaalka, kaas oo u oggolaanaya madaxweynaha in uu bilaabo tallaabo milatari oo muddo-gaaban ah ilaa 60 maalmood - oo ay weheliso 30 maalmood oo dheeraad ah oo ka bixitaan ah - iyada oo aan oggolaansho laga haysan kongarees-ka illaa iyo inta ogeysiiska lagu bixinayo 48 saacadood gudahood.

    Si kastaba ha ahaatee, sharci-dajiyayaasha Maraykanku waxay wali u codayn karaan si ku salaysan laba xisbi si loo xaddido ama loo joojiyo tallaabo kasta oo milatari oo xigta. Waxaa la filayaa in cod loo qaado maalmaha soo socda.

  8. Kulan degdeg ah oo looga hadlayo arrinta Venezuela oo ka socda xarunta Golha Ammaanka

    .

    Xigashada Sawirka, UN

    Golaha Ammaanka ayaa haatan leh kulan ajandihiisu yahay “khatarta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”, kaddib weerarkii Mareykanka uu ku qaaday dalka Venezuela.

    Rosemary DiCarlo, oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee arrimaha siyaasadda iyo dhismaha nabadda, ayaa la filayaa in ay soo jeediso bayaan iyada oo wakiil ka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

    Colombia, oo ay taageerayaan Shiinaha iyo Ruushka, ayaa codsaday kulanka.

  9. Madaxweynaha Colombia oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu 'hubka qaato' si uu u difaaco dalka

    Colombia

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu "hubka qaato" si uu u difaaco Colombia.

    Hadalkiisa ayaa daba socda hanjabaad ka timid Donald Trump, oo ku hanjabay tallaabo militari oo ka dhan ah dowladda Colombia, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters iyo dhowr warbaahin oo kale.

    Trump ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha Colombia inuu ku lug lahaa ka ganacsiga daroogada ee Mareykanka.

    Qoraal uu saaka soo dhigay baraha bulshada ayuu Petro ku sheegay in aanu si toos ah uga jawaabi doonin Trump ilaa uu ka hubsado in faallooyinka si sax ah loo turjumay. Wuxuu kaloo dafiray inuu yahay "sharci darro" ama uu ka ganacsado daroogada.

    Qoraal uu soo dhigay, Petro waxa uu sheegay in uu ku dhaartay "in aanu mar kale taaban" hub - laakiin difaaca dhulka hooyo, in uu hubka qaadan doono.

  10. Sacuudiga iyo Masar oo wadajir u tagaeeray ilaalinta Midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya

    Somalia

    Xigashada Sawirka, Egyptian Ministry of Foreign Affairs

    Kulan ay iskugu yimaadeen wasiirada Arimaha DIbadda ee dalalka Sacuudiga iyo Masar ayeey kaga wadahleen qoddoba ay ka mid ayihiin arimaha Soomaaliya.

    Wasiirrada ayaa xaqiijiyeen in gebi ahaanba la diiday tallaabooyin kasta oo hal dhinac ah ah oo taabanaya madax-bannaanida Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsiga Israa’iil ee Soomaliland. Taas oo xadgudub bareer ah ku ah beey yiraahdeen mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo heshiiska Qaramada Midoobay, isla markaana wiiqaya aasaaska nabadda iyo amniga gobolkaas muhiimka ah.

    Dhinacyadu waxay ku nuuxnuuxsadeen mowqifka adag ee Masar iyo Sucuudiga ee ay ku taageerayaan midnimada, madaxbannaanida iyo amniga dhulka Soomaaliyeed, waxayna kasoo hor jeesteen isku dayo kasta oo lagu doonayo in lagu kala qaybiyo Soomaaliya ama lagu nusqaamiyo dawladnimadeeda.

    Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arimo ay kamid yihiin Marinka Gaza iyo Yemen.

  11. Dad badan oo isugu soo baxay bannaanka maxkamadda New York ka hor maxkmadeynta Maduro

    USA

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Weriye k tirsan BBCda ayaa joogaa bannaanka maxkamadda federaalka ee New York, halkaas oo la filayo in Maduro iyo xaaskiisa ay ka soo muuqdaan qolka maxkamadda dhowr saacadood gudahood.

    Sida ay ahayd maalmo markii eedaysanayaasha kale ee caanka ah ay yimaadeen maxkamadda horraantii hore, waxaa jira saf ku wareegsan xeyndaab saxafiyiinta iyo xubnaha dadweynaha ee safka ugu jira si ay u galaan qolka Maduro iyo xaaskiisa, Cilia Flores, ay ka soo muuqan doonaan markii ugu horeysay tan iyo markii la qabtay toddobaadkan.

    Maduro iyo xaaskiisa ayaa hor istaagi doona garsoore Alvin Hellerstein oo 92 jir ah waxaana si rasmi ah loogu soo oogi doonaa dacwado la xiriira daroogo iyo hub.

