Maxaan ka ognahay weerarkii Iiraan ay ku qaadday saldhigga ciidanka Mareykanka ee Qatar

Weerarka Iran

Xigashada Sawirka, Reuters

Iran ayaa gantaalo ku garaacday saldhigga milatari ee Maraykanku ku leeyahay dalka Qatar, taasoo ay ku sheegtay inay uga aargoosanayso weeraradii Maraykanku ku qaaday xaruntooda Nukliyeerka dhamaadkii todobaadkan.

Goob joogayaal ayaa ku warramay in ay maqlayeen jug xooggan oo ka imaanaysay hawada sare ee magaalada caasimada ah ee Dooxa, halka muuqaaladana ay muujinayeen walxo ifaya oo hawada marayay xilli hanaanka difaaca hawadu ay isku dayayeen in ay ka hortagaan gantaalada.

Waa mid ka mid ah dagaalada si kordhaya ee ay ku lug leeyihiin Iiraan, Israa'iil iyo Mareykanka oo xiisadaha Bariga Dhexe ay sare u sii kaceen heer aan horay loo arag maalmihii u dambeeyay.

Maxaan ilaa hadda ka ognahay waxa dhacay?

Goobaha ay Iiraan beegsatay iyo sababta?

Gantaalada Iran ayaa beegsaday saldhiga ugu weyn ee ciidamada Maraykanka ku leeyihiin bariga dhexe ee Al-Udeid, wax ay ku sheegtay in uu jawaab u ahaa duqeymihii Maraykanka ee saddex ka mid ah xarumaha barnaamijkooda Nukliyeerka fiidnimadii Sabtida.

Al-Udeid ayaa ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan howlgallada cirka ee gobolka. Qaar ka mid ah millatariga Ingiriiska ayaa sidoo kale halkaas u adeegsada si aan joogta ahayn.

Weerarka ayaa markii hore waxaa xaqiijiyay warbaahinta dowladda Iiraan, ayadoo markii dambe ay xaqiijiyeen ciidamada.

Bayaan ka soo baxay IRGC oo ah laanta ugu awoodda badan militariga Iran ayaa lagu sheegay in Iran aysan cafin doonin weerar kasta oo lagu qaado madax banaanideeda iyadoo aan laga jawaabin, waxayna intaasi ku dartay: "Saldhigyada Mareykanka ee gobolka ma ahan kuwo awood leh balse waa baylah".

Mareykanka ayaa horay uga digay Iran in aysan ka jawaabin duqeymaha ay ku hayso xarumaha Nukliyeerka, waxana uu ku booriyay hogaamiyayaasha Tehran in ay ogolaadaan in qaab diblumaasiyadeed loo joojiyo colaada gobolka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya inta gantaal ee la soo riday. Iran waxa ay sheegtay lix, halka Maraykanku uu sheegay 14, Qatar ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters in 19 gantaal ay ahaayeen, dhammaantoodna la qabtay.

Ma jirto cid la sheegay in lagu dilay ama lagu dhaawacay.

Saacado ka hor weerarka, Mareykanka iyo UK waxay kula taliyeen muwaadiniintooda ku sugan Qatar inay "meelo gabaad ah galaan". Qiyaastii 8,000 oo muwaadiniin Maraykan ah ayaa ku nool Qatar, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda, iyo sidoo kale dhowr kun oo muwaadiniin British ah.

Maxaa la yiri weerarka kadib

Khariirad
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wax yar ka dib waxaa muuqatay in Iran ay bixisay digniin ah in ay isku diyaarinayso in ay riddo gantaallada. Saddex sarkaal oo Iran ah oo uu soo xigtay New York Times ayaa sheegay in Tehran ay u sheegtay Doha waxa ay damacsanayd, si ay u yarayso khasaaraha.

Hadalkiisii ​​ugu horreeyay ka dib weerarka ka dib, Madaxweyne Donald Trump wuxuu uga mahadceliyey Iran "inay na siisay ogeysiis hore, taas oo suurtagelisay in uusan qofna ku dhiman, islamarkaana uusan dhaawac jirin.

Waxa uu weerarka ku tilmaamay mid "aad u jilicsan" – ma jiraan dad Maraykan ah oo waxyeelo soo gaartay, khasaare aad u yarna la gaarsiiyey" ayuu yiri. "Waxaan dhamaantood ku soo ridnay nidaamyadeena difaaca," ayuu raaciyay isaga oo sheegay in hadda ay jirto fursad "nabad".

Si kastaba ha ahaatee, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa "wax lala yaabo" iyo "xadgudub bareer ah oo ka dhan ah madax-banaanideeda", wuxuuna intaa ku daray in Qatar "ay ka mid tahay dalalkii ugu horreeyay ee ka digay khatarta sii kordheysa ee Israel ee gobolka".

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa dhanka kale sheegay in Iran aysan cidna wax ku yeelin weerarka balse wadankiisa uusan u dulqaadan doonin cidna in ay ku soo xadgudubto.

"Annagu cidna kuma xadgudbin, sinnaba ma aqbali doono in cid lagu xad-gudbo. Cidna uma hoggaansami doonno; tani waa caqliga ummadda Iiraan," waxaa sidaasi la so dhigay barta X .

Mareykanka ayaa Sabtidii duqeymo ballaaran ku qaaday saddex xarumood oo Nukliyeer ah oo ku yaalla gudaha dalka Iran.

Taasi waxay timid ka dib maalmo hubanti la'aan ah oo ku saabsan in Maraykanku uu ku biiri doono dagaalka Israa'iil ee ka dhanka ah Iran, kaasoo bilaabmay 13-kii June.

Israa'iil ayaa maalin kasta weeraro gantaallo ah ku garaaceysa xarumaha nukliyeerka iyo militariga ee ku yaalla gudaha Iran, kuwaas oo ay dowladu sheegtay in ay lagama maarmaan tahay si looga hortago in Iran ay si degdeg ah u sameysato hub Nukliyeer ah.

Mareykanka ayaa ku andacoonaya in duqeymihiisu ay si xun u waxyeeleeyeen barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, in kasta oo aan si buuxda loo cadeeynin saameyntooda.

Weerarada u dhaxeeya Iran iyo Israel ayaa sidoo kale socday Axadii iyo Isniintii.