"Waxay isoo xusuusinayaan Soomaaliya" Trump oo mar kale wax ka sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ilhaan Cumar

Trump

Xigashada Sawirka, SOCIAL

    • Author, Fatuma Maalim
    • Role, BBC Somali

Madaxweyne Trump ayaa xalay sheegay in Dimuqraaddiyiinta dalkaas "aysan lahayn hoggaamiye" uu kala xaajoon karo soo afjaridda shaqada dowladda ee istaagtay, isagoo duray hoggaamiyaha sanatarrada laga tirada badan yahay ee Chuck Schumer.

"Ma garanayo in Schumer uu awood leeyahay. Waxaan eegaa hoggaankiinna. Ma garanayo cidda aan la hadlo."

Hadalka Trump ayaa imaanaya iyadoo laga cabsi qabo in shaqo joojinta dowladda ay gasho toddobaadkii labaad xilli Xafiiska Maamulka iyo Dakhliga ee Aqalka Cad uu diiday in mushaarkooda la siiyo qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda lagana yaabo in la eryo kuwo kale.

"Waxaa inoo yaalla waxyaabo badan oo aan soo afjari doonno gebi ahaanba," ayuu madaxweynuhu u sheegay mar uu aqalka Oval Office kula hadlayay weriyeyaasha halkaasoo uu ku martigeliyay raysal wasaaraha Canada Mark Carney.

"Dimuqraaddiyiintu malaha hoggaamiye. Waxay isoo xusuusinayaan Soomaaliya," ayuu yiri Trump.

Trump ayaa sidoo kale ku celiyay kaftan hore oo uu ka sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo la xiriira Ilhaan Cumar oo ka mid ah xildhibaannada Mareykanka.

"Waxaana la kulmay madaxweynaha Soomaaliya, waxaan u sheegay dhibka heysta. Waxaan iri, 'Waxaa jira qof Soomaaliya kasoo jeeda oo inoo sheegaya sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn, oo kasoo jeeda Soomaaliya.' Waxaan iri, 'Ma jeclaan lahayd inaad ceshato?' Wuxuu yiri, 'Maya, Ma doonayo. Ma garaneysaan cidda aan ka hadlayo?!'" Trump ayaa yiri.

Trump iyo Mark Carney

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Madaxweyna Trump iyo raysal wasaaraha Canada Mark Carney

Trump ayaa hadalkaas ula jeeday Ilhaan Cumar, oo hore ay isku dhaafsadeen hadallo.

Ilhaan ayaa la kulmeysay hanjabaado ku aaddan in loo musaafuriyo Soomaaliya oo ah halka ay asal ahaan kasoo jeeddo.

Muddo-xileedka labaad ee Madaxweyne Trump, marka kale waxaa la arkay hadallo ay warbaahinta isku dhaafsanayaan isaga iyo xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Kongareeska Maraykanka kana soo gasha gobolka Minnesota.

Ilhaan oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaaliya ayuu Trump dhowaan ku dhaliilay inaysan u sheegi karin sida dal loo maamulo iyadoo ka soo jeedda sida uu ku qoray bartiisa Social Truth ''dal sabool ah oo ay colaado ragaadiyeen isla markaana isku dayaysa in Maraykanka ay barto sida wax loo maamulo".

Ilhaan

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Ilhaan Cumar iyo Madaxweyne Xasan Sheekh
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Dalka Ilhaan Cumar ka soo jeeddo ee Soomaaliya, wuxuu la daalaa dhacayaa dawlad-dhexe oo daciif ah, saboolnimo joogto ah, gaajo, argagixiso mar kale soo kacaysa, budhcad-badeed, tobannaan sano oo dagaal sokeeye ah, musuqmaasuq, iyo rabshado baahsan. Boqolkiiba 70 shacabku waxay ku nool yihiin saboolnimo aad u daran waxayna wajahayaan amni-darro iyo cunto yaraan baahsan."