    Waxaa la filayaa in ay jeediyaan jawaabahooda inta lagu jiro dacwadda, kuwaas oo caadi ahaan ah dhageysi kooban.

  12. Maduro oo la geeyay maxkamadda New York

    Maduro iyo xaaskiisa ayaa gaaray dhismaha maxkamada Manhattan, halkaasoo maanta galinka dambe lagu akhrin doono liiska eedeymaha loo haysto.

    .

    Xigashada Sawirka, WABC via REUTERS

  13. Maduro iyo xaaskiisa oo la wareejinayo ka hor inta aan la horgeyn maxkamadda New York

    USA

    Xigashada Sawirka, Reuters/Adam Gray

    USA

    Xigashada Sawirka, Reuters

    USA

    Xigashada Sawirka, Reuters

    USA

    Xigashada Sawirka, Reuters/Eduardo Muñoz

    Waxa soo baxaya sawirada Maduro oo loo qaadayo maxkamada New York.

    Waxaa garabkiisa socda oo sidoo kale qof u muuqda inuu xaaskiisa yahay oo ay galbinayaan hay’adaha sharciga.

    Waxa gelbinaya dhawr ka mid ah cidaamada la dagaallanka Maandooriyaha (DEA).

    Waxay sitdaan wax u eg dharka xabsiga, Madurona wuxuu u muuqdaa mid xoogaa dhutinaya.

    Tani waa waqti aan caadi ahayn. Waxa kaliya oo malayn dadka reer Venezuela - kuwaas oo aan shaki ku jirin inay daawan doonaan sawiradan.

    Ma dhayalsan karno sida sawiradan aan caadiga ahayn u noqon doonaan dadka arkay ninkan sannado badan oo si adag u qabsaday awoodda, hadda waxa uu u muuqdaa mid aan gebi ahaanba awood la'aan.

  14. Tababarihii kooxda Manchester United Ruben Amorim oo shaqada lag eryay

    UK

    Ruben Amorim ayaa laga ceyriyay shaqada tababarnimo ee Manchester United ka dib 14 bilood oo uu macalin u ahaa kooxda. Kooxda ayaana ku jirta kaalinta lixaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.

    War qoraal ah oo ay soo saartay Manchester United ayay ku sheegtay in go’aanka loo qaatay si lama huraan ah, isla markaana la joogo waqtigii saxda ahaa ee isbedel lagu samayn lahaa.

    Ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC Sport in kooxdu ay dareentay in aanay jirin caddaymo ku filan qiimeeynta ama horumarka xilli ciyaareedkan ee Amorim.

    Axaddii, Amorim wuxuu ka dhawaajiyay inuusan ku faraxsanayn heerka faragelinta ee maamulka Man Utd.

    Xaaladdu waxay noqotay mid aan lagusii jiri karin, laakiin United ayaa ku jirta kaalinta lixaad, iyadoo la jaanqaadaysa filashooyinka xilli ciyaareedkan, ayuu qoray Simon Stone.

    Waqtiga: Amorim waayihiisii ​​Man Utd waxa ay ku jirtaa xilli ciyaareedkeedii ugu xumaa abid ee Premier League, guuldaradii fiinaalka Europa League iyo guuldaradii bahdilaada ahayd ee ka soo gaartay kooxda ku jirta League Two ee Grimsby.

    Ruben Amorim ayaa ka tagaya kooxda iyadoo ku jirta rikoorka guulihii ugu xumaa ee Premier League ee tababare kasta oo soo mara taariikhda kooxda Manchester United.

  15. 'Waan u baahanahay Greenland': Trump oo ku celiyay hanjabaad uu ku doonayo inuu la wareego dhulka Danishka

    USA

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Donald Trump ayaa mar kale soo jeediyay in lagu daro Greenland, ka dib markii hogaamiyaha Denmark uu ku boorriyay inuu "joojiyo hanjabaadaha" jasiiradda.

    Isagoo la hadlayay warfidiyeenka, madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri "waxaan ugu baahanahay Greenland dhanka amniga qaranka".

    Trump ayaa marar badan kor u qaaday rajada laga qabo in dhulka ismaamulka deenishka uu noqdo qayb ka mid ah Maraykanka, isaga oo tixraacaya goobta istaraatiijiga ah ee ujeedooyinka difaaca iyo in ay hodan ku tahay macdanta.

    Ra’iisul wasaaraha Greenland Jens Frederik Nielsen ayaa ku jawaabay “waan ka daalnay arinkan” wuxuuna ku tilmaamay fikradda ah in Mareykanka uu maamulo jasiiraddaasi mid “khayaali ah”.

