Barnaamijka haasaawaha: Maxay Iiraan u fududaynaysaa shukaansiga wiilasha iyo gabdhaha?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Iiraan ayaa shaaca ka qaadday barnaamij dhinaca internet-ka ah oo ay dhallinyarada ku haasaawi karaan.
Ujeeddada waxay tahay in dhallinyarada loo fududeeyo guurka, iyadoo waddankaas ay muddooyinkii ku bateen dadka is furaya. Sido kale waxaa hoos u dhacday tirada carruurta dhalanaysa.
App-ka ayaa lagu magacaabaa Hamdan (oo micnaheedu yahay wehel, marka laga soo fasiro luuqadda Persian). Waxaa soo saaray hay'ad ay dowladda u xil saartay.
Waxay sheegeen in loo adeegsaday qalab isku raadinaya dadka haasaawe doonka ah, "waxaana loo oggol yahay dadka iskaabulada ah ee raadiya guur waara oo keli ah" waxaana dhammaan dadka isticmaala loo oggol yahay hal xaas oo kaliya.
Barnaamijyada internet-ka ee lagu haasaawo ayaa ku badan dalka Iiraan, laakiin hadda wixii ka billowda waxaa sharci ka ahaan doona dalkaa barnaamijka ama APP-ka Hamdan oo kaliya.
Sharciga Iiraan ayaa sidoo kale dambi ka dhigaya gogol dhaafka ama xiriirka ka baxsan guurka.

Xigashada Sawirka, Tebyan Cultural Institute
Sida lagu sheegay bogga internet-ka ee barnaamijka Hamdan, dhammaan dadka isticmaalaya ayaa laga dalbanayaa in ay xaqiijiyaan jiritaankooda ayna maraan imtixaan dhinaca maskaxda ah ka hor inta aysan billaabin shukaansiga.
Marka uu qofku helo ruuxa uu shukaansanayo, app-ka ayaa "labada dhinac isbaraya iyadoo ay ka warqabaan la taliyeyaal ka socda barnaamijka", kuwaas oo lamaanaha "wehlin doona" ilaa afar sano arooskooda ka dib.
Madaxa Xarunta Dhaqanka ee Tebyan, oo soo saartay app-ka Hamdan, ayaa sheegay in barnaamijkan uu abuuri doono qoysas nadiif ah, xilli xaaladaha qoysaska ee waddankaas ay sii xumaanayaan, ayna ka faa'iideysanayaan "Sheydaan" iyo cadowga Iiraan.
Sida lagu muujiyay daraasad ay sameysay waaxda diiwaan galinta dadweynaha ee Iiraan, qiyaastii 307,000 oo guur iyo 99,600 oo furriin ayaa Iiraan ka dhacday intii u dhaxeysay bilihii March iyo December ee sannadkii 2020-kii.
Sannadkii 2008, hal furriin ayaa ka dhici jiray siddeeddii guurba.
Dhinaca kale, kororka shacabka Iiraan ee sannadlaha ah ayaa hoos u dhacay boqolkiiba 1.29%, sannadkii 2020-kii.
In ka badan kala bar ka mid ah shacabka reer Iiraan ayaa ah dad ay da'dooda ka hoosayso 35 sano. Laakiin dowladda ayaa ka digtay in haddii tallaabo la qaadi waayo ay 30 sano ka dib noqon doonaan mid ka mid ah waddamada ugu waayeelka badan caalamka.
Bishii March ee sannadkan, baarlamaanka Iiraan ayaa meel mariyay hindise sharciyeed dowladda waajib uga dhigaya inay dhaqaale ku taageerto lamaaneyaasha is guursanaya iyo kuwa haysta wax ka badan labo carruur ah.
Balse sharcigaas wali ma uusan ansixinin Golaha maamulka dowladda.
Sanandkii la soo dhaafayna, dowladda waxay billowday inay xakamayso heerka la gaarsiin karo qorshaha ubad kala korinta ee laga sameeyo isbitaallada dowladda.
Dawooyinka uurka kala fogeeya ayaa loo oggol yahay oo kaliya haweenka ay naftooda khatar galayso, haddii ay uur yeeshaan.











