Qaababka xiisaha leh ee geela looga dhaqdo magaalooyinka Somaliland

Geela

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Saleebaan Saxansaxo
    • Role, Hargeysa

Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa markii ugu horreysay lagu qabtay xuska Maalinta Geela Adduunka oo sannadkasta la xuso bisha June 22-keeda, iyada oo loo asteeyey maalintan in la isku wacyi geliyo in kor loo qaado ogaalka dadweynaha ee muhiimadda geela iyo kaalinta xayawaankani kaga jiro nolosha aadanaha.

Xuskan oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaa ka qayb galay dadka geelleyda ah iyo ganacsato ku hawlan sidii ay u maal gashan lahaayeen dhaqashada geela, waxaana lagaga hadlay caqabadaha kala duwan ee haysta dhaqada geela waqtigan iyo sidii loo heli lahaa hannaan ka duwan kii hore ee geela loo dhaqan jiray.

Xuskan waxa kale oo lagu soo bandhigay hab cusub oo muddooyinkii u dambeeyey laga hirgeliyey magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, kaas oo ah in magaalooyinkaas laga hirgeliyo xerooyin lagu dhaqo geela oo halkaas lagu siiyo calafka iyo biyaha, taas oo meesha ka saaray geelihii lagu raaci jiray dhulka miyiga ah, oo caanahooda marka magaalooyinka la keenayo waqti qaadan jirtay.

Maxay ahaayeen caqabadaha haysta geel dhaqashada ee la soo bandhigay?

Hargeysa

Xigashada Sawirka, Saleebaan Saxansaxo

Qoraalka sawirka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaannada Xoolaha Somaliland Axmed Cismaan Jaamac

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaannada Xoolaha Somaliland Axmed Cismaan Jaamac, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in caqabaduhu ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada ayna yihiin khataraha ugu waaweyn ee ay wajahayaan geela wakhtigan.

Waxa uu sheegay in xuskan maalinta geela ay tahay in la isku wacyi geliyo sidii caqabadahaas haysta geela looga wada hadli lahaa xalna loogu raadin lahaa, "geelu wuxuu wajahayaa khatarta weyn oo caalami ah oo ka imanaysa isbeddelka cimilada, taas oo saamayn ku yeelatay dhaqashadiisa. Waxaa kale oo iyadu caqabad kale ah qaabkii hore ee geela loo dhaqan jiray oo isaguna ah mid arrimaha isbeddelka cimiladu saameeyeen" ayuu yidhi agaasimaha.

Waxa uu intaasi sii raaciyey, "caqabadaha kale waxa ka mid ah calafkii ay xooluhu cunayeen oo yaraaday, saamaynta magaaleynta sii kordhaysa iyo geelii oo sii yaraanaya, madaama geela dhaqashadiisu hawl badan u baahan tahay".

Faa'iidooyinka dhaqashada geela ee magaalooyinka loo soo raray

Hargeysa

Xigashada Sawirka, Saleebaan Saxansaxo

Qoraalka sawirka, Xoghayaha Guud ee Ururka Geel-jire, Faysal Maxamed Xasan

Inkasta oo geela waqtigii hore lagu dhaqan jiray miyiga iyo meelaha ka fog magaalooyinka waaweyn, haddana waxa sii kordhaya muddooyinkii u dambeeyey geela lagu dhaqo magaalooyinka Somaliland, iyada oo dadka magaalooyinka ku nool inta ay geel soo iibsadaan ku dhaqdaan xerooyin laga sameeyey duleedka ama gudaha magaalooyinka Somaliland.

Xoghayaha Guud ee Ururka Geel-jire oo ah urur ay ku midaysan yihiin dadka geel ku dhaqda magaalooyinka, Faysal Maxamed Xasan, waxa uu u sheegay BBC-da in dadka magaalooyinku fursad u arkeen in dhaqashada geela loo soo dhaweeyo magaalooyinka ay muhiim u tahay in la ilaaliyo dabar go'a ku iman kara geela.

"Markii dadkii reer miyiga ahaa magaalooyinka soo galeen ayey dadkii reer-magaalka ahaa fursad u arkeen in ay geela ku dhaqdaan magaalooyinka, taasi waxay keentay in dadkii dareemaan faa'iidooyinka geelu leeyahay iyo hashii iska sii dhimanaysay in la xannaaneeyo oo socodkii ay soconayeen geela laga dhigo, mid la xareeyo oo xerooyin gaar ah loo sameeyo, si looga faa'iidayso caanahooda."

Hargeysa

Xigashada Sawirka, Saleebaan Saxansaxo

Qoraalka sawirka, Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow)

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ahaa dadka geelayda ah ee ka qayb galay xuskan, ayaa sheegay in geelu muhiim u yahay nolosha bulshada Soomaalida ah. "Aniga geelaygu wuxuu gaadhayaa afar kun iyo dhawr boqol oo jooga gobollo kala duwan, waxaynu ognahay in waqtiyo badan oo dhibaatooyin ku dhaceen Soomaalida in ay ku baxsadeen geela iyo xoolaha nool. Maanta marka la eego haddii sida la saadaalinayo colaado dhacaan oo badeecadihii dibedda ka imanayey istaagaan, waxa keliya ee aynu haysanno waa geela iyo xoolaha nool".

Boqor Buur madow, waxa uu xusay in geela lagu dhaqdo magaalooyinku ay fursado u abuureen dad badan, isla markaana ilaaliyeen in dhaqashadii geelu meesha ka baxdo. "Dadka reer magaalka ah ee geela dhaqday, waxay soo nooleeyeen in dhaqashadii geela dib loo jeclaado, in ay shaqo abuur sameeyaan." Ayuu yidhi Boqor Buurmadow.

Maxaynu ka ognahay geela ay dadka reer-guuraaga ihi ka kireeyaan dadka magaalada?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Cismaan oo ka mid ah dadka geela ku dhaqda duleedka magaalada Burco, waxa uu sheegay in dadka magaalooyinka ku dhaqda geela ay qaarkood geel ka soo kiraystaan dadka reer miyiga ah, isla markaana ay kula heshiiyaan dhaqaale la siiyo dadka geela leh, si loo keeno magaalooyinka oo halkaas loogu dhaqdo, caanahoodana magaalooyinka loogu iib keeno.

"Si aanu dadkii reer-miyiga ahaa u dhiirri-gelinno, waxaanu samaynay in dadka reer-miyiga ah ka soo kaxaysanno geelooda oo aanu ka kiraysano, ka dibna aanu keenno magaalooyinka, si halkaas xerooyin lagu dhaqo oo caws iyo biyo lagu siiyo. Lacagta aanu kaga kiraysanayno waanu ka heshiinnaa oo tusaale ahaan marka ay hashu irmaantay caanaha laga liso boqolkiiba konton, isaga qaata, inta kalena annaga".

Cabdiraxmaan Ibraahim Yaasiin oo ka mid ah dadka xuskan ka qayb galay ayaa sheegay in isbeddel weyn ku yimid hannaankii hore ee geel raacatada Soomaalida, oo imika loo beddelay geel dhaqasho magaalooyinka ah.

"Waxaan ka mid ahaa raggii u horreeyey ee keenay fikirka ah in geela lagu dhaqo magaalooyinka, waxaana u samaynay waxyaabo badan oo dhaqashadooda fududaynaysa oo ah in xerooyin uga samayno duleedka magaalooyinka, halkaas caws iyo biyo u dhigno halkaas lagu xanaaneeyo." Ayuu yishi.