Waa kuma Mamdani, muslimka loo filayo in uu maayar ka noqdo New York?

Xigashada Sawirka, Reuters
Zohran Mamdani, oo ah 33 jir ku dhashay Uganda balse ku barbaaray New York, ayaa guul taariikhi ah ka gaadhay doorashada hordhaca ah ee xisbiga Dimoqraadiga, isagoo u muuqda inuu noqdo musharraxa rasmiga ah ee duqa magaalada New York. Haddii uu ku guuleysto doorashada guud, wuxuu noqonayaa Muslimkii iyo South Asian-kii ugu horreeyay ee hogaamiya magaalada ugu weyn Mareykanka.
Guul Taariikhi ah oo ka Dhalatay Taageero Dadweyne
Mamdani ayaa helay 43% codadka, isagoo ka hor maray guddoomiyihii hore ee gobolka, Andrew Cuomo, oo helay 36%. Inkastoo codadka kama dambaysta ah ee nidaamka "ranked-choice" aan la dhammeystirin, haddana hoggaankiisa ayaa loo arkaa mid aan sahal lagu heli karin. Guushiisa waxaa kor u qaaday taageero ballaadhan oo uga timi dadweynaha, gaar ahaan dhalinyarada iyo bulshada dhaqaalaha hoose.
"Caawa waxaan dhignay taariikh," ayuu yirdh Mamdani. "Waxaan noqonayaa musharraxa Dimoqraadiga ee duqa New York."
Noloshiisii hore – isku dhafnaan
Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, Uganda, balse wuxuu u soo guuray Mareykanka isagoo toddobo jir ah. Wuxuu bartay ka bartay cilmiga Africana Studies, jaamacadda Bowdoin College, wuxuuna ka tirsanaa ururka ardayda ee u dooda xuquuqda Falastiiniyiinta. Ka hor intii uusan siyaasadda gelin, wuxuu ka shaqeyn jiray arrimaha latalinta ee guryaha, isagoo gacan ka siin jiray dadka dakhligoodu hooseeyo inay guryahooda ilaashadaan.
Hooyadiis waa Mira Nair, oo ah filim sameeye caan ah, aabbihiisna waa Prof. Mahmood Mamdani oo wax ka dhiga Jaamacadda Columbia. Labada waalidba waxay wax ku soo barteen Harvard.
Mamdani wuxuu u adeegsaday ololihiisa luqado kala duwan, sida Urdu, Spanish iyo English, si uu ula xidhiidho bulshooyinka kala duwan ee magaalada. Wuxuu kaloo si muuqata uga dhigay Muslimnimadiisa qeyb ka mid ah ololaha, isagoo booqday masaajiddo, sida oo kalena dirayey fariimo ku saabsan nolosha adag ee dadka Muslimiinta ah.
Himiladiisa: Nolol la awoodi karo iyo Caddaalad Bulsho
Mamdani wuxuu xoogga saaray dagaalka uu kula jiro sicir-bararka iyo kirada sareysa. Qorshayaashiisa waxaa ka mid ah:
Bixinta adeeg bas oo bilaash ah
- Xakameynta kirada iyo la xisaabtanka mulkiilayaasha guryaha
- Furista dukaamo raashin oo dowladdu leedahay si qiimo jaban loogu helo cunto
- Daryeel ilmaha ah oo bilaash ah laga bilaabo 6 toddobaad ilaa 5 sano
- Saddex-laabidda dhismaha guryo la awoodi karo oo ay dhisaan ururrada shaqaalaha
Wuxuu sameeyay tallaabooyin muuqda oo fariin gudbinaya: wuxuu u dabaashay badda si uu u muujiyo baahida in kirada la yareeyo, wuxuuna afur iyo cunto qaybin ku qabtay tareen si uu u muujiyo gaajada ka jirta magaalada. Wuxuu sidoo kale lugeeyay Manhattan oo dhan maalmo ka hor doorashada, isagoo isla sawirayey dadweynaha.
Dhaleecaynta iyo Walaaca La Xiriira Khibrad La'aanta
Cuomo iyo taageerayaashiisa ayaa Mamdani ku tilmaamay qof waayo-aragnimo la'aan ah, oo aan ku habboonayn maamulidda magaalo leh miisaaniyad $115 bilyan ah iyo in ka badan 300,000 oo shaqaale dowladeed. "Tani ma ahan shaqo qofku barto marka la guddoonsiiyo," ayuu yidhi Cuomo.
Wuxuu sidoo kale Mamdani ku eedeeyay inuu yahay bidix u janjeedha aragtiyo ka badbadin ah.
Wargeyska New York Times ayaa dhaleeceeyay dhammaan musharrixiinta, isagoo Mamdani ku tilmaamay "mid qorshihiisu aan la jaanqaadi karin dhibaatooyinka magaalada" iyo in xakamaynta kirada ay yareyn karto guryaha cusub ee suuqa soo gala iyo in kale.
Israel iyo aragtidiisa
Mamdani wuxuu si adag u dhaleeceeyay Israa'iil, isagoo taageeray Falastiiniyiinta kuna eedeeyay Israa'iil inay geysaneyso xasuuq iyo inay tahay dawlad ku dhisan cunsuriyad. Wuxuu soo jeediyay in laga joojiyo canshuur dhaafka hay'adaha taageera deegaannada sharci-darrada ah ee Israa'iil. Waxaa sidoo kale uu sheegay inuusan taageersanayn dal kasta oo muwaadiniintiisa lagu kala sarreeyo diin darteed, inkastoo uu aqoonsan yahay jiritaanka Israa'iil dowlad ah.
Dhanka kale, Cuomo wuxuu ku tilmaamay naftiisa "taageere buuxa oo Israa'iil ah."
Mamdani wuxuu sheegay in uu la kulmay hanjabaado la xidhiidha islaamnimadiisa ah maalin kasta, iyadoo boolisku sheegeen in baadhitaan lagu wado dambiyada naceybka ah ee socda. Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in haddii la doorto uu kordhin doono dhaqaalaha lagula dagaalamayo dambiyada naceybka.













