Maxaad kala socotaa muranka ka dhashay Madaxweynaha Afrikaanka ah ee aaskiisa laysku haysto

Xigashada Sawirka, Zambia State House
Waxyaabaha shaqsiga ah waxay ka noqdeen Zambiya kuwo aad u siyaasadaysan.
Maxkamad ku taalla Koonfur Afrika ayaa joojisay qorshihii lagu doonayay in lagu aaso Madaxweynihii hore ee Zambiya Edgar Lungu munaasabad gaar ah oo aaskiisa ku saabsanayd ayaa ahayd in ay in bilaabato.
Warkan ayaa loo sheegay dadka tacsida kaga gayb galayay kaniisad ku taalla Koonfur Afrika kadib markii qorshaha aaska horeyba loo diyaariyay.
Tani waa isku dhicii ugu dambeeyay ee ka dhashay muran u dhexeeya dowladda iyo qoyska Lungu ee ku saabsan sida loo aasi doono, ka dib markii qoyska uu doortay in la sameeyo xaflad gaar ah, meel ku taal Koonfur Afrika, halkii loo qaban lahaa aaska qaran ee dalkiisa.
Dowladda Zambiya ayaa dacwad degdeg ah ka gudbisay Maxkamadda Sare ee Pretoria, iyada oo doonaysay in lagu joojiyo qorshaha aaska ee uu qoyska Lungu diyaariyey.
Maxkamaddu waxay sheegtay in aaska aanu horey u dhici doonin "heshiis dhexmaray dhinacyada," balse waxay u muuqataa in aaska uusan dhici doonin ilaa iyo bisha Agoosto.
Muranku wuxuu ka dhashay khilaaf muddo dheer u dhexeeyay Lungu iyo Madaxweyne Hakainde Hichilema, iyadoo qoyska Lungu ay sheegayaan in uu muujiyay in Hichilema uusan ka qaybgelin aaskiisa.

Xigashada Sawirka, PF
Ka dib geeridii Lungu ee Koonfur Afrika isagoo 68 jir ah, qoyska ayaa rabay inay mas'uul ka noqdaan diyaarinta aaska, oo ay ku jirto soo celinta maydkiisa, laakiin dowladda Zambiya ayaa isku dayday inay xakameyso arrintan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dowladda iyo qoyska Lungu waxay markaas ku heshiiyeen inuu qoysku qaato maamuuska aaska dowladeed ka hor inta aysan xiriiradoodu jabin, taasoo keentay in qoyska uu doorto lagu aaso Koonfur Afrika.
Madaxweynaha Hichilema ayaa tan iyo markii hore ku dooday in Lungu, isagoo ah madaxweynihii hore, "uu ka tirsan yahay qaranka Zambiya," isla markaana waa in lagu aaso dalka.
Maxkamadda Pretoria ayaa u dirtay xeer-ilaaliyaha guud ee Zambiya, Mulilo D Kabesha, ilaa 4-ta Luulyo si uu u soo gudbiyo "ogaysiiskii la bedelay ee codsiga" taageeradana u ah soo celinta meydka Lungu ee Zambiya.
Qoyskiisa waxay haystaan ilaa 11-ka Luulyo si ay u soo gudbiyaan waraaqahooda ka soo horjeeda arrintaan.
"Arrintan waxaa lagu dhageysan doonaa codsi khaas ah 4-ta Agoosto 2025," ayay maxkamaddu sheegtay.
Codsiga degdegga ah ayaa markaas la go'aamin doonaa.
Dowladda Zambiya ayaa ku doodeysa in rabitaanka shaqsiga aan la tixgelin karin marka loo eego danta guud ee weyn, iyagoo tusaale u soo qaatay kiiskii Madaxweynihii aasaasaha ee Kenneth Kaunda ahaa ee dalka Zambiya laga soo bilaabo 1964-tii illaa 1991-dii.
Sanadkii 2021, qoyska Kaunda ayaa sheegay inuu doonayay in lagu aaso meel u dhow xaaskiisa, halkii lagu aasi lahaa goobtii ay dowladda u qoondeysay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa go'aansatay inay Kaunda lagu aaso Beerta Xusuusta ee Safaaradda ee Lusaka.
Khilaafka hadda ka dhashay aaska Lungu ayaa muujinaya xidhiidhka adag ee ka dhexeeyay isaga iyo dhigiisa madaxweynaha haddeer ee Zambiya, oo si toos ah uga muuqday noloshiisa, isla markaana taasi sii socoto xitaa geeridiisa.
Markii Lungu uu ahaa madaxweynaha, Hichilema waxa uu xidhnaa in ka badan 100 maalmood iyada oo lagu soo oogay eedo khiyaano qaran ah ka dib markii kolonyo baabuur ah oo Hichilema leeyahay ay diideen jidka in ay u furaan baabuurta madaxweynahii hore Lungu oo haddeer aaskiisa laysku haysto.
Dabayaaqadii sanadkaas, Hichilema ayaa u sheegay BBC-da in lagu xukumay go'doomin kaligii ah muddo siddeed maalmood ah iyadoo xaaladuhu ahaayeen kuwo bini'aadantinimada ka baxsan oo aan lahayn "koronto, biyo, iyo musqul." Waxa uu si toos ah u eedeeyay Lungu inuu mas'uul ka ahaa xabsigiisa.
Hichilema ayaa ugu dambeyntii noqday madaxweyne isku daygiisii lixaad ka dib markii uu si fiican uga guuleystay Lungu codbixintii dhacday 2021.
Waxay ahayd tartankoodii saddexaad ee doorashada laakiin cadaawadu waxay dhaaftay xafiiltanka sanduuqa codbixinta.
Wax yar ka dib ku dhawaaqistaas, Lungu waxa laga xayuubiyay faa'iidooyinka hawlgabka iyo mudnaanta dawladu maadaama uu ku soo noqday siyaasad firfircoon. Go'aankani wuxuu ka xanaajiqay madaxweynihii hore iyo qoyskiisa.

Xigashada Sawirka, EPA / AFP
Egdgar Lungu ayay Sanadkii 2023, booliisku uga digteen inuu ku rucleeyo meelaha dadweynaha, iyagoo ku tilmaamay jimicsigiisa toddobaadlaha ah "fal-gal siyaasadeed."
"La iima oggola inaan ka baxo gurigayga" ayuu Lungu u sheegay BBC-da bishii May 2024.
Waraysigii uu bixiyay, wuxuu sidoo kale sheegay in laga hor istaagay inuu ka qayb-galo shir dibadda ah iyo in loo diiday inuu safar u baxo si uu u helo daaweyn caafimaad.