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo la hadlaysay warbaahinta CNN ee Markaykanka ayaa xustay in ay ku faanto dhaqanka Soomaalida iyo inay ku dhalatay Soomaaliya

"Aniga waxaan ku dhashay, dabcan, Soomaaliya, taasoo uu madaxweynaha jecel yahay inuu xuso. Waxaan sidoo kale ku faanaa hiddahayga Soomaaliyeed. Taasi waa wax aysan iga qaadi karin. Waxaana rabaa in aan hal arrin sheego, taas oo madaxweynaha uu u baahan yahay inuu fahmo: ma aha suurtagal inuu xilka ka qaado xildhibaan weli shaqeynaya," ayey tiri Ilhaan Cumar oo CNN la hadlaysay.

Iyadoo ka jawaabaysay sababta ay u malaynayso in loo bartilmaameedsanayo ayey Ilhaan Cumar sheegtay" Dalkan waxaa ka jira nacayb badan oo loo qabo muslimiinta eh. Dalkan waxaa ka jira nacayb badan oo loo qabo dadka madowga ah, gaar ahaan dumarka madow. Waxaa jira nacayb badan, nacayb daran, oo muhaajiriinta ah" ayey intaas raacisay Ilhaan.

Trump, Xasan Sheekh

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan la kulmay dhiggiisa rump

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dabayaaqadii bishii hore Aqalka Cad kaga qeyb galay casho sharaf ay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo marwada koowaad ee dalkaas Melania Trump ku maamuuseen madaxda dalalka oo halkaasi u joogay sannad guurada 80-aad ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan ayaa madaxda caalamka kala qeyb galay sawir xusuus ah oo uu la qaatay Trump iyo xaaskiisa kadib markii lagu casuumay kulanka rasmiga ah, kaasoo lagu xusayay iskaashiga ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, waxaana uu ku baaqay dadaal cusub oo lagu horumarinayo nabadda, horumarka iyo la dagaallanka caqabadaha caalamiga ah.

Casho sharaftan oo ah dhaqan soo jireen ah oo Maraykanku leeyahay, kuna soo beegantay shirka sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee New York, ayaa ku soo beegantay toddobaadyo ka dib markii Trump uu Soomaaliya ku tilmaamay "dal musuqmaasuq ah oo aan dawlad lahayn," kuwaasoo hadal-heyn badan ka dhaliyay gudaha Soomaaliya.

Halkey iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Donald Trump?

Ilhaan iyo Trump

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Khilaafka u dhaxeeya Ilhaan Cumar iyo madaxweyne Trump ayaa muddo dheer soo taxnaa, xitaa muddo-xileedkiisii hore.

Xilligii uu Madaxweyne Trump ku jiray ololaha doorashada, waxaa aad loo xusuusta hadal uu ka yiri Soomaalida ku nool Mareykanka oo ahaa in falal argagixiso ay kusoo kordhiyen Minnesota, oo haddii la doorto uu ka hortagi doono qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta Soomaalida.

Waxaa kale oo aad loo xusuustaa hadal caan baxay oo ay tiri Ilhaan oo ahaa in dadka Minnesota aysan soo dhaweynin qaxootiga oo keliya, balse sidoo kale ay u diraan Washington, oo ay ula jeedday doorashadeedii maadaamma ay qaxooti ahaan dalka ku soo gashay.

Markii la dhaariyay lhaan Cumar aya waxay farta ku fiiqday arrimo ay kamid yihiin taageerada Trump uu siiyo dowladda Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen, waxaana ay ku baaqday in Trump uu joojiyo taageerada uu siiyo xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka kau qaaday dalka Yemen.

Tan iyo markii la soo doortay Ilhaan Cumar, waxay fursad kasta oo soo marta u adeegsatay inay weerarto siyaasadaha Donald Trump, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa markii ay ka hadashay hakadkii ku yimid adeegyada dowladda kadib markii Madaxweyne Trump uu Aqalka Kongreska ka dalbaday dhaqaale lagu dhisayo derbiga xadka Mareykanka iyo Mexico, si uu u ansixiyo dhaqaalaha lagu kala wadayo adeegyada dowladda.