Dhegeyso: Jabuuti oo billowday tarxiilka ajaanibta sharci-darrada ku jooga

Qoraalka Codka,
Dhegeyso: Jabuuti oo billowday tarxiilka ajaanibta sharci-darrada ku jooga

Dawladda Jabuuti oo dhawaan ku amartay in dalkeeda ay ka baxaan dhammaan dadka ajaanibka ah ee aan sharciyada haysan, ayaa markan waxa ay billowday in ay qaqabato dadka ka dhago adaygay go'aanka taxiilka ee ay dawladdu soo saartay.

Go'aankan oo todobaadyo ka hor soo baxay ayaa muddo dheeraad ah lagu kordhiyey xilligii uu dhaqan gali lahaa, ayadoo dawladdu sheegtay in ay taasi uga gol-lahayd in dadka xoogsatada ah ay xuquuqdooda helaan maalmaha ugu horreeya bishan.

Haddaba wariye Maxamuud Cismaan Bulxan oo jooga magaalada Jabuuti ayaa xaaladaas iyo wararka tarxiilka ku saabsan la socday, wuxuuna uga warramay Nimcaan Cismaan.