Barasaabka ay hareeyeen fadeexada lacag lunsashada Soomaalida oo ka tanaasulay dib u doorashadiisa

Barasaabka Minnesota Tim Walz

Xigashada Sawirka, Getty Images

Barasaabka Minnesota, Tim Walz ayaa isniintii sheegay inuu joojiyay ololoyaasha dib u doorashadiisa, ka dib soo ifbixidii musuqmaasuq ka dhacay gobolka ee uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka dhigtay bartilmaameedka.

Walz, ayaa madaxweyne ku-xigeen u ahaa Kamala Haris doorashadii madaxtinimo ee 2024 ee u uu ku guulaystay Trump , waxaana uu sheegay inuu go'aansaday inuu ka baxo tartanka si uu "diiradda u saaro shaqada" guddoomiyaha halkii uu ku mashquuli lahaa olole siyaasadeed.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku dhaleeceeyay Walz sida uu ula tacaalay musuqmaasuqa ku saabsan barnaamijyada badbaadada bulshada ee gobolka. Walz ayaa sheegay in dowladdiisu ay qaadayso tallaabooyin looga hortagayo musuqmaasuq dhaca mustaqbalka.

Dadka aad u dhaliilay waxaa ka mid ah Trump, kaas oo maamulkiisu uu dhawaan joojiyay lacagaha federaalka ee loogu talagalay daryeelka carruurta ee Minnesota.

Bayaankiisa Isniinta, Walz wuxuu sharaxay in sannadkii la soo dhaafay uu ahaa "mid aad ugu adag" gobolka uu hoggaamiyo.

"Sanadihii dhowaa, koox abaabulan oo dambiyada sameeya ayaa isku dayay inay ka faa'iidaystaan deeqsinimada gobolka," ayuu yiri Walz.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Trump iyo xulafadiisa Jamhuuriga inay doonayeen inay ka faa'iidaystaan dhibaatada isla markaana ay ciyaaraan siyaasado.

"Waxay rabaan inay dadkeena isku sumeeyaan iyaga oo weeraraya deriskooda. Ugu dambeyntiina, waxay rabaan inay qaataan waxyaabo badan oo ka mid ah waxa ka dhigaya Minnesota meesha ugu fiican Maraykanka ee lagu korin karo qoys," ayuu yiri Walz.

"Waxa ay horey u bilaabeen qaadida canshuurahayaga loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska inay awoodaan daryeelka carruurta. Waxayna qorsheynayaan inaysan halkaas ku joogsan."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Walz ayaa sheegay inuu go'aansaday inuu joojiyo olole-yaashiisa kadib markii uu la tashaday qoyskiisa iyo kooxdiisa la shaqeysa.

"Daqiiqad kasta oo aan ku bixiyo difaaca danahayga siyaasadeed waxay noqonaysaa daqiiqad aanan ku difaaci karin dadka ka dhanka Minnesota ee ka faa'iidaysta deeqsinimadeena iyo kuwa kala qaybinaya ee ka faa'iidaysta kala duwanaanshaha," ayuu yiri.

Go'aanka uu qaatay Walz ayaa yimid afar bilood kaddib markii Tim uu ku dhawaaqay inuu tartami doono muddo saddexaad oo aan hore loo arag.

Walz ayaa wajahaya korjoogteyn sii kordhaysa oo ku saabsan musuqmaasuqa barnaamijyada gobolka. Ee uu kamid ahaa Medicaid, halkaas oo dacwad oogayaashu sheegeen in musuqmaasuq uu gobolka ku khasaariyay ku dhawaad $9bn (£6.7bn).

Kiis kale, tobanaan qof ayaa lagu eedeeyay dambiyo waaweyn oo ku saabsan xatooyo malaayiin doollar ah oo ka timid barnaamijyada gargaar ee Covid-19.

Guud ahaan, 59 qof ayaa horey loogu xukumay musuqmaasuqa, sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka.

Dhamaadkii Diseembar, maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay inuu joojin doono lacagaha daryeelka carruurta ee gobolka, kadib markii YouTuber midigta-fog ah uu ku eedeeyay in dhowr xanaanada carruurta oo ay maamulaan muhaajiriin Soomaali ah ay qaadanayeen lacag dadweyne iyaga oo aan daryeel bixin.

Mas'uuliyiinta gobolka ayaa diiday eedeymaha musuqmaasuqa iyada oo bahwadaagta BBC ee CBS News, aysan helin wax caddeyn ah oo musuqmaasuq ah markii ay dib u eegtay diiwaanada dadweynaha ee xarumaha, inkastoo ay heleen tilmaamo ku saabsan badbaadada, nadaafadda, qalabka, iyo tababarka shaqaalaha.

Minnesota, oo hooy u ah tirada ugu badan ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee Maraykanka, ayaa noqotay bartilmaameed fulinta siyaasadda socdaalka ee Trump, kaas oo sheegay inuusan rabin inay joogaan dalka.

Iyadoo Walz isaga haray tartanka, weli lama oga cidda ka socota Xisbiga Dimuqraadiga ee ku tartami doonta doorashada guddoomiyaha soo socda ee gobolka. Dimuqraadiyiintu waxay ku guuleysanayeen dhammaan xafiisyada gobolka tan iyo 2006.

Qiyaastii tobanaan tartamayaal Jamhuuriga ah ayaa galay tartanka, oo ay ku jiraan aasaasaha iyo madaxa fulinta MyPillow, Mike Lindell, oo xulafo la ah Trump, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Minnesota, Lisa Demuth. Ka hor inta uusan ku biirin siyaasadda, Walz wuxuu ahaa xubin ka tirsan Ciidanka Qaranka ee Army National Guard, waxa kale oo uu soo noqday macallin.