Halkee ayuu ku danbayn karaa xidhiidhka Iran iyo waddammada Khaliijka?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Weerarkii gantaalka ee Iran ku qaaday saldhigga ciidamada Maraykanka ee Al-Udeid ee Qatar ayaa si weyn u adkeeyay xiriirka horeyba u murugsanaa ee u dhexeeya Iran iyo wadamada Khaliijka Carabta. Iran ayaa sheegtay in weerarkaasi lagu beegsaday ciidamada Maraykanka, inkastoo Maraykanku uu sheegay inuusan jirin khasaare.

Dowladaha Khaliijka – oo ay ka mid yihiin Qatar, Imaaraadka, iyo Sacuudiga – ayaa si rasmi ah u cambaareeyay weerarka. Tani waxay timid wax ka yar laba toddobaad kadib markii isla dalalkaasi ay si wadajir ah u cambaareeyeen weerarkii Israa'iil ku qaaday Iran 13-kii Juun.

Xidhiidhka Iran iyo wadamada Khaliijka Carabta wuxuu ahaa mid mar walba isbeddelaya tan iyo Kacaankii Islaamiga ahaa ee Iran 1979. Inkastoo marar badan la isku dayay in la dejiyo xiisadda, haddana shaki iyo kalsooni darro xooggan ayaa hadheeyay xidhiidhkaas. Qodobada ugu waaweyn ee kala fogeeyay dhinacyada waxaa ka mid ah: faragelinta arrimaha gudaha, barnaamijka nukliyeerka Iran, muranka jasiiradaha (Abu Musa, Tanb), iyo loollanka awoodda gobolka.

Qodobbada Muhiimka ah ee Taariikhiga ah ee saameyeey Xidhiidhka Iran iyo Khaliijka

  • 1980–1988: Dagaalkii Iran-Iraq

Markii uu billowday dagaalkii Iran iyo Ciraaq, inta badan dalalka Khaliijka – gaar ahaan Sacuudiga, Kuwait iyo Imaaraadka – waxay siiyeen Ciraaq taageero dhaqaale iyo siyaasadeed si ay u xakameeyaan Iran oo doonaysay inay fidiso kacdoonkeeda Islaamiga ah. Iran waxay jawaab ahaan u bartilmaameedsatay maraakiibta shidaalka, halka Sacuudigu uu 1984 soo riday labo diyaaradood oo Iranian ah.

  • 1987: Dhacdadii Xajka ee Maka

In ka badan 400 qof – inta badan Iran u dhashay – ayaa ku dhintay iska horimaad ka dhacay Maka intii lagu jiray Xajka, taasoo horseeday in Iran iyo Sacuudiga ay joojiyaan xidhiidhkooda diblomaasiyadeed ilaa 1991.

  • 1988–1997: Waqtigii Rajo Yar oo is fahan ay curatay

Iran waxay hoos u dhigtay hadal-heynta kacdoonka, waxayna la timid siyaasad cusub oo ku saleysan iskaashi iyo horumar dhaqaale. Dowladdii Madaxweyne Rafsanjani ayaa xidhiidh wanaagsan la sameysay Qatar iyo Cummaan. 1991, xidhiidh diblomaasiyadeed ayaa la soo celiyay Iran iyo Sacuudiga.

  • 1997–2005: Xilligii Khatami iyo Furfurnaanta

Madaxweyne Khatami wuxuu keenay "Doodda Dhaqamada," isagoo booqday Sacuudiga 1999 – taasoo ahayd booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Iranian ah uu ku tago Sacuudiga tan iyo kacaankii. Qatar-na waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee Khaliijka ah ee hoggaankiisu booqdo Tehran kadib 1979.

  • 2005–2013: Ahmadinejad iyo Kororka Xiisadda

Madaxweyne Ahmadinejad wuxuu si cad u taageeray kooxaha xulafada la ah Iran sida Xisbullah iyo Xuutiyiinta, wuxuuna ka cadhaysiiyay dalalka Khaliijka. Wuxuu sidoo kale sheegay in Bahrain ay tahay gobol Iranian ah, taasoo dhalisay cadho rasmi ah oo dhinacyada kale ka gadoodeen

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

2011: Guga Carabta iyo Qaybsanaanta Firqadeed

Iran waxay taageertay kacdoonnada Shiicada ee Bahrain iyo Yemen, halka Sacuudiga iyo Imaaraadka ay difaaceen dowladaha Sunniga ah. Tani waxay horseeday in Sacuudiga uu 2015 billaabo duullaanka Yemen si uu uga hortago saameynta Iran.

