Kooxaha reer Yurub ee samaynta darran uu ku yeelan doono Koobka Qaramada Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images
Koobka Qaramada Afrika ee 2025, oo lagu qaban doono Morocco lana bilaabi doono 21-ka Bishan Diseembar 2025 ilaa 18-ka Janaayo 2026, ayaa sababi doona maqnaansho badan oo ciyaartoy ah oo ka imanaya kooxo waaweyn oo ka dhisan horyaalada Yurub.
Maadaama tartanku ku beegan yahay fasaxa jiilaalka ama waqtiga ugu mashquulka badan ee jadwalka, kooxo badan ayaa halis ugu jira inay waayaan ciyaartoy muhiim u ah dhowr kulan.
Sanadkan, xiddigo badan ayaa lagu casuumi doonaa xulka qarankooda, taas oo keeni doonta inay seegaan daqiiqado badan oo muhiim ah oo ay u dheeli lahaayeen kooxahooda. Marka loo eego sida ay ugu socdaan tartanka, qaar ayaa maqnaan kara ilaa toddobo kulan.
BBC Sport ayaa soo diyaarisay warbixin ku saabsan kooxaha ugu badan ee ay saamayntu ka muuqan karto ee ku sugan England, France, Germany, Italy iyo Spain.
Ingiriiska (Premier League)
Sunderland, oo haatan kaalinta afraad kaga jirta Premier League-ga, waa kooxda ugu saamaynta badani gaadhi doonto. Sida saadaasha la sameeyay muujinayso, toddoba ciyaaryahan oo ka tirsan kooxdooda ayaa loo xulan karaa Koobka Qaramada Afrika. Intooda badan waa ciyaartoy joogto ah oo sanadkan sameeyay 50 kulan oo Premier League ah guud ahaan.
Ciyaartoydaas waxaa ka mid ah: garabka Morocco Chemsdine Talbi, khadka dhexe ee Senegal Habib Diarra (oo dhaawac ahaa tan iyo Sebtembar), daafaca Mozambiq Reinildo, garabka Ivory Coast Simon Adingra, weeraryahanka Burkina Faso Bertrand Traoré, iyo labo ciyaaryahan oo reer DR Congo ah Arthur Masuaku iyo Noah Sadiki.
Wolverhampton ayaa sidoo kale si weyn u saamayn ugu yeelan doonaa koobka qaramada Afrika, maadaama shan ciyaaryahan oo kooxdooda ka mid ahi u ambabixi karaan AFCON.
Crystal Palace-na waxay waayi doonaan garabka Senegal Ismaïla Sarr, oo dhaliyay siddeed gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan. Saddex ciyaaryahan oo kale ayaa shaki ku jira maadaama ay la tacaalayaan dhaawacyo iyo waqti ciyaareed oo kooban.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Weeraryahanka reer Nigeria Christantus Uche ilaa hadda wuxuu u saftay Palace isagoo beddel ah, mana uusan ku jirin liiska xulkii ugu dambeeyay.
Daafaca Morocco Chadi Riad iyo khadka dhexe ee Mali Cheick Doucouré labaduba waxay ka maqnaayeen garoomada tan iyo Janaayo sababo la xidhiidha dhaawacyo jilibka ah.
Labada xiddig ee Senegal ee Everton, Iliman Ndiaye iyo Idrissa Gueye, ayaa seegi kara kulamo Premier League ah.
Liverpool, oo kaalinta siddeedaad joogta, waxay waayi doontaa hal ciyaaryahan oo AFCON ciyaari doona, balse waa mid ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn ee taariikhda kooxda Mohamed Salah, oo ilaa hadda shan gool dhaliyay xilli ciyaareedkan aan sidaa u muuqan, hubaalna wuxuu la safri doonaa xulka Masar.
Manchester City waxay lumin doontaa laba ciyaaryahan, balse labaduba si kooban ayay u ciyaareen xilli ciyaareedkan sababo dhaawacyo ah awgeed.
Weeraryahanka Masar Omar Marmoush wuxuu kusoo bilowday labo kulan Premier League, halka daafaca bidix ee Algeria Rayan Aït-Nouri uu kusoo bilowday saddex kulan.
