Dhegeyso: Sidee Jabuuti ku hanatay xorriyaddeeda
Dhegeyso: Sidee Jabuuti ku hanatay xorriyaddeeda
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa u dabbaaldegeysa sannad guuradii 48-aad ee ka soo wareegtey markii dalkaas uu gobanimada ka qaatay gumeystihii Faransiiska 1977.
Haddaba halgankii gobanimo-doonka Jabuuti iyo heerarkii uu soo maray, ayaa waxaan ka wareysannay Jaamac Cabdiraxmaan Cadhoole oo si dhow ula socdey halgankii xoreynta Jibuuti.
Cabdiraxmaan wuxuu BBC uga warramay dhacdooyinkii horseeday in Jabuuti ay gobanimo ka qaadato Faransiiska 48 sano ka hor.
Arrimahaas uu xog-ogaalka u ahaa ayuu uga warramay Liibaan Cabdi Warsame oo ugu horeyn weydiiyey sidii gumeystuhu ku soo galay Jabuuti.