  • 2015: Heshiiskii Nukliyeerka iyo Cabsida Khaliijka

Inkasta oo heshiiska nukliyeerka Iran uu yareeyay walaaca Reer Galbeedka, waddamada Khaliijka ayaa ka baqay in ka noqoshada cunaqabataynta ay Iran u oggolaan doonto inay maalgaliso xulafadeeda gobolka. Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay muujiyeen dareen ah in heshiisku uu indhaha ka laabay doorkii khatarta ahaa ee Iran ka ciyaartay gobolka.

  • 2016: Dilkii Sheekh Nimr iyo Xidhiidhkii Burburay

Sacuudigu wuxuu dilay Sheekh Nimr, oo ahaa wadaad Shiico ah, taasoo dhalisay weerar lagu qaaday safaaradda Sacuudiga ee Tehran. Tani waxay keentay in xidhiidhka Iran iyo Sacuudiga si buuxda u burburo. Dalal kale sida Bahrain, Imaaraadka, Qatar, iyo Kuwait waxay kala noqdeen safiirradoodii.

  • 2019: Weerarkii Aramco

Saldhigyada shidaalka ee shirkadda Aramco ee Sacuudiga ayaa la weeraray, waxaana weerarkaasi lagu eedeeyay Iran, inkastoo ay beenisay. Weerarkaas wuxuu si ku-meel-gaar ah u joojiyay kala bar wax-soo-saarkii shidaalka Sacuudiga, wuxuuna muujiyay heerka khatarta ah ee xaalkoodu marayo.

  • 2021–2023: Is-arag Midnimo iyo Dhex-dhexaadinta Shiinaha

Iran waxay billowday in dib loo dhiso kalsoonida gobolka, iyadoo ay Qatar iyo Cumaan dhex-dhexaadinayeen. Wadahadalladii Baghdad ee u dhexeeyay Iran iyo Sacuudiga ayaa dhammaaday 2022. March 2023, Iran iyo Sacuudiga waxay heshiis ku gaadheen in xidhiidhkooda dib loo soo celiyo – heshiis uu Shiinuhu dhex-dhexaadiyay.

Heshiiskan wuxuu calaamad u noqday isbeddel weyn oo lagu yareynayo xiisadaha gobolka, waxaana xigay booqashooyin iyo heshiisyo dhaqaale oo labada dal ay kala saxiixdeen. Si kastaba, weerarkii ugu dambeeyay ee Iran ku qaaday saldhigga Maraykanka ee Qatar wuxuu markale muujinayaa sida ay xaaladda gobolka Khaliijka ugu sii jiro kacsanaan joogto ah.

  • 2024–Hadda: Isdhexgal Tartiib ah oo Sii Socda iyo Cambaaraynta Weerarada Israa'iil

Tan iyo markii uu xukunka la wareegay bisha Luulyo 2024, Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, wuxuu dadaal ugu jiraa inuu xoojiyo iskaashiga Iran iyo dalalka Khaliijka Carabta, isla markaana uu yareeyo xiisadaha gobolka. Dhanka kale, wadamada Khaliijka ayaa isbedel ku sameeyay istaraatiijiyadooda, iyagoo ka guuray tartankii awoodda siyaasadeed una wareegay dhinaca iskaashiga dhaqaale.

Isdhexgalkaan tartiib-tartiibka ah wuxuu muujinayaa isbeddel istaraatiiji ah oo ka dhacay gobolka, taasoo ka dhalatay cadaadisyadii dhaqaale ee ka dhashay cudurkii COVID-19, dagaalka Yemen, iyo baahida loo qabo xasillooni gobolka ka hanaqaada.

Si kastaba ha ahaatee, arrimo weli taagan sida muranka jasiiradaha seddexda ah, barnaamijka nukliyeerka Iran, iyo taageerada joogtada ah ee Tehran siiso Xuutiyiinta Yemen iyo kooxaha hubeysan ee Ciraaq iyo Lubnaan, waxay sabab u yihiin in dalalka Khaliijka ay si taxaddar leh u wajahaan xidhiidhka Iran.

Iyadoo ay taasi jirto, wadamada Khaliijka si degdeg ah ayay u cambaareeyeen weeraradii cirka ee Israa'iil ku qaaday goobaha milatari iyo nukliyeerka Iran – weerarro dhacay ka hor weerarkii gantaalaha ee Iran ku qaaday saldhigga Al-Udeid ee Qatar – waxaana la socday cambaareyn rasmi ah.