Waa kuma Ghassan Dehini ninka la wareegay booskii Abu Shabab oo dhawaan la dilay?

Xigashada Sawirka, ISRAELI CHANNEL 12
Ghassan Dehini oo ah hogaamiyaha cusub ee maleeshiyada Popular Forces, oo ka soo horjeeda ururka Xamaas, kaas oo ka howlgala deegaanada ay maamusho Israel ee ku dhow magaalada Rafah ee koonfurta Gaza ayaa xilka kala wareegay Yaasir Abu Shabab oo dhawaan la qaarijiyay.
Abu Shabab ayaa la sheegay in la toogtay 3-dii December dagaal beeleed ka dhacay Gaza. Sida laga soo xigtay website-ka Israel ee Ynet, Dehini oo ahaa ku xigeenka Abu Shabab ayaa ku dhaawacmay shilkaasi, waxaana loo qaaday isbitaal ku yaalla Israa'iil oo lagu daweynayo.
Bogga Imaaraatka ee Aram News ayaa ku tilmaamay Dehini inuu yahay "qofka ugu khatarta badan ee la raadinayo" ee ku jira liiska Xamaas. "Waxaa loo yaqaanay maskaxdii ka dambeysay kooxda hubeysan, ee uu la aas aasay Yaasir Abuu Shabaab," ayaa lagu yiri mareegta.
Maleeshiyada ka soo horjeeda Xamaas oo la sheegay in ay hubaysay Israa'iil ayaa Falastiiniyiintu ku eedeeyeen in ay gacan saar la leeyihiin Israa'iil oo ay bililiqeysteen gargaar bini'aadantinimo oo soo galayay koonfurta Qaza.
Shabakadda wararka ee Xamaas ee Shehab ayaa sheegtay bishii November, iyadoo soo xiganaysa ilo Cibraaniya, in "khilaaf xooggan oo gudaha ah oo ku saabsan hoggaanka iyo maamulka" kooxda xagjirka ah uu ka dhex socdo Dehini iyo Abu Shabaab, taasoo keentay su'aasha ah in khilaafkaasi uu horseedi karo "Israa'iil inay ka takhalusto Abu Shabaab oo ay disho".
Hogaamiyaha cusub ee ciidamada caanka ah ayaa dhawaan laga daawaday muuqaal isagoo su'aalo weydiinaya dhowr dagaalyahan oo Xamaas ah oo lagu xiray god ku yaala Rafah. Waxa uu xaqiijiyay dhimashada raggan taabacsan Xamaas, isaga oo ku tilmaamay " gacan ku dhiigleyaal dambiilayaal ah" oo "ku lug lahaa" dilka laba xubnood oo ka tirsan maleeshiyadiisa.
Warbaahinta taageerta Xamaas ayaa ku warrantay in "Dehini uu aad ugu dhaliilay xoogagga iska caabinta warbaahinta, saacado ka dib markii uu uu la wareegay booska cusub, waxa uu ballan qaaday in uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah Xamaas ee Gaza".
Sarkaal amniga ee maamulka Falastiin ilaa cadowga Xamaas
Sida laga soo xigtay warbaahinta xiriirka la leh Xamaas oo ay ka mid tahay mareegta Shahab News, Dehini waxa uu ku dhashay Rafah bishii October 3, 1987 dii, waxbarashadiisa sarena ku qaatay dugsiga sare ee Beersheba ee Rafah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dehini waxa uu sarkaal ka soo noqday hay'adaha ammaanka ee maamulka Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza ka hor intii aanay Xamaas la wareegin gacan ku haynta marinka 2007 dii. Aabihii waxa uu sidoo kale ahaa sarkaal hore uga tirsanaa ururka.
Xamaas ayaa la sheegay in ay dhowr jeer u xirtay sababo kala duwan oo ay ka mid tahay in uu ku biiray koox hubeysan oo fadhigeedu yahay Gaza oo lagu magacaabo Jaysh al-Islam, taasoo xiriir la leh Al-Qaacida. Warbaahinta taageerta Xamaas ayaa sidoo kale soo xigtay sababaha kale ee loo xiray, sida tuuganimo, baad, iyo faraxumayn.
Aram News ayaa sheegtay in Xamaas ay dhowr jeer isku dayday in ay disho isaga oo intaa ku daray in walaalkii lagu dilay mid ka mid ah isku daygaas. Shabakadda Israa'iil ee Ynet ayaa sheegtay bishii Agoosto in walaalkii Deehini uu ka tirsanaa kooxda Daacish ee ay dileen Xamaas. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dehini uu ku lug lahaa afduubkii 2006-dii loo geystay askari Israa'iili ah oo lagu magacaabo Gilad Shalit.
Warbaahinta Falastiin iyo Carabta oo soo xiganeysa ilo-wareedyo Israa'iili ah, ayaa ku warramay in Dehini uu ka hoos shaqeeyay millatariga Israa'iil, gaar ahaan maaraynta gargaarka bini'aadantinimo iyo qorista si uu uga hortago Xamaas.













