Xanuun dad badan ay la dhibban yihiin oo la ogaaday in soonku uu wax weyn ka taro

Xigashada Sawirka, Getty Images
Labadii sano ee u dambeeyay, hadal hayn badan ayaa ka jirtay warbaahinta iyo baraha bulshada oo ku saabsan 'insulin resistance' (caabbinta insulinta). Buugaag dhowr ah ayaa laga qoray mawduucan, halka barnaamijyada sida YouTube laga sameeyay kumannaan muuqaal oo ka hadlaya jimicsiga iyo cuntooyin gaar ah; kuwaas oo dadka sameeyay ay sheeganayaan in haddii la raaco cuntooyinkaas ama jimicsiyadaas, caabbinta insulinta la daweyn karo ama saamaynteeda la yareyn karo.
Mid ka mid ah sababaha uu ereygani caanka u yahay ayaa ah in caabbinta insulintu ay jirka bini'aadamka ku keeni karto dhibaatooyin caafimaad oo qallafsan, oo uu ka mid yahay xanuunka macaanka ee nooca 2-aad.
Warbixintan, waxaan isku dayi doonnaa inaan ogaanno waxa ay tahay 'insulin resistance', maxay yihiin astaamaheeda caanka ah, iyo ma lagu xakameyn karaa ilaa xad iyadoo la isticmaalayo soonka?
Waa maxay insulin?
Insulintu waa mid ka mid ah hormoonnada ugu muhiimsan jirka bini'aadamka. Xubin muhiim ah oo jirkeenna ku jirta waa ganaca, kaas oo shaqadiisa ugu weyni tahay inuu soo saaro insulinta uu jirkeennu u baahan yahay.
Shaqada ugu weyn ee insulintu waa inay nidaamiso heerka sonkorta dhiigga ee jirkeenna. Jirkeennu wuxuu u kaydiyaa insulinta sidii il tamar laga helo.















