Sababta ay dumarku u qariyaan sawirrada ragga ay shukaansadaan

Xigashada Sawirka, We found the savior.
Tawana Musvaburi waxaa saaxiib kula ah barteeda Instagram dad gaaraya 33,000 oo qof. Saaxiibbadeeda kala socda bartaas waxay u haystaan inay wax walba ka ogyihiin nolosheeda gaarka ah.
Laakiin intooda badan ma oga qofka ay shukaansato ama ay lammaane u tahay. Si kastaba ha ahaatee, marar badan ayay bixisay tilmaamo muujinaya inay nin leedahay.
Waxay soo dhigtay sawir iyadoo khamri cabbeysa iyada iyo lammaaneheeda oo galaasaska isku dhufanaya.
Tawana, oo 24 jir ah, muuqaalka ninkeeda ma soo bandhigto.
"Aniga oo haweeney ah, waxaan rabaa inaan muujiyo in wax walba ay gacantayda ku jiraan," ayay tiri.
Tawana oo ah qof saamayn ku leh baraha bulshada, ma ku darto lammaaneheeda marka ay shaqadeeda qabanayso.
"Ma aha inaan dareenno inaan guuleysan karno oo keliya haddii nin na caawiyo. Waan ku faraxsanahay inaan iraahdo wax walba waxaan ku gaaray dadaalkayga."
Inkasta oo ay ninkeeda u wacdantay ama ay la aqal gashay saaxiibkeeda, haddana waxay diidan tahay inay xiriirkooda si rasmi ah u muujiso.
"Ma soo dhigo xiriirkayga baraha bulshada kaliya sababtoo ah waan is guursannahay" ayay tiri.
Tawana waa mid ka mid ah haweenka tirada badan ee aan rabin inay sawirrada nimankooda ku soo bandhigaan baraha bulshada.
Bil ka hor, jariidadda Vogue ayaa akhristayaasheeda u daabacday maqaal ka hadlaya arrintan. Sheekada oo cinwaan looga dhigay "Miyaad ceeb u aragtaa inaad wiil-saaxiiba leedahay?" ayaa noqotay mawduuc laga hadal hayo TikTok iyo Instagram.
Qoraaga sheekadan, Chante Joseph, ayaa sheegtay in haweenka ragga la socda aysan jeclayn inay ka hadlaan xiriirkooda baraha bulshada.
Waxay jecel yihiin "faa'iidooyinka bulshada" ee wiil-saaxiib lahaanshuhu keeno, balse ma rabaan in lagu yiraahdo "wax kale kama fikiraan marka laga reebo lammaanahooda."
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Xigashada Sawirka, We found the savior.
Qoraagu wuxuu leeyahay in qof dumar ay sawirka saaxiibkeeda dhigto baraha bulshada haddi ay noqotay wax "ceeb ah" oo "anshax-daro" loo arko waa fikirka casriga ah.
"Wakhtigii lagu faani jiray in la helo saaxiib wiil ah wuu dhammaaday. haweenku ka fiican, sida hore loogu malayn jiray," ayey tiri.
Waxay fahamsan tahay in mid ka mid ah sababaha ay haweenku u diidaan inay sawirrada saaxiibadooda ku soo bandhigaan baraha bulshada ay tahay isku day ay ku "baacsanayaan oo ku jabinayaan nidaam loo arko dulmi oo ah in la xadiddo xoriyadda haweenka ."

Xigashada Sawirka, Stephanie Yeboah
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dumar badan ayaa sheegta in ay wanaagsan tahay in la yeesho saaxiib ay la haasaawaan ama nin ay xaas u noqdaan.
Stephanie Yabohe waxey saamayn ku leedahay baraha bulshada.Laakiin kama qoomamayn in ay mar sawir ninkeedu ku jiro ay soo dhigtay Instagram-ka.
"Dad badan ayaa in ay isoo raacaan iga joojiyay sababtoo ah waxay u maleeyeen in haddii aad lammaane leedahay , waxa aad sheegaysaa aanu mar dambe macno u sameynin. Kun qof ayaa hal maalin gudaheed-unfollow idhahay barteyda Instagram-ka," ayay tiri.
Waxay ogtahay in dadka ku xiran baraha bulshada aanu jeclayn in ay maqlaan sheeko ku saabsan saxaiibbada iy lamaanaha
"Badanaa waxa loo arkaa in nuxurka jacaylka uu yahay hal mar ama hal dhinac.
Sida ay sheegtay Dr. Gillian Brooks, oo arrimaha bulshada ku takhakhustay iyo saamaynta dadka caan-ka-ah ee King's College London, dadka saameynta leh waxay leeyihiin "Milicsi si ula kac ah loo habeeyey" oo muujinaya banii'aadannimada iyo qaabka ay isu iibiyaan.
"Way adagtahay in la sameeyo aqoonsi cusub oo ka duwan kii ay markii hore soo bandhigeen, sababtoo ah waxaa jira dad raaca muuqalkooda iyo dhadhankooda bannaanka ee ay ku bilaabeen," ayay cilmi-baaruhu tiri.

Xigashada Sawirka, Dr Gillian Brooks
Haddii aysan helin nooca macluumaadka ay ka filayaan dadka saamaynta ku leh, ma helaan taageerayaal.
Dadka saamaynta ku leh baraha bulshada ma rabaan in loo arko inay "nolol dhiirigelin leh" ku leeyihiin saaxiibbadood.
Marka laga reebo dadka saamaynta ku leh baraha bulshada, haween badan ayaa ka caga jiidaya inay xiriirkooda shaaciyaan.

Xigashada Sawirka, Dr Gillian Brooks
Millie waxay shan sano ka hor ayay guursatay ninkeeda. Millie, oo 25 jir ah, ma rabto inay sawirkiisa ku soo bandhigto baraha bulshada.
"Ma rabo in dadku ay u maleeyaan inaan isaga ku tiirsanahay."
"Marka sawirka ninkayga iyo in aan is jecelnahay aan ku soo bandigo baraha bulshada, waxaan dareemaa inaan wax kale oo aan ka fikiro aysan jiri doonin," ayay raacisay hadalkeeda.
Charlotte, oo 20 jir ah, waxay xiriir ku jirtay laba sano. Waxay leedahay sababo badan oo ay u diido in ay sawirka ninkeeda soo dhigto baraha bulshada.
"Xitaa ma hayno sawirro aan Instagram dhignno."
Atera*, oo 21 jir ah, waxay ku raacsan tahay Charlotte. Iyadoo rumeysan in soo bandhigsta sawirka ninkeeda "ay indhaha dadka u soo jeedin doonto."
"Ma rabo in dadku ay iga hinaasaan." Ayay tiri.
Dr. Gendolian Sidman, oo baratay cilmu-nafsiga ka tirsan Jaamacadda Michigan, ayaa sameeyey cilmi-baaris ku saabsan sida dadka iskula xiriiraan internetka, gaar ahaan kuwa is-jecel.
Waxa uu sheegay in dad badan ay diidaan inay macluumaadkooda gaarka ah ku soo bandhigaan baraha bulshada iyagoo ka cabsi qaba in xog kasta oo la geliyo ay halkaas weligeed ooli doonto.
"Dad badan ayaa maanta yareynaya macluumaadka ay baraha bulshada dhigaan. Waxay og yihiin in wixii la geliyo ay joogto noqonayaan."













