Wax ka ogow sidii uu Maraykanku ugu beenguuray Iran markii uu weerarayey

Beenguurka Maraykanka

Duullimaad 18-saac ah oo dhinac walba ah, isla mar ahaantaana dhawrjeer lagu shidaaliyey hawada sare, iyo taxane beenguur marin-habaabin ah ayuu ka koobnaa howlgalkii lagu weeraray xarumaha nukliyeerka ee Iran, sida uu sheegay Janaraal Dan Caine, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka, sidoo kalena ah sarkaalka ugu sarreeya ciidammada qalabka sida ee Mareykanka.

Inkasta oo saameynta buuxda ee hawlgalkan Mareykanku ugu yeedhay 'Hawlgalka Dubbihii Habeennimo' aan weli la ogaan, haddana qaabkii iyo habkii uu u dhacay ayaa lagu faahfaahiyey shir jaraa'id oo ay Wasaaradda Difaaca Mareykanka qabatay subaxnimadii Axadda, dhowr saacadood un kadib weerarradaas.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa hawlgalkaas u baxay, soona laabtay, iyagoo aan dunidu dareemin gebi ahaanba, sida uu saxaafadda u sheegay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth.

Wax walba waxay bilawdeen wax yar kadib saqdii dhexe markii Wasiirka Difaaca Hegseth ay meel isugu tageen Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Madaxweyne ku xigeenka JD Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Pentagon-ka, kuwaas oo ku sugnaa Qolka Xaaladaha Degdegga ah ee Aqalka Cad si ay ula socdaan markii diyaarado dagaal ay ka duuleen saldhig ciidan oo ku yaalla baadiyaha gobolka Missouri.

Iyagoo ka faa'iideysanaya mugdiga habeenkii, diyaaradaha qarsoon ee B-2 stealth ayaa ka kacay saldhigga ciidamada cirka ee Whiteman saacadda markay ahayd 00:01 EDT (05:01 BST), sida uu sheegay Pentagon-ka.

Bartilmaameedkooda ugu dambeeya ayaana ahaa: goobaha nukliyeerka ee ugu ilaalada badan Iran.

Diyaaradahaas aan ka dheereyn xawaaraha codka, ayaa dul maray Badweynta Atlantik iyaga oo uu ku raran yahay hubka culus ee loo yaqaan "bunker buster" – bambooyin awood u leh inay ka dhex dusaan shubka ilaa 18 mitir (60 fuudh) oo dhumuc ah.

Duulimaadka beenguurka

Hubkan ayaa ah nooca kaliya ee lagu gaadhi karo xarunta lagu kobciyo nukliyeerka ee Fordo ee Iran, taas oo hoos uga qodan buur, si qoto dheerna u aasan, isla markaana loo arko in ay tahay xarunta ugu weyn ee barnaamijka nukliyeerka dalkaas. Maraykanka ayaa ah waddanka kaliya ee la og yahay inuu haysto hub noocan oo kale ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xilli indhuhu ay ku jeedeen, galbeedka si gaar ah badweynta Baasifigga, khaastan Guam iyo filashadii ahayd diyaarado halkaa u kacay, waxaa xigey oo hal mar adduunku ku sasay warka ku aaddanaa duqaynta Iran ka dhacday. Filasha

Ficilladaas oo ahaa hab marin habaabin ah — sida ay shegeen sheegay Pentagon-ka — marmarsiiyo iyo qalqal-gelin loogu talagalay in lagu jeediyo indhaha feejignaanta hawlgallada qarsoon ee sida tooska ah ugu wajahan Iran, iyagoo dul maraya Badweynta Atlantika.

Diyaaradahaasi millatari kama muuqdaan bogagga lagu raadiyo duulimaadyada, taasoo ka dhigaysa mid adag in BBC ay si madaxbannaan u xaqiijiso faahfaahinta uu Pentagon-ku bixiyey sidii dhacdooyinkaasi u dhaceen.

Inkastoo sawirrada dayax-gacmeedka ay caawin karaan in la arko heerka burburka goobaha la weeraray habeenkii, haddana ma sheegi karaan goorta saxda ah ee la garaacay.

Markii ay diyaaradaha weerarka ah gaadheen Bariga Dhexe, wax yar kadib 17:00 EDT (22:00 BST), waxaa wehliyay diyaarado taageero ah oo difaac u sameeyay, kuwaas oo ka hor maray si ay u baadhaan hanjabaadaha diyaaradaha dagaalka ee cadowgooda iyo gantaallada dhulka laga rido — sida uu sheegay Janaraal Caine, oo ku tilmaamay howlgalkaas "mid adag oo si waqtiyaysan loo fuliyey".

Bidix iyo midig ayey kala aadeen

Laakiin diyaaradaha dagaalka ee Iran ma aysan kicin, mana jirin wax difaac ah oo cirka ah oo rasaaseeyey ama iska caabbiyey, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

"Gacan-sarraynta Israa'iil ee hawada Iran ayaa si weyn u sahashay in diyaaradaha Maraykanku ay si xor ah uga shaqeeyaan gudaha," ayay BBC Verify u sheegtay Patrycja Bazylczyk, khabiir ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istaraatijiyadda iyo Amniga Caalamiga ah ee Washington DC.

