Soomaaliya, Greenland, Nato, Yurub, Ukraine iyo qaar kaloo badan. Khudbadda Trump oo kooban

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadda soo gabagabeeyay khudbad uu u jeedinayay madaxda caalamka ee ku sugan madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos.
Trump ayaa u sheegay ka qaybgalayaasha inuusan xoog u adeegsan doonin Greenland - balse wuxuu soo bandhigay dood dheer oo ku saabsan sababta ay tahay in Mareykanku uu u yeesho jasiiraddaas.
Wuxuu sidoo kale khudbaddiisa kusoo qaatay Soomaaliya:
Soomaaliya: Trump Wuxuu yiri: Xaaladda ka jirta Minnesota waxay ina xusuusinaysaa in Reer Galbeedku aysan si ballaaran u soo dhaweysan karin. dhaqammo shisheeye oo horey ugu guuldarreystay inay dhistaan bulshoooyinkooda iyaga u gaarka ah."
"Waxaan ula jeedaa, bal u fiirso waxaan dalka keensanynaa dad ka yimid Soomaaliya, Soomaaliya-na waa dal fashilmay, ma aha qaran. Ma leh dowlad, ma leh boolis, ma leh waxba. Sidoo kale waxaa inoo joogta xildhibaan been abuur ah oo hadda la ii sheegayo in hantideedu gaareyso 30 milyan oo doolar. Bal ka waran waxaa, ma rumeysan kartaa?."
Greenland: Trump wuxuu sheegay inuu raadinayo "wadahadal degdeg ah" oo uu Greenland kaga iibsanayo Denmark: "Waa Mareykanka oo qura dalka difaaci kara dhulkan baaxadda leh iyo barafkan weyn."

Xigashada Sawirka, Reuters
Awood/Xoog: Isagoo ku tilmaamay bayaankiisii ugu weynaa, wuxuu sheegay inuusan xoog adeegsan doonin. "Qasab maaha inaan xoog isticmaalo. Ma rabo inaan xoog isticmaalo. Ma isticmaali doono xoog."
NATO: Wuxuu gaashaanka u daruuray sheegashooyinka ah in la wareegitaanka Greenland ay dhaawacayso NATO, isagoo raaciyay: "Wax badan ayaan bixinaa, wax yar ayaana noogu soo laabta."
Dhaqaalaha: Mareykanku wuxuu xilligan wajahayaa "mucjiso dhaqaale" muddada uu xafiiska joogo, isagoo sheegay in sicir-bararku hoos u dhacay, kororka dhaqaaluhuna uu yahay mid "laga yaabo inuusan waddan kale horay u arag."
Canshuuraha: Wuxuu guushaas dhaqaale qayb ahaan u nisbeeyay kordhinta canshuuraha la saaro dalalka shisheeye "si ay u bixiyaan magdhowga dhibaatadii ay geysteen."
Yurub: Bilowgii khudbaddiisa, wuxuu ku eedeeyay qaaradda Yurub "inaysan u socon jihadii saxda ahayd" sababo la xiriira "kharashka dawladda oo sii kordhaya, socdaalka tirada badan ee aan la xakameynin iyo badeecadaha dibadda ka yimaada ee aan dhammaadka lahayn."
Socdaalka: "Meelo gaar ah oo Yurub ka mid ah xitaa lama aqoonsan karo, dhab ahaantii, hadda wixii ka dambeeya," ayuu yiri Trump. "Ma ahan kuwo la aqoonsan karo."

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ukraine: Madaxweynaha ayaa yiri: "Waxaan xiriir la leeyahay Madaxweyne Putin wuxuuna rabaa inuu heshiis gaaro, ayaan aaminsanahay. Waxaan kaloo xiriir la leeyahay Madaxweyne Zelensky waxaana u malaynayaa inuu isna rabo inuu heshiis gaaro. Maanta ayaan la kulmayaa."
Deegaanka: Wuxuu khudbaddiisa oo dhan ku dhex xusay "Khiyaanada Cusub ee Cagaaran" (Green New Scam), taasoo uu ugu yeeray "khiyaanadii ugu weyneyd ee taariikhda." Wuxuu raaciyay: "Waa inaad lacag ka heshaa tamarta, ee maahan inaad lacag ku weydo."
Tamarta UK: Gaar ahaan dalka UK, wuxuu yiri: "Boqortooyada Midowday waxay soo saartaa saddex meelood oo meel oo kaliya tamarta guud ee ay soo saari jirtay sanadkii 1999-kii... iyagoo fadhiya dusha sare ee Badda Woqooyi (North Sea), oo ah mid ka mid ah kaydka ugu weyn meel kasta oo caalamka ah. Laakiin ma isticmaalaan - taasina waa mid ka mid ah sababaha ay tamartoodu u gaartay heerar aad u hooseeya oo masiibo ah, iyadoo qiimuhuna uu si la mid ah u sarreeyo."