Dhanka Manchester United, garabka midig ayaa si buuxda isu beddeli doona xilligga fasaxa.
Weeraryahanka Cameroon Bryan Mbeumo, iyo labada ciyaaryahan ee ka ciyaara boosas midig Amad Diallo (Ivory Coast) iyo Noussair Mazraoui (Morocco) dhammaantood waxay joogayaan Morocco.
Tottenham waxay filaysaa inay waayaan laba khad-dhexe oo muhiim ah: Pape Matar Sarr (Senegal) iyo Yves Bissouma (Mali).
Bissouma ma uusan u ciyaarin Spurs xilli ciyaareedkan, wuxuuna qaliin canqowga ah galay Oktoobar.
Ciyaaryahanka Ghana Mohammed Kudus wuxuu u ciyaari doonaa kooxdiisa maadaama dalkiisa uusan u soo bixin AFCON.
Sunderland iyo Wolves waa kuwa ugu badan ee ciyaartoyda waaya, halka Arsenal, Chelsea iyo Leeds aysan lahayn ciyaartoy u qalma in loo xusho AFCON 2025.
Saamayntu waxay noqon doontaa mid aad u weyn, kooxaha Ingiriiska ayaana khasab ku noqon doona inay ka taxadaraan xilli aad u adag oo ay jiri karaan maqnaansho dheer.
Guud ahaan, ciyaartoyda loo xusho AFCON 2025 ee Morocco waxay seegi karaan ilaa lix ama xitaa toddobo kulan oo Premier League ah, iyo sidoo kale kulamada FA Cup iyo Carabao Cup haddii ay gaaraan finalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jarmalka (Bundesliga)
Inkasta oo maqnaanshaha la dareemi doono, saameyntu waa mid xaddidan maadaama Bundesliga ay leedahay fasax jiilaal, taas oo ka duwan Premier League-ga.
Horyaalku wuxuu dib u bilaabanayaa 9-ka Janaayo, xilli ay ku jiraan wareegga siddeed dhammaadka AFCON. Sidaa awgeed, ciyaartoyda laga reebo wareegyada hore waxay si degdeg ah ugu soo laaban karaan kooxahooda.
Kuwa gaadhaya finalka waxay seegi karaan ilaa afar kulan oo Bundesliga ah, oo ay ku jiraan kulanka usbuuca dhexdiisa (13–15 Janaayo), iyo kulanka 18-aad (16–18 Janaayo), oo ku beegan waqtiga kulamada kaalinta saddexaad iyo finalka.
Wareegga 7-aad ee Champions League (20–21 Janaayo) wuxuu ku beegan yahay laba maalmood kaddib finalka, taas oo ka dhigaysa ka qaybgalka mid shaki ku jiro.
Ciyaartoy badan oo Bundesliga ka tirsan ayaa u badan inay u safraan xulalka Afrika ee u soo baxay:

Xigashada Sawirka, Getty Images
Algeria: Mohamed Amoura (Wolfsburg), Ramy Bensebaini (Dortmund), Badredine Bouanani (Stuttgart), Farès Chaïbi (Frankfurt), Ibrahim Maza (Leverkusen)
Burkina Faso: Edmond Tapsoba (Leverkusen)
Cameroon: Christian Kofane (Leverkusen), Nathan Ngoumou (Gladbach), Patrick Nkoa (Gladbach)
Ivory Coast: Yan Diomande (Leipzig), Silas Gnaka (Magdeburg), Bazoumana Touré (Hoffenheim)
Mali: Ibrahima Cissé (Schalke), Amadou Haidara (Leipzig), Ibrahim Sissoko (Bochum), Ibrahima Sissoko (Bochum), Moussa Sylla (Schalke)
Morocco: Hamza Anhari (Fortuna Düsseldorf), Eliesse Ben Seghir (Leverkusen), Ayoub Chaikhoun (Nuremberg), Anouar El Azzouzi (Düsseldorf), Bilal El Khannouss (Stuttgart)
Nigeria: Dickson Abiama (Kaiserslautern), Kevin Akpoguma (Hoffenheim), Afeez Aremu (Kaiserslautern), Felix Agu (Werder Bremen), Precious Benjamin (Hoffenheim), Victor Boniface (Werder Bremen), Nathan Tella (Leverkusen), Jordan Torunarigha (Hamburg)
Senegal: Nicolas Jackson (Bayern Munich)
Talyaaniga (Serie A)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciyaartoy badan oo Serie A ka tirsan ayaa ah ciyaartoy qaran oo u badan inay helaan wicitaannada qarankooda.