    Waxa uu yiri: "Cadaadis dambe ma jiro. Ma jiri doonto wax isdabamarin ah. Ma jireysoo mar kale mala-awaal ku-darsasho ah. Waxa aan diyaar u nahay wadahadal. Laakiin tani waa inay ku dhacdaa waddada saxda ah iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah."

    Mar sii horreysay, ra'iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa tirii "Maraykanku xaq uma laha inuu la wareego mid ka mid ah saddexda waddan ee boqortooyada Denmark".

    Frederiksen ayaa intaas ku dartay, in Danmark " Greenland" ay xubin ka yihiin Nato oo ay daboolayso dammaanad qaadka amniga ee isbahaysiga, waxana uu sheegay in heshiis difaac ah oo Maraykanka u ogolaanaya jasiiradda uu horey u jiray.

    Ra'iisul wasaaraha Denmark ayaa bayaankeeda sii daysay ka dib markii Katie Miller - oo ah xaaska mid ka mid ah gacanyarayaasha sarsare ee Trump, Stephen Miller - ay ku faafisay baraha bulshada maabka Greenland.

  16. Iiraan iyo Shiinaha oo ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo Maduro

    Venezuela

    Xigashada Sawirka, Donald Trump

    Falcelin caalami ah oo dheeri ah hadda soo baxayso, iyadoo Shiinaha iyo Iiraan oo labadaba xulafo la ah Venezuela - ay ku baaqayaan in la sii daayo Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in ficillada Mareykanka ay yihiin "xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo xeerarka aasaasiga ah ee lagu maamulo xiriirka caalamiga ah" iyo in ay si dhow ula socdaan xaaladda ammaan ee Venezuela.

    Waxa ay sidoo kale ugu baaqayaan Washington in ay "joojiso dadaalka lagu doonayo in lagu dumiyo dowladda Venezuela oo lagu xalliyo arrimaha wadahadal iyo gorgortan". Wasaaraddu waxay samaysay baaqyo la mid ah dhammaadka toddobaadka.

    Iiraan oo saaxiib dhow la ah Venezuela ayaa sheegtay in labadaasi qof la afduubtay.

    "Ma ahan wax lagu faano; waa fal sharci darro ah," afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Esmail Baqaei ayaa sidaasi u sheegay AFP.

    "Sida shacabka Venezuela ay xoogga saareen, waa in madaxweynahooda la sii daayo."

    Donald Trump ayaa sidoo kale Iiraan u hanjabtay Toddaabkii la soo dhaafay, isagoo uga digay in Mareykanka uu soo faragelin doono haddii la dilo dibadbaxayaal nabadeed.

  17. Dadka caanka ah ee lagu xiray xabsiga uu ku jiro Maduro

    Diddy"
    Qoraalka sawirka, Diddy"

    MDC, halka uu Maduro ku sugan yahay waa dhisme weyn oo ka samaysan sibidh iyo bir, oo dhowr dabaq ka kooban, kuna yaal degmada Brooklyn, meel dhowr mitir u jirta dekedda New York iyo qiyaastii shan kiilomitir u jirta Fifth Avenue, Central Park iyo meelo kale oo caan ka ah magaalada.

    In kasta oo ay xaaladdu xabsiga Brooklyn liidato, haddana waxa ay madaxda Maraykanku u doorteen in lagu hayo maxaabiis caan ah.

    Maduro, tusaale ahaan, maaha siyaasigii ugu horreeyay ee Latin America ah ee ku dhammaada xabsiga.

    Madaxweynihii hore ee Honduras Juan Orlando Hernández ayaa in ka badan saddex sano ku xirnaa xabsiga MDC ilaa bishii June ee la soo dhaafay, markaasoo loo gudbiyay xabsi kale ka dib markii ay maxkamad federaal ah ku xukuntay 45 sano oo xarig ah sababo la xiriira ka ganacsiga daroogada. Waxaa xusid mudan, bishii Disembar ee la soo dhaafay, in Trump uu cafiyay.

    Xoghayihii hore ee Amniga Dadweynaha ee Mexico, Genaro García Luna, ayaa sidoo kale waqti ku qaatay mid ka mid ah qolalka xabsiga New York.

    Joaquín "El Chapo" Guzmán, oo ka mid ah kuwa ugu caansan ka ganacsiga daroogada Mexico, ayaa sidoo kale halkaas ku sugnaa, Ismael "El Mayo" Zambada, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Sinaloa Cartel, ayaa weli ku sugan dhismahaas isagoo sugaya maxkamadayntiisa eedeymaha ka ganacsiga daroogada.

    Maxaabiista kale ee caanka waxa ku jira shaqsiyaad taariikh ku leh dambiyada abaabulan sida John Gotti iyo sidoo kale xubno ka mid ahaa Al Qaacida kuwaas oo la xiray ka dib weerarkii 11 September 11, 2001.

