Messi oo daaha ka qaadaya taallo loo dhisay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Lionel Messi? Cristiano Ronaldo? Pele? Diego Maradona?
Doodda ku saabsan ciyaaryahankii abid ugu fiicnaa kubadda cagta (GOAT) ayaa ah mid jiilal badan soo jiitamaysay – balse Hindiya ayaa codkeeda dhiibtay.
Ka dib markii uu ku hogaamiyey kooxda Inter Miami koobka MLS ee taariikhiga ah, Messi waxa uu u socdaa India oo uu ku qaadan doono booqasho saddex maalmood ah oo loogu magac daray 'GOAT Tour'.
Iyadoo ay weheliyaan saaxiibada ay isku kooxda yihiin ee Luis Suarez iyo Rodrigo de Paul, ayaa cayaartoygaas ku guulaystay abaal marinta Ballon d'Or siddeedda goor wuxuu maalinta sabtida ah soo bandhigi doona taallo loo dhisay oo ku taalla magaalada Kolkata.
Waxaa la isk soo ururinayey muddo 27 maalmood ah oo ay wadeen 45-shaqaale xoog leh waxayna taagan tahay meel dhererkeedu yahay 70ft.
Socdaalku wuxuu ka bilaabmayaa Kolkata 10:30 subaxnimo wakhtiga maxalliga ah (05:00 GMT) Sabtida, ka hor inta aanad aadin Hyderabad, Mumbai iyo Delhi.
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taalladan ayaa ah qayb ka mid ah maamuuska ay India u hayso weeraryahankii hore ee Barcelona iyo Paris St-Germain.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taageerayaashu waxay booqan karaan aagga taageeridda ee 'Hola Messi' halkaas oo uu ku yaal wax loo ekeysiiyey Messi oo fadhiya meel sare, hool lagu qurxiyey qaar ka mid ah koobabkiisa iyo madadaalada gurigiisa Miami oo dhammaystiran oo ay ku rdhan yihiin dharka ciyaartoyga iyo qoyskiisa oo fadhiya balakoon.
"Isaga (Lionel Messi) wuu la yaabi lahaa haddii uu arko qabanqaabada loo sameeyay" taageeraha Messi ee Shiladitya Banerjee ayaa sidaas yiri.
"Wuu la yaabi lahaa haddii uu arko sida looga dambeeyo Kolkata iyo Hindiya oo dhan, waan ilmaynayaa laakiin kuwani waa ilmo farxad leh".
Messi oo dhaliyay 787 gool 963 kulan oo uu u saftay heer kooxeed ayaa sanadkii 2016 lagu sharfay taallo maar ah oo ku taal magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina.
Guddoomiyaha kooxda Barcelona Joan Laporta ayaa dhawaan sheegay in ay "ka shaqaynayaan" taalo laga taago garoonka Camp Nou.
Sannadkii 2014-kii, Ronaldo oo ay muddo dheer xafiiltamayeen ayaa soo bandhigay taallo ku taalla madxafkiisa gaarka ah oo ku yaalla Funchal ee jasiiradda Madeira.