Evan Ndicka (Ivory Coast – AS Roma)
Ndicka ayaa si weyn horumar ugu sameeyay Rome tan iyo imaatinkiisii 2023, wuxuuna noqday daafac lagu kalsoonaan karo oo ka mid ah nidaamka Gasperini.
Ademola Lookman (Nigeria – Atalanta)
Inkasta oo uu doonayay inuu ka tago Atalanta xagaagan, Lookman si xirfad leh ayuu u soo laabtay, welina waa xiddig muhiim u ah Atalanta iyo Super Eagles-ka Nigeria.
Boulaye Dia (Senegal)
Xilli ciyaareedkan si buuxda uma fiicna, balse wali wuxuu haystaa kalsoonida macallinkiisa.
André-Frank Zambo Anguissa (Cameroon – Napoli)
Anguissa ayaa dhaawacmay intii lagu jiray kulankii ugu dambeeyay ee Cameroon, taas oo keeni karta inay xulku ku seegaan AFCON.
Saamayntu ma noqon doonto mid aad u weyn sida horyaalada qaar, sida Premier League-ga, balse ciyaartoy muhiim ah ayuu tartanka qaramada Africa saamayn doonaa, taas oo culays saari karta isu-rogroga (rotation) iyo tartankooda kahor iyo kadib tartanka.
Isbayn (La Liga)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida uu qabo jadwalka Koobka Qaramada Afrika ee 2025, kulamada tartanku waxay ku beegmayaan dhowr maalin-ciyaareed oo La Liga ah. Taas micnaheedu waa in ciyaartoyda la waco ay seegi karaan inta u dhexeysa 3 ilaa 5 kulan oo horyaalka ah, iyadoo ku xiran halka ay xulkoodu tartanka ka gaaraan.
Marka laga soo tago maqnaanshaha inta lagu jiro AFCON, waxaa jiri kara daal ama tamar-dhicis marka ay dib ugu soo laabtaan kooxahooda, taas oo saamayn karta bandhiggooda dhowr kulan.
Qaar ka mid ah kooxaha La Liga ee laga yaabo inay saameyso AFCON 2025:
Real Betis: Sofyan Amrabat (Morocco), Abde Ezzalzouli (Morocco), Cedric Bakambu (DR Congo)
Celta Vigo: El-Abdellaoui (Morocco)
Getafe: Abqar (Morocco), Ismael Bekhoucha (Morocco), Neyou (Cameroon)
Girona: Ounahi (Morocco)
Levante: Karl Etta Eyong (Cameroon)
Rayo Vallecano: Pathé Ciss (Senegal)
Real Madrid: Brahim Díaz (Morocco)
Sevilla: Akor Adams (Nigeria), Chidera Ejuke (Nigeria)
Villarreal: Ilias Akhomach (Morocco), Nicolas Pépé (Ivory Coast), Pape Gueye (Senegal
France (Ligue 1)
France (Ligue 1)
Ligue 1 waa horyaalka ugu saameynta badan ee Yurub, celcelis ahaan 60 ciyaaryahan ayaana u safra AFCON.
In ka badan kala bar kooxaha Ligue 1 waxaa saamayn ku yeelan doona maqnaanshaha ciyaartoydooda.
Kooxaha ugu halista badan ayaa ah Metz, Nice, Saint-Étienne, Nantes, Clermont iyo Marseille.
Kooxahani waa inay si weyn ugu diyaar garoobaan maqnaanshaha ciyaartoyda, gaar ahaan daafaca, khadka dhexe iyo weerarka.













