"Trump wuu kaftamayaa" Maxaa laga yiri hadalkiisii ahaa in la beddelo hoggaanka Iiraan?

Xigashada Sawirka, AFP
Axaddii, madaxweynaha Mareykanka ayaa bartiisa baraha bulshada kusoo qoray in "siyaasad ahaan aysan sax ahayn in la adeegsado erayga, 'Isbeddel Hoggaan,' balse haddii Hoggaanka haatan ee Iiraan uusan awoodin inuu mar kale Iiraan ka dhigo mid weyn, ay lagama maarmaan noqoneyso in isbeddel hoggaan uu dhaco.
Sida uu tilmaamayo tifaftiraheenna Waqooyiga Ameerika, tan waxay noqoneysaa mid ka duwan waxa ay xubnaha maamulkiisa ka tirsan sheegeen.
Shalay, Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in "howgalka uusan ahayn kuna saabsaneyn beddelidda hoggaanka", iyadoo madaxweyne ku xigeenka JD Vance uu isaguna sheegay in Mareykanku "uusan dooneyn inuu gaaro isbeddel hoggaan".

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES
Elliott Abrams, oo ahaa ergayga Mareykanka ee Iiraan muddo-xileedkii ugu horreeyay ee Trump, ayaa isna u sheegay barnaamijka BBC's Today in ay jiraan "weecin badan" oo ku aaddan hadalladii dhowaan ee Trump.
Sida uu sheegay, Trump ayaa baraha bulshada ka soo jeediyay fekerka isbeddel hoggaan oo ka dhaca Iiraan, balse Abrams ayaa aaminsan in laga yaabo inuu "kaftamayay".
Abrams ayaa sidoo kale ka hadlay khatarta Iiraan ee ah inay xirto Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga ayna maraan saddex meelood meel maraakiibta shidaalka.
Wuxuu sheegay in "aysan taas dhibaato weyn u ahayn" Mareykanka.
"Haa maalmo kale oo yar ama toddobaadyo ayay qaadan doontaa in la furo – balse taageero weyn ayay tan heli doontaa," ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in haddii ay Iiraan xirto marin-biyoodka, ay noqoneyso "inay iska jarayaan qoortooda" maaddaama aysan awoodi doonin inay dhoofiyaan shidaal.
Waa kuma hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Aayatullah Cali Khameney?

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Aayatullah Cali Khameney waa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, waana mas'uulka dhinaca maamulka ugu sarreeya waddankaas. Wuxuu leeyahay amarka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha la xiriira siyaasadda Iiraan.
Ninkan, oo si weyn loogu yaqaanno inuu jecel yahay fikirka ay ku dhisan tahay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday dalalka Reer Galbeed-ka, gaar ahaan Mareykanka, oo uu aad u neceb yahay.
Inkastoo uu si buuxda u taageerayay kooxda dalkiisa u qaabilsaneyd wadaxaajoodyada barnaamijka nuclear-ka Iiraan, haddana Aayatullah Khameney wuxuu marar badan muujiyay sida uusan ugu qanacsaneyn natiijadii kasoo baxday wadahadalladii dhex maray Iiraan iyo dalalka quwadaha waaweyn ee caalamka.
Aayatullah Cali Khameney wuxuu sanadkii 1989-kii baddalay hoggaamiyihii ruuxiga Iiraan ee ugu horreeyay, ahaana ninkii aasaasay jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan, Aayatullah Ruuxullah Khumeyni.
Xilligaas ka hor wuxuu labo jeer oo isku xigta madaxweyne kasoo noqday Iiraan intii u dhaxeysay 1981-kii ilaa 1989-kii.
Sidee loo soo xulaa Hoggaamiyaha Ruuxiga ah?
Ninka haatan haya xilka (Ayatollah Khamenei keliya waa qofkii labaad ee xilkan qabta tan iyo Kacaankii Islaamiga ee Iiraan sanadkii 1979) waxaa soo xula guddi ka kooban 88 wadaad oo loo yaqaanno Golaha Khubarrada.
Xubnihiisa waxaa siddeeddii sanaba mar doorta dadka Iiraan, balse musharraxiinta waxaa marka hore ansixiya guddi lagu magacaabo Golaha Ilaalada. Xubnaha Golaha Ilaalada qudhooda waxaa si toos ah amaba si dadban u doorta Hoggaamiyaha Sare.
Hoggaamiyaha sare ayaa sidaas darteed saameyn ku leh labada guddi. 30-kii sano ee ugu dambeeyay, Ali Khamenei wuxuu hubiyay in xubno asal raac ah loo doorto golaha kuwaas oo raaci doona taladiisa ku aaddan cidda beddeli doonta.
Marka la doorto, Hoggaamiyaha Sare ayaa xilkaas heyn doona inta uu nool yahay.
Sida uu dhigayo dastuurka IIraan, Hoggaamiyaha Sare waa inuu noqdaa ayatollah, oo la micno ah wadaad sare oo dhanka madhabta shiicada ah. Balse markii Ali Khamenei la dooranayay ma uusan ahayn ayatollah, sidaas darteed sharciga waa la beddelay si ay ugu suurto gasho inuu xilka qabto.
Sidaas darteed, waa suurtogal in sharciga la beddelo mar kale, waxayna ku xirnaan doontaa dabeysha siyaasadeed ee taagan marka ay timaaddo doorashada hoggaamiyaha cusub.
Maxay muhiim u tahay?
Hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iiraan awood weyn ayuu ku leeyahay Iiraan. Waa qofka ugu dambeeya ee go`aan ka gaara arrimo badan oo muhiim ah, wuxuu qaabeeyaa siyaasadaha dalka iyo habka loo wajahayo dunida kale.
Iiraan waa dalka Shiicada ah ee ugu awoodda badan dunida, intii uu Ali Khamenei hoggaanka hayayna waxay saameynteeda ku ballaarineysay Bariga Dhexe.
In meesha laga saaro ma beddeli doonto taariikhda gobolka, balse waxay sidoo kale saameyn doontaa qeybaha kale ee dunida.
Cadaawadda ka dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka iyo Israa`iil, tusaale ahaan - oo ay dabka u sii hurisay nacaybka shakhsiyadeed ee Ayatollah Khamenei uu labada dal u qabo - ayaa horseedday sanado xiisad iyo xasilooni darro ah.
Si kastaba, qof walba oo isaga beddela waxay u dhowdahay inuu raaco waddadiisa.