    Xitaa rapper-ka iyo soo-saare muusigga Sean "Diddy" Combs wuxuu ku qaatay dhowr bilood xabsiga ku yaal MDC, laakiin markii lagu xukummay afar sano oo xabsi ah sababo la xiriira dhibaataynta haweenka muddo ka badan toban sano, waxaa loo wareejiyay xarun kale oo ku taal New Jersey.

    Ghislaine Maxwell, oo ahayd saaxiibka iyo xaasaska hore ee Epstein; Sam Bankman-Fried, oo ahaa aasaasihii hore ee madal lacagta dijitaalka ah ee FTX oo fashilantay; iyo Michael Cohen, oo ahaa qareenka gaarka ah ee Trump laguna xukumay saddex sano xabsi sababo la xiriira dambiyo maaliyadeed, ayaa ka mid ah dadka kale ee caan ka ah ee ku jira MDC.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  18. Erdogan oo Sacuudiga kala hadlay arrimo ku saabsan Soomaaliya iyo Yemen

    Erdogan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Erdogan

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Axaddii sheegay in Türkiye ay "si dhow" ula socoto horumarada ka socda Yemen iyo Soomaaliya, kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay dhaxal sugaha Sacuudiga.

    Waxaa uu Erdogan dhanka kale ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay xasiloonida ilaalinta midnimada dhuleed ee labada dal.

    Sida laga soo xigtay Agaasimaha Isgaarsiinta ee Turkiga, intii wada hadalku socday, Erdogan iyo Maxamed bin Salman, waxay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha gobolka iyo caalamka.

    Erdogan wuxuu sheegay in Türkiye ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dadaallada la isugu keenayo dhinacyada is haya ee Yemen.

    Wuxuu sidoo kale sheegay, in Ankara ay hiigsaneyso inay xoojiso iskaashiga u dhexeeya Türkiga iyo Sacuudi Carabiya, iyadoo la qaadayo tallaabooyin dheeraad ah maalmaha soo socda.

    Isagoo ka digaya in xaaladda bini'aadantinimo ee Gaza ay sii xumaaneyso marka la gaaro xilliga qaboobaha, Erdogan wuxuu intaas ku daray in Türkiga uu sii wadi doono ka shaqeynta xabad joojin waarta iyo dib u dhiska goobaha dagaalku saameeyay.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  19. Dowladda Cuba oo sheegtay in muwaadinteeda lagu laayahay hawlgalkii Mareykanka ee Washington

    Cuba ayaa xaqiijisay in soddon iyo laba ka mid ah muwaadiniinteeda lagu dilay hawlgalkii Washington ka fulisay Venezuela.

    Dalkan oo ku tiirsan saliidda Venezuela - ayaa bixiyay inta badan ilaalada amniga ee Mr. Maduro.

    Markii la weydiiyay faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan tallaabo militari oo ballaaran, Mr. Trump wuxuu sheegay inaan loo baahnayn in Cuba lagu qaado howlgal milatari, maadaama buu yiri ay u badan tahay inay iyadu iskeed u burburto.

    Balse dhanka kale, Trump kama uusan hadlin faragelin Colombia, isaga oo ku tilmaamay madaxweynaheeda garabka bidix, Gustavo Petro, inuu yahay ganacsade daroogo ah iyo "nin xanuunsan."

    Mr Petro ayaa mar kale beeniyay eedeymaha aan “sal lahayn”, isaga oo uga digay Mr. Trump in uusan af-lagaado u geysan.

  20. Janaraal Caydiid iyo dagaalkii uu la galay ciidamada Mareykanka

    Caydiid

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Caydiid

    Markii uu dhintay Alle ha u naxaristee janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa maanta laga joogaa 26 sano. Wuxuu ka mid ah hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya ee kaalinta weyn ku lahaa ololihii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ku dhintay magaalada Muqdisho 1-dii Agoosto sanadkii 1996.

    Kumuu ahaa Ceydiid

    Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa uu bishii December ee sanaddii 1934 ku dhashay magaalada Beledweyne.

    Janaraal Ceydiid waxaa uu wax ku soo bartay dalka Taliyaaniga iyo Ruushka.

    Waxaa uu xilligii gumeysiga la soo shaqeeyay booliiskii Taliyaaniga oo uu ku biiray sanaddi 1952.

    Janaraal Ceydiid ayaa markii dambe ku biiray ciidammada qalabka side ee Soomaaliya oo u ka gaaray ilaa darajada Janaraal.

    Kuliyadda militariga ee Furunzi oo ku taallla magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayuu sidoo kale culuum dheeraad ah oo dhanka militariga ah ku soo qaatay.

    Sanaddii 1969, waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka soo horjeeday afgembigii militari ee dalkaka dhacay.

    Janaraal ayaa waxaa xabsiga u taxaabay dowlaaddii kacaanka ee uu hogaaminayay (AHU) Maxamed Siyaad Bare