Haasaawaha: Maxay gabdhaha Kenya u raadsadaan macallimiin bara shukaansiga?

Waxbarashada dhanka haasaawaha way sii kordheysaa sanad kasta, waxaana sabab u ah in ay bateen dumarka raadinaya in ay helaan rag ay nolosha la wadaagaan.
Macallimiinta dumarka bara shukaansiga waxay inta badan ballan qaadaan in macaamiishooda ay heli doonaan niman, iyadoo aysan jirin cid dammaanad qaad u sameyn karta arrintaas - balse mararka qaar waxay u muuqataa inay ku guuleystaan farxad siinta iskaabulada.
"Waxaan rabaa inaan idiin sheego qaar ka mid ah khaladaadka aad sameysaan," ayuu yiri Robert Burale oo taagan masraxa, iyadoo uu dhawaaqayo muusig uu halkaas ka garaacayo DJ.
"Diyaar ma u tihiin arrintaas?" ayuu weydiinayaa dadka ku sugan hoolka.
Waxaa durbadiiba la maqlayaa hadallo hoose oo u muuqday in ay yihiin kuwo la isku ceebsanayo.
"DIYAAR MA U TIHIIN ARRINTAN?"
"HAA!"
Kaddib ayuu Robert, oo socsoconayay intii uu khudbaddiisa wadayoo dhan, mar qura u aamusay si lama filaan ah, makarafoonkii ayuu ku qabsaday hal gacan, gacantii kalena wuxuu ku taagay dadkii hortiisa dhoobnaa.
"Gabdhihiinna waxaad khalad ku sameysaan inaad ninka siisaan mudnaan la mid ah midda la siiyo nin xaas loo yahay isagoo wali idiin ah saaxiib oo kaliya, heerkaasna aan gaarin," ayuu yiri isagoo qeylinaya.

"Raggu waa ugaarato! Mar haddii uu libaax dhuunta kaa qabto, adigana aad dhiig bax u dhimato - wuxuu islamarkiiba raadsanayaa ugaar kale."
"Marka fadlan. Haddii uusan ku guursanin iska illow."
Dumarkii ayaa iyagoo madaxa ruxaya u sacbiyay.
Robert Burale waa macallin dadka bara arrimaha jacaylka iyo haasaawaha, munaasabaddanna - oo lagu magacaabay Haweeney qaali ah - waxaa looga golleeyahay in wax loogu sheego dumarka iskaabulada ah ee rajeynaya inay reer yeeshaan, waxaana lagu baraa sida ay ku heli karaan nin ay xaas u noqdaan.
Dhowr maalmood ka hor waxaan isku aragnay bannaanka hore ee xafiiskiisa ku yaalla magaalada Nairobi, Kenya. Waxay ahayd xilli kulul, wuxuuna xirnaa suud, shaati iyo garabaati iyo fasaleeti u eg garabaatigiisa, balse wuxuu sharraxay in aadan ogaan karin meesha ay maalintaada ku dhammaaneyso iyo cidda aad la kulmeyso. Mar walbana labiska ugu quruxda badan uu yahay suudka.

Xafiiskiisa gudihiisa, muuqaallo uu ku duubay cashirrada haasaawaha ayaa ka daarnaa shaashado dhowr ah, wuuna nagu dhex wareejiyay si aan u aragno.
In ka badan toban qof ayaa wax ku qorayay kumbuyuutarrada, haweeney da' yar oo qaybta soo dhaweynta fadhisana waxay sheegtay in daawashada muuqaalladiisa ay nafteeda ku badbaadday.
Robert wuxuu sheegay inuu hayo sirta ku saabsan sida loo helo jacayl waara - inkastoo isaga qudhiisa noloshiisu aysan mar walba soo wanaagsaneyn.
"Anigoo aan waxba qarineynin, guurkeyga ayaa u burburay si shaac baxsan," ayuu yiri. "Balse taas waxay ka dhigan tahay inaan dumarka si buuxda ugala talin karo sida loo yeesho xiriir guuleysta. Waan aqaannaa meesha ay dadku ka khaldamaan."
Sida ay sheegtay hay'adda caalamiga ah ee tababarka - oo ah urur ka jira adduunka oo dhan - ganacsiga la xiriira tababaridda shakhsiyaadka ayaa labojibbaar noqday tan iyo sannadkii 2015-kii, arrintaasoo uu sare u qaaday isticmaalka Online-ka.
Inkastoo tirada aysan isku wada mid ahayn, barnaamijkan ayaa ka socday dalal badan, laga soo billaabo Mareykanka ilaa Kenya.
Cashirrada ku saabsan haasaawaha ee fool ka foolka ah waxaa bil kasta ku baxa 8,000 oo doolar, sida uu sheegay Jon Birger oo ah khabiir ku xeel dheer dhaqaalaha lagu bixiyo shukaansiga.
Hase yeeshee hay'adda caalamiga ah ee tababarka shakhsiyaadka ayaa shegetay in koorsooyinka noocan ah ay sanad walba ku baxdo lacag dhan $13 bilyan oo doolar.

Maalintii ka horreysay munaasabadda lagu magacaabay Haweeneyda qaaliga ah Marry waxay aragtay dariskeeda oo cunug yar u qabeynaya, shanqartoodana lagu wada baraarugyo. Way eegtay wayna u dhoolla caddeysay, sababtoo ah waxay iyaduba jeclaan lahayd inay heysato cunug yar.
Mary waa 35 jir mana la guursanin wali, inkastoo waddanka ay ku nooshahay da'da gabdhaha magaalooyinka badankood lagu guursado celcelis ahaan ay tahay 21 sano. 19 jir ayaa lagu guursadaa inta badan gabdhaha miyiga, sida laga soo xigtay warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka.
Saddex ka mid ah gabdhaha walaalaheed ah ee ka yar yar ayaa horay loo guursaday.

"Cadaadiska ugu badan wuxuu kaaga imaanayaa qoyskaaga, waalidiintaada, awoowe iyo ayeeyo, adeeryaal iyo abtiyaal, eeddooyin iyo habaryaro," ayay tiri.
Si joogto ah ayay mar walba u weydiiyaan sababta ay wali u tahay iskaabulo.
"Waxaan rabaa inaan ogaado meesha aan khaladka ka sameeyo," ayay tiri Mary.
Balse haddii ay iskaabulo tahay ma waxay ka dhigan tahay inay wax khaldan sameyneyso, ayaan weydiinnay. Miyeysan jiri karin waxyaabo kale? Ama soo ma noqon karto in qofka saxda ah helitaankiisa uu yahay nasiib?
"Ma garanayo. Dad badan ayaa ii sheega inaan ahay qof dookhiisu adag yahay. Ma ogi inaan dookh adagahay iyo in kale. Ma garanayo," ayay tiri.
Mary waxa ay ka shaqeysaa xarun telefoonnada laga wacdo, fasalka uu koorsada ku bixiyo Robert Burale-na lacagtiisu waa $50 doolar oo u dhiganta mushaarka ay hal isbuuc qaadato.
Ma hubto in koorsadaas ay wax u qaban doonto iyo in kale - ma garaneyso in lacagta ay bixisay ay ku heli doonto nin guursada - balse way isku dayeysaa si kastoo ay ahaataba.
"Way u qalantaa in la tijaabiyo, ayaan dhihi lahaa," ayay raacisay hadalkeeda.

Gabadhan waxay sheegtay in hadda ka hor uu luggooyay nin ay u maleyneysay inuu guursan rabo. Iyadoo filaya in xaaladdu ay meel fiican mareyso ayay ku aragtay isbaddal lama filaan ah.
"Markii aan wacay si aan u weydiiyo waxa jira, wuxuu igu yiri, 'dhageyso? qaabka nolosheyda wuu is baddalay. Heerkii aan taagnaana wuu isbaddalay."

Halkaas marka ay sheegakada marsiineyso mar way aamustay.
Robert ayaa hadalka qabsaday oo ku yiri: "Wuu ku quursaday sooma aha?"
"Aad ayuu ii liiday, meel aad iyo aad u hooseysa ayuu i geeyay," ayay ku jawaabtay Mary. "Ninkaas wuxuu hoos u dhigay kalsoonida nafteyda," ayay sii raacisay hadalkeeda.
Mary markii ay soo dhameysatay cashirka waxay sheegtay in ay kasoo heshay koorsada lasoo siiyay.
Waxaan weydiinnay fikirkeeda ku saabsan talada la siiyay loogu sheegay in aysan isku dhiibin ninka ay shukaansaneyso ilaa ay ka ogaato inuu yahay nin guurka uu dhab ka yahay.
"Waxay ila tahay, qaybtaas waxay u muuqatay wax laga tagay mar hore. Ma qaadanayo taladaas," ayay tiri.

Mary waxay xiran tahay funaanad ay xabadka uga qoran tahay oraan dhaheysa "ha cabsanin".
Waxay tiri: "Jacaylku kuma sugi karo."
"Waxa ugu fiican ee aan ka qaatay cashirkii koorsada waa in aan mar walba isku dayo inaan faraxsanaado. Nafteydana aan farxad galiyo, diiraddana aan saaro sidii aan isu qancin lahaa si buuxda!
"Wali waqti ayaan heystaa. Waqti fiican ayaa ii harsan. Wali waan yarahay. Haa!"
Shan bilood kaddib, Mary wali waa iskaabulo, balse wax inay isbaddaleen ayay u muuqataa - waa iskaabulo balse way faraxsan tahay.













