"Annaga oo waalidiin ah walwal badan ayaa nagu dhacay" cabsi hadhaysay Soomaalida Minnesota

Hodan

Xigashada Sawirka, Shucayb Obsiiye

Qoraalka sawirka, Hodan
    • Author, Shucayb Obsiiye
    • Role, Wariye
    • Reporting from, Minneapolis

Ammarrada cusub ee ka soo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa si toos ah u gaadhay bulshada Soomaalida ee ku nool Minnesota, gaar ahaan magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Maraykanka, isaga oo ku eedeeyay musuq maasuq.

Hadalladaas oo muran dhaliyay waxaa ku xigay tallaabo degdeg ah oo ah in uu ku dhawaaqay joojinta barnaamijka magangalyada ku meel gaadhka ah ee TPS.

Barnaamijka magangalyada kumeel-gaadhka ah ee Soomaalida Mareykanka ku nool haystaan ayaa siiya ilaalin ku meel gaadh ah si'aan loo masaafurin waxuuna sidoo kale barnaamijkani dadku ku helaan ogolaanshaha shaqada sababo xidhiidha xaaladaha khatarta ah ee Soomaaliya

Maalmo gudahood, dadku waxay bilaabeen in ay ku arkaan ciidamada Hay'adda Socdaalka iyo Masaafurinta ee ICE waddooyinka iyo xaafadaha ay Soomaalidu ku badan tahay.

Hawlgalladan ayaa si gaar ah uga muuqday meelaha ay bulshadu u safarto subax iyo galab, sida iskuulada iyo goobaha cibaadada. Arrintaan waxay dhalisay cabsi baahsan oo ku faaftay qoysaska Soomaaliyeed ee ku nool gobolka.

Shucayb Obsiiye
Dad badan oo masaajidka iman jiray ayaa hadda ka baqaya, baqdin darteed; xaafadaha ayay ku nagaadeen
Sheekh Yusuf Cabdulle
Madaxa Isku taga Masaajidda Muslimiinta Maraykanka

Sheekh Yusuf Cabdulle oo ah madaxa Isku taga Masaajidda Muslimiinta Maraykanka ee IANA ayaa BBC-da u sheegay in saameynta ugu horreysa ay ka muuqato masaajidda.

"Masaajidada hoos u dhac ayaa ku yimid. Salaaddii Jimcaha ayuu ku yimid, jamaacaddii ayuu ku yimid. Dad badan oo masaajidka iman jiray ayaa hadda ka baqaya, baqdin darteed xaafadaha ayay ku nagaadeen," ayuu sheegay Yuusuf.

Isaga oo muujinaya walaaca ku yimid bulshada cibaadaystayaasha ah ee iman jiray masaajidda

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Saameynta Qoysaska iyo Jawaabta Magaalada Minneapolis

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cabsida hawlgallada ciidanka Dhaqangelinta Socdaalka iyo Kastamada Mareykanka (ICE) ma saameyn oo kaliya dadka waaweyn, balse waxay si gaar ah u taabatey qoysaska leh carruur u baahan daryeel gaar ah.

Hodan Xasan, oo ah hooyo Soomaaliyeed oo leh saddex carruur ah, mid ka mid ahna uu la tacaalayo xanuunka autism-ka, ayaa BBC-da u sheegtay in walaaca ugu weyn uu yahay in ay carruurteeda u dirto dugsiga ama ay bannaanka ula baxdo.

"Waxaan haystaa wiil labaatan jir ah, meel walba uma raaci karo. Marka uu iga baxo walwal ayaa jira. Waxaan haystaa inan 18 jir ah oo autistic ah, waan ka walwalaa markuu meel tagayo," ayay tidhi Hodan.

Waxay intaas ku dartay, "Waan aragnay waxa ku dhacay carruurteenna. Maalin dhowayd wiil muwaadin ah ayaa la kaxeystay oo meel kaligiis lagaga tegay, waxaana lagu yidhi 'iska lugee'. Annaga oo waalidiin ah walwal badan ayaa nagu dhacay."

Duqa Minneapolis Jacob Frey iyo taliyaha booliska magaalada ayaa si cad u sheegay in aysan la shaqeyn doonin ciidanka ICE, ayna diidan yihiin in ciidamada federaalka ay qabqabtaan dadka aan jabin sharciga magaalada.

Shucayb Obsiiye
Waxaan haystaa inan 18 jir ah oo autistic ah, waan ka walwalaa markuu meel tagayo
Hodan Xasan
Hooyo Soomaaliyeed

Masaajidka Abubakar As-Saddiq Islamic Center oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Minneapolis ayaa si cad uga hor yimid hadallada Madaxwayne Trump. Imaamka masaajidka, Mowlid Ali, waxa uu sheegay in hadallada madaxwaynaha aysan tirtiri karin horumarka iyo doorka bulshada Soomaaliyeed ee gobolka.

"Mustaqbalka Soomaalida Maraykanka joogta waa mid ifaya. Waa Somali-Americans sharciyo haysta. Badankood halkan ayay ku dhasheen. Carruurta Soomaalidu waa firfircoon, waxbarasho fiican bay ku jiraan," ayuu yiri Imaam Mowlid Ali.

Mowlid Ali

Xigashada Sawirka, Shucayb Obsiiye

Qoraalka sawirka, Mowliid Cali

Inkasta oo bulshada Soomaaliyeed ay la qabsatay xaaladaha siyaasadeed ee is beddelaya ee Maraykanka, haddana hawlgallada ICE ee socda iyo hubanti la'aanta ku saabsan goorta ay dhammaan doonaan ayaa abuurtay niyad jab iyo walbahaar joogto ah oo gaar ahaan ku dhacay dadka ku xiran masaajidda, iskuulada, iyo barnaamijyada bulshada.

Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota oo muddo dheer u ahayd mid ka mid ah jaaliyadaha ugu ugu firfircoon Maraykanka, hadda waxay wajahayaan caqabado cusub oo ka dhalanaya hadallada hadallada ceebaynta iyo af-xumada ah ee uu Soomaalida si guud ugu jeedinayo madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.

Qoysaska, culimada, iyo maamulka magaalada ayaa dhammaantood isku dayaya in ay yareeyaan cabsida, balse sheekooyinka maalinlaha ah ee qoysaska Soomaaliyeed ayaa muujinaya sida xaaladdu uga fog tahay deganaansho.