Maamulka Trump ayaa ku dhawaaqay in dhacdooyinkii xigay ay ahaayeen "guul buuxda", iyagoo sheegay in Mareykanku uu "baabi'iyay nidaamka nukliyeerka ee Iran". Laakiin cabirka dhabta ah ee khasaaraha iyo waxa ka dhashay lama qiyaasin weli.

Iran waxay xaqiijisay weerarradaas, balse way yaraysay heerka burburka waxayna diidday inay si cad u faahfaahiso sida wax u dhaceen.

Qiyaastii 17:00 EDT (22:00 BST), saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in in ka badan labaatan gantaal oo Tomahawk ah oo ah kuwa dhulka lagu weeraro ay ka duuleen markab quusa oo Mareykanku leeyahay kuna sugnaa Badda Carbeed, kuwaas oo lala beegsaday goob nukliyeer ah oo ku dhow magaalada Isfahan — magaalo ay ku nool yihiin ku dhowaad laba milyan oo qof.

Inkastoo xarunta nukliyeerkaasi ay boqolaal kiiloomitir u jirto xeebta, haddana markabka quusa ayaa ku filnaa inuu gantaallada ahaadaan kuwo ku dhaxa isla waqtiga ay diyaaradaha qarsoon ee B-2 ay daadinayaan bambooyinkooda "bunker buster" oo lala beegsanayey labo xarumood oo kale, sida uu BBC Verify u sheegay Dr. Stacie Pettyjohn, khabiir ka tirsan Xarunta Amniga Maraykanka ee Cusub.

Waxaas oo dhan waxay keeneen in Mareykanku awood u yeesho "weerar lama filaan ah oo isku mar ah oo lala beegsaday goobo badan," ayay tidhi Pettyjohn.

Dhanka kale, diyaaradaha weerarka ah ayaa gudaha u galay hawada Iran, iyadoo Mareykanku adeegsaday xeelado kale oo marin-habaabin ah, oo ay ku jiraan khiyaanooyin kale, sida uu sheegay Pentagon-ku.

Markaas ka bacdina ay duqeyntu ku bilaabatay.

Diyaaraddii ugu horreysay waxay tuurtay labo bambo oo ah GBU-57 Massive Ordnance Penetrator — oo loo yaqaan MOPs — iyadoo bartilmaameedkii ugu horreeyay ee Fordo lagu garaacay qiyaastii 18:40 EDT (23:40 BST), wax yar ka dib 02:00 habeenimo xilliga Iran.

Khubaradu waxay sheegayaan in bamkan MOP uu dhex mari karo ilaa 18 mitir (60 fuudh) oo shub ah ama 61 mitir (200 fuudh) oo dhul ah ka hor inta uusan qarxin. Taasoo la micno ah, inkastoo uusan guul dammaanad ah ahayn, haddana waa bamba kaliya oo adduunka yaal oo suurtagal ah inuu khasaare gaadhsiin godadka qodan xarunta Fordo — oo la rumeysan yahay inay 80-90 mitir (262-295 fuudh) hoos uga qodan tahay dhulka.

Waa markii ugu horreysay ee bambooyinka "bunker buster" ah loo adeegsado hawlgal dagaal oo dhab ah.

Diyaaradaha hadhay ayaa markaas beegsaday bartilmaameedyadoodii — iyadoo wadarta guud ee bambooyinka MOPs ee la tuuray ay gaadhayeen 14, oo lala beegsaday xarunta Fordo iyo xarun kale oo nukliyeer ah oo ku taalla Natanz, sida uu sheegay Pentagon-ka. Xarunta nukliyeerka ee Isfahan, oo in ka badan 200km u jirta Fordo, waxaa si toos ah u gaadhay gantaallada Tomahawk.

Markii diyaaradaha ay 18 saacadood hawada ku jireen, dhammaan bartilmaameedyadii u qorshaysnaa waa ay garaaceen, qiyaastii 25 daqiiqo gudahood, ka hor inta aysan ka bixin hawada Iran 19:30 EDT (00:30 BST), si ay ugu soo laabtaan Mareykanka, sida laga soo xigtay Pentagon-ka.

Guud ahaan, ku dhawaad 75 hub oo hagitaan sare leh iyo in ka badan 125 diyaaradood oo Mareykan ah ayaa la adeegsaday. Wasiirka Difaaca Hegseth wuxuu sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid "xoog badan leh oo si cad u muujinaya burburka" awoodaha nukliyeerka ee Iran.

Si kastaba ha ahaatee, caddeynta dhabta ah ee baaxadda weerarrada waxay qaadan doontaa waqti si loo qiimeeyo — waxaana loo baahan yahay muuqaallo dheeraad ah si loo ogaado sida ay bambooyinka bunker buster-ku u dhex galeen dhulka hoostiisa ee goobaha muhiimka ah ee nukliyeerka.

"Howlgalkan wuxuu ahaa mid aad u adag oo farsamo ahaan sarreeya, mana jirto waddan kale oo dunida ah oo awoodi lahaa inuu fuliyo weerar sidan oo kale ah," ayay tidhi Dr. Stacie Pettyjohn.

"Laakiin inkastoo howlgalka uu guul ka gaaray dhinaca istiraatiijiyadda ciidan, weli lama hubo in uu gaadhay yoolka ah in barnaamijka nukliyeerka ee Iran si joogto ah dib loogu dhigo ama loo burburiyo."

khiddada dayaaraduhu adeegsadeen