Kongareeska Mareykanka maka joojin karaa Trump in uu qaato Greenland?

Dadaalka uu ku doonayo madaxweyne Donald Trump in uu ku qaato Greenland ayaa dhalisay falcelin xooggan oo ka timid xubnaha Jamhuuriga kuwaas oo muujiyay walaaca ay ka qabaan faragelinta Mareykanka ee dibadda.
Laakiin weli ma cadda in xubnaha Jamhuuriga ay diyaar u yihiin in ay ku biiraan Dimuqraadiyiinta si ay u hor istaagaan la wareegidda Greenland, iyo In Trump uu u dabcayo cadaadiska kongareeska.
Arrinta Greenland waxay isu beddeshay dood ballaaran oo ku saabsan hadii maamulka Trump ay adeegsanayaan awood militeri si la mid ah tii ay ka sameeyeen Venezuela.
Xubnaha Jamhuuriga badankoodu wa taageersanaayeen ajandaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Trump tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad. Hase yeeshee, hadda tiro sii kordheysa ayaa la safan Dimuqraadiyiinta iyo xulafada NATO, kuwaas oo sheegaya in la wareegidda Greenland ay jabinayso sharciga Maraykanka iyo kan caalamiga ah.
Maalmihii u dambeeyay, qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Jamhuuriga ayaa sheegay in aysan jirin daneyn badan oo ku saabsan in Maraykanku iibsanyo Greenland ama uu xoog milatari ku qabsanyo. Aqalka Cad ayaa horay qorshaha ugu daray tallaabo militeri, balse Arbacadii Trump ayaa ka saaray khudbadiisa Davos suurtagalnimada in uu xoog adeegsado.
Qaar ka mid ah xubnaha Jamhuuriga ayaa sidoo kale ku biiray Dimuqraadiyiinta iyagoo ka soo horjeeday qorshaha cusub ee Trump uu canshuuraha ku saarayo dalalka aan taageerin hamigiisa ku aaddan helitaanka Greenland.
Canshuuraha la soo jeediyay waxay noqon doonaan "kuwo u xun Maraykanka, ganacsiyada Maraykanka, sidoo kalena u xun xulafada Maraykanka," ayuu Senator Thom Tillis oo ka soo jeeda North Carolina, wuxuuna intaas ku daray in tallaabadaasi ay faa'iido u yeelan doonto Shiinaha iyo Ruushka. "Waxay u wanaagsan tahay Madaxweyne Putin, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo cadawga kale ee doonaya in ay arkaan NATO oo kala qaybsan."
Xubno kale oo ka tirsan Jamhuuriga ayaa sheegay in hamiga Trump ee qaadashada Greenland uu khatar ku yahay isbahaysiga NATO oo ay xubno ka yihiin Maraykanka iyo Denmark.
Trump wuxuu ku doodayaa in Maraykanku ku qasban yahay in uu lahaado dhulkaas si uu ugula tartamo Shiinaha iyo Ruushka gobolka Arctic, wuxuuna ballanqaaday in uu heli doono sidey noqotaba.
Talaadadii, ayuu Trump dabciyay walaaca laga qabo in arrintani ay dhaawacdo NATO, BBC-da ayaa weydiisay su'aal aheyd, ma diyaar ayaad u tahay in aad aragto burburka isbahaysiga amni ee tobannaan sano soo jiray sababo la xiriira rabitaankaaga ku aaddan Greenland, Trump wuxuu mar kale ku celiyay aragtidiisa ah in lahaanshaha Greenland ay muhiim u tahay amniga Maraykanka iyo kan caalamka.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Doonista Trump ee ku aadan helitaanka Greenland ayaa sii noqoneysa mid aan laga jecleyn Capitol Hill maadaama xubno badan oo Jamhuriga ah ay si cad uga horjeedaan.
Congress-ku wuxuu haystaa xulashooyin uu isku dayo inuu ku xakameeyo Trump, haddii Jamhuuriyiinta iyo Dimuqraadiyiintu doortaan in ay la dagaallamaan madaxweynaha arrinta Greenland.
Kongareeska waxaa u furan wadooyin badan uu ku xakameyn karo Trump taas oo ah hadii labada xisbi ay ka horyimaadaan doonistiisa Greenland.
Congress-ku wuxuu leeyahay awoodda miisaaniyadda, waxaana aragti ahaan loo baahan yahay in uu ansixiyo maalgelinta loo isticmaali lahaa iibsashada Greenland, sidaasina waxaa sheegay khubaro. Denmark iyo Greenland labaduba waxay ku adkeysteen in aan la iibsan karin jasiirada.
"Haddii Trump uu doonayo in uu iibsado Greenland, waxaa loo baahan yahay sharci kongareeska ansixiyo si loo bixiyo lacagta," ayuu yiri Daniel Schuman, oo ah agaasimaha fulinta ee Machadka Maamulka Maraykanka iyo khabiir ku takhasusay habraacyada kongress-ka. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay aad u adag tahay in kongress-ku dib u adeegsado lacag hore u jirtay si loo iibsado dhulkaas.
Sharci-dajiyeyaasha ka walaacsan faragelin milatari oo lagu sameeyo Greenland ayaa taageero u muujiyay tallaabooyin mamnuucaya in la qaado wax fal ah ah iyadoon Kongareska fasax laga haysan.
Shan Senator oo Jamhuuri ah ayaa horraantii bishan ku biiray Dimuqraadiyiinta si ay u horumariyaan sharci ka hor istaagi lahaa maamulka in uu qaado tallaabooyin milatari oo dheeraad ah oo ka dhan ah Venezuela, kadib weerarkii bishii Diseembar ee xilka looga tuuray madaxweynihii hore Nicolas Maduro.
Maraykanku wuxuu horey ula galay Denmark heshiis la sameeyay 1951, kaas oo u oggolaanaya Maraykanka in uu ballaariyo joogitaankiisa milatari ee Greenland. Qaar ka mid ah xubnaha Jamhuuriga ayaa ku doodaya in Mareykanka uusan u baahneyn qaadashada jasiirada siu u wax uga qabto baahida amniga qaranka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar ka mid ah xubnaha Jamhuuriga ayaa horey u muujiyay in ay ka fiirsanayaan in arrinta Greenland ay kaga hor yimaadaan Trump. Senator Mitch McConnell oo laga soo doorto Kentucky, kana mid ahaa hoggaamiyeyaashii hore ee aqlabiyadda Senate-ka, ayaa u sheegay wariyeyaasha in la wareegidda Maraykanka ee dhulkaas ay "burburin doonto kalsoonida xulafada."
Trump kama hadal Talaadadii haddii uu rumeysan yahay in ay jiraan wax ka celinaya in uu qaato Greenland. Mar la weydiiyay inta uu gaarsiisan yahay waxa uu diyaar u yahay in uu sameeyo, Trump wuxuu u sheegay wariyeyaasha in ay la socdaan.
"Waxaan u maleynayaa, waxbaa dhacaya oo qof kasta u wanaagsan," ayuu yiri Trump.












