Maxay Denmark uga iibisay Maraykanka Jasiiradaha Virgin balse aysan uga iibinayn Greenland?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Donald Trump ayaa doonaya in Maraykanku yeesho ama helo Greenland, wuxuuna ku dhawaaqay inuu ku soo rogi doono canshuuro cusub siddeed dal oo Yurub ah oo ka soo horjeestay dalabkiisa isla markaana ciidamo u diray jasiiradda cirifka woqooyi maalmahan u dambeeyay.
Madaxweynaha Maraykanka wuxuu ku adkeysanayaa in dalkiisu u baahan yahay Greenland sababo la xiriira "ammaanka qaranka", mana uusan meesha ka saarin xitaa suurtagalnimada in xoog uu ku qabsado.
Tani ma aha markii ugu horreysay ee Maraykanku isku dayo inuu dalkiisa ku daro dhul ay leedahay Denmark.
In ka badan boqol sano ka hor, meel ka fog qabowga cirifka woqooyi ee Greenland, kuna taal dhulka kulaylka Kariibiyaanka, ayaa la soo hadal qaaday arrinta wareejinta lahaanshaha dhowr jasiiradood oo yaryar oo ay Denmark lahayd ayaa la soo hadal qaaday.
Xilligaas, Washington sidoo kale waxay soo bandhigtay sababo istiraatiiji ah iyo kuwo difaac. Laakiin markaas, si ka duwan maanta, reer Denmark way oggolaadeen, waxaana la gaaray heshiis lagu kala iibsanayo.
Arrinta Grønland ayaa sidoo kale lagu soo qaaday qayb ka mid ah heshiiskan, maadaama heshiiskii ay labada dawladood kala saxeexdeen, Washington waxay ballan-qaadday inay ixtiraamayso maamulka Danmark ee Greenland.
Halke ku yaallaan jasiiradaha Virgin?
Jasiiradaha Virgin ee Maraykanka waa koox yar oo jasiirado ah oo hoos yimaada xukunka Maraykanka ee badda Kariibiyaanka, bariga Puerto Rico.
Jasiiradaha ugu waaweyn waa St. John, St. Thomas, iyo St. Croix, laakiin ku dhawaad labaatan jasiiradood oo kale oo waaweyn iyo kuwo yaryar ayaa sidoo kale ku yaal aaggaas.
Jasiiradahan, oo dadka ku nool ku dhow 83,000, waxaa loo tixgeliyaa dhul aan ka mid ahayn gobollada Maraykanka.
Dadkii ku dhashay jasiiradahan waa muwaadiniin Mareykan ah, laakiin ma xaqiijin karaan codkooda doorashada madaxtinimada.
Waxay jasiiradahan ku yaal afka bari ee Badda Kariibiyaanka oo wajahaya Badweynta Atlantic, jasiiradahan waxaa si weyn u saameeya duufaano halis ah waxaana ku hareeraysan dabaqyo coral ah.
Dhaqaalaha jasiiradahan wuxuu ku tiirsan yahay dalxiiska, waxaana ku tiirsan qiyaastii saddex meelood meel (3/4) dadweynaha deegaanka asal ahaanwaa Afrikan.

Xigashada Sawirka, Bonnie Jo Mount/Getty
Waa maxay sababta Jasiiradaha Virgin ee Maraykanka ay mar Danmark u lahayd?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Jasiiradahan waxaa qarniyo loo yaqaanay magaca "Danish West Indies" (Jasiiradaha Galbeed ee Denmark).
Qarnigii 16aad iyo 17aad, Isbaanishka, Ingiriiska, Faransiiska, iyo Holand ayaa marar kala duwan ku loolamay xukunka jasiiradahan, kuwaas oo badanaa ahaa meelaha burcad-badeedda Kariibiyaanku ku sugan jireen.
Sanadka 1684, Denmark ayaa xukunka ku qabsatay St. John waxayna ku dhawaaqday lahaanshihii jasiiradda. Arrintan waxay horey ugu samaysay St. Thomas wax yar ka hor.
Dadka Danish-ka ah waxay markaas bilaabeen in ay ka dhistaan beero waaweyn oo sonkor lagu beero jasiiradahan, iyagoo ka faa'iideysanaya addoomadii ka yimid Afrika ee ay keeneen ganacsatada Yurub.
Ganacsiga sonkorta ayaa ahaa sababta, qarniyo badan, ee xoojisay xiriirka jasiiradahan iyo muhaajiriinta Danish-ka ee taajiriinta ah ee ka yimid dhulka Denmark.
Raadka xilligaas ayaa weli laga arki karaa magacyada magaalooyinka qaar, sida Christiansted iyo Frederiksted, kuwaas oo loogu magac daray boqorradii Danish-ka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muxuu Maraykanku u doonayey inuu hantiyo lahaanshaha Jasiiradaha Virgin?
Qarnigii 19aad, gaar ahaan qeybtii labaad, xaaladdu way bilaabatay inay isbedesho.
Awooddii Denmark way sii yaraanaysay, waxaana kadib dhammaankii Dagaalkii Sokeeye ee Maraykanka (1861–1865), Maraykanku bilaabay inuu rumaysto inuu u baahan yahay inuu dhiso saameyn buuxda oo uu ku yeesho qaaradda Ameerika isla markaana uu dhammeeyo saameyntii awoodihii hore ee Yurub.
Hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Washington waxay diiradda saareen ballaarinta dhulka dalkooda iyo xoojinta ciidanka badda, iyagoo kaashanaya qaabka "Monroe Doctrine" ee la soo bandhigay 1820-meeyadii.
Taariikhyahan Danish-ka ah, Hans Christian Berg, ayaa maqaal ku qoray:
"Ka dib Dagaalkii Sokeeye, waqtigu wuxuu ahaa in dib loo eego xaaladda istiraatiijiga ah ee Kariibiyaanka, waxaana W. H. Seward, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, diiradda saaray gudbinta Mexico iyo suurtagalnimada ballaarinta saameynta Maraykanka ee Kariibiyaanka."
Istiraatiijiyiin Maraykan ah, dekedda St. Thomas waxay ahayd meel gaar ah oo muhiimad leh. Maanta waa deked loogu talagalay markabyo waaweyn oo dalxiisayaal qaada, laakiin sababtoo ah meesha juquraafiyeed ee gaarka ah iyo caqabadda dabiiciga ah, waxaa loo arkayay saldhig ku habboon xukunka Kariibiyaanka.
Dhinaca Denmark, markii qiimaha sonkorta hoos u dhacay, jasiiradahan waxaa si isa soo taraysa loogu arkay culus dhaqaale oo ku ah dowladda, dhibaato ay sii xumeeyeen dagaallada joogtada ah ee addoomada madow ee ka shaqeeya beeraha, Sida uu qoray Hans Christian Berg.
Sidaas darteed, labada dowladood waxay bilaabeen wadahadallo ku saabsan iibinta suurtagalka ah ee jasiiradaha, waxaana 1867 la saxiixay heshiis hordhac ah oo dhigaya in Maraykanku lahaado jasiiradaha iyadoo la siinayo lacag u dhiganta $7.5 milyan oo dahab ahaan lagu bixinayo.
Laakiin isku daygii ugu horreeyay ee heshiiskan wuu fashilmay.
Sanadka 1868, Washington waxay dhammaystirtay iibsashada dhul kale oo Arctic ah, Alaska, oo ka timid Ruushka Tsarist-ka qiimo dhan ku dhawaad toddobo milyan oo doolar, waxaana hindisaha William Seward ee howshan lagu dhaleeceeyay, xitaa lagu qoslay, dadka Maraykanka qaarkood oo u arkay Alaska kaliya dhul barafka u fadhiyo oo aan lahayn qiimo dhaqaale ama istiraatiiji.
Khilaafka ka dhashay iibsashada Alaska ayaa sababay in Kongreska Maraykanku ugu dambeyntii uusan ansixin heshiiska lagu iibsan lahaa Jasiiradaha Galbeed ee Danish-ka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dagaalkii Adduunka ee 1aad iyo Iibsiga Jasiiradaha Virgin ee Maraykanka
"Denmark waxay ahayd mid dhexdhexaad ah dagaalka, waxaase Washington ka walwal gelinayay in Jarmalku weeraro Denmark, isla markaana xukumo jasiiradaha iyo dekedda St. Thomas," ayay BBC Mundo u sheegtay Astrid Andersen oo ka socota Machadka Danish-ka ee Daraasaadka Caalamiga ah.
Haddii jasiiradahan gacanta Jarmalka ku dhacaan, waxay noqon lahaayeen meelo halis ah oo oo maraakiibta quusta ka weerari karaan maraakiibta ama xitaa dhulka Maraykan —xaaladaasi oo ahayd halkii ugu xun ee mala-awaalka istiraatiijiyiin Washington.
Markii Isbaanishka laga saaray Cuba iyo Puerto Rico dagaalkii 1898, jasiiradahan waxaa loo arkay mid ka mid ah dhawr haraadi ee joogitaanka Yurub ee Kariibiyaanka, dhismaha Kanaalka Panama ee 1914 ayaa sidoo kale sii kordhiyay xiisaha Maraykanka ee gobolka iyo ammaanka waddooyinka badda.
Xaaladahan awgood, Washington iyo Copenhagen waxay bilaabeen wadahadallo, kuwaas oo, sida ay sheegtay Andersen, mowqifka Maraykanku uu la mid ahaa habka uu hadda Donald Trump u wajahayo Greenland.
"Waxaa jiray isu ekaansho waxa aan hadda maqalno," ