Maxay tahay cabsida soo wajahday reer Venezuela ee ay guryaha uga bixi la'yihiin?

Xigashada Sawirka, X
Kadib markii uu dhacay weerarkii lagu qabtay madaxweynIhii Venezuela iyo xaaskiisa, xaalka dalkaasi waxa uu ahaa mid aan xasilloonayn, iyada ciidamada ammaanka ay isku dayayaan inay dejiyaan xaaladda. Inkasta oo maalinadaas ay dad u dabaal degaya falka dhacay ay iskugu soo baxayn fagaareyaasha waaweyn ee caasimadda.
Delcy Rodríguez ayaa loo dhaariyay madaxweyne ku meel gaarka ah ee Venezuela, hase yeeshee xaaladda ammaanku wali waa mid aan caddayn kadib markii caasimadda laga maqlay rasaas ka dhacday meel u dhow qasriga madaxtooyada, taas oo shacabka ku abuurtay walaac hor leh.
Waxaan xaqiijinay muuqaal mid ka mid ah muuqaallada oo laga duubay meel u dhow Guriga Miraflores, balse ma cadda waxa ay tahay rasaastu, waxaan helnay muuqaal kale oo laga duubay meel qasriga u jirta ku dhawaad 650 mitir, halkaas oo laga maqlayo qof af Isbaanish ku weydiinaya, "Maxaa dhacay?" uuna u jawaabayo nin u muuqda inuu yahay sarkaal amni oo dhahaya"Daroon, daroon."
Tani waxay tilmaamaysaa in rasaasta laga yaabo inay ka dhalatay kadib markii la arkay diyaarado Daroon ah, inkastoo aanu si madaxbannaan u xaqiijin karin in taas ay ahayd sababta dhabta ah.
Walaaca Shacabka
Dhanka shacabka, magaalooyinka qaar waxaa hakad ku jira isku socodka dadka sida BBC-da u sheegtay Victoria oo ku nool bartamaha-galbeed ee Venezuela, tan iyo Sabtidii gurigeeda ma aysan bixin, inkast oo xaaladdii degdegga ahayd uu dalka ka baxay.
Dadku waxa ay aaminsan yihiin in daqiiqad kasta ay wax dhici karaan, Victoria waxay tiri waddooyinka waa faaruq oo waa ay maran yihiin, dukaannaduna badankoodu waa ay xiran yihiin sababo la xiriira hubanti la'aanta xaaladda.
Qofna ma rabo inuu halis geliyo naftiisa ama inuu la kulmo boolis hubaysan, sidaa awgeed guryahooda ayey ku sugan yihiin.
Sida la soo sheegayo waddooyinka caasimadda waxaa taagan booliis, kuwaas dadka baaraya, iyaga oo qofka ka hubinaya inuu xiriir la leeyahay dadkii ka qeyb-qaatay wareerkii dhacay, "Laakiin waxaa ka cabsi badan, kooxaha rayidka ah ee hubaysan ee dadka joojinaya oo taleefannadooda baaraya, si ay u arkaan haddii ay telefoonkaaga ku jiraan waxyaabo la xiriira xaaladda, haddii wax kugu helaan, waxay ku geyaan xabsiga," ayey tiri Victoria.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa sidoo kale BBC-du la hadashay dad kale oo ku sugan qeybo kamid ah Venezuela, kuwaas oo ay saameesay xannibaadda ay dadku isa saareen iyo baqdinta ay qabaan. Pedro waxa uu joogaa magaalada xeebta galbeed ee Maracaibo, isaga waxa u suuragshay inuu banaanka u baxo oo uu soo iibsado rooti, balse waxaa uu sheegay saameyntu kaliya aysan ahayn ammaanka ee xitaa qiimaha maciishadda ay sare u kacday ku dhawaad 30%, taas oo aan hore u dhicin. "Ma ahayn wax caadi ah oo wax lagu iibsanayo," ayuu BBC u sheegay. "Bilowgii dadka way faraxsanaayeen, balse hadda dadka waa ka baqayaan waxa dhici kara, mana jiro qof ka hadlaya wixii dhacay."
Booliiska iyo ilaalada taagan meel kasta waxa ay dadka ka dhigtay kuwo aan ka hadlin waxa socda. "Waan dhoola caddaynaa, waad ogtahay; taasi waa wax kaliya oo aan qaban karno," ayuu yiri Wilmer oo kamid ah dadkii ay BBC-da la hadashay.
Angela oo ay BBC-du wareysatay tiri "dadka joogay suuqa aan booqday waa ay aamusnaayeen, sababtoo ah qof kasta waxaa uu ka baqayaa inuu ka hadlo wixii dhacay, iyo ciidanka banaanka taagan."
Maalintii la watay Madaxweynaha dadku waxa ay u arkeen in meesha ay ka baxday dowladdi ay u arkayeen in ay dhibaato ku ahayd. "aad bay ugu faraxayn in sadexdii Janaayo uu ahaa bilowgii dhammaadka xukunkaan," ayay ku dartay, "laakiin wali waxaa jira tiro badan oo shaqsiyaad dowladeed ah oo xilka haya, qofkastana waxa u ku jirta cabsi, iyo baqdin, waxa uuna dareemayaa cadaadis".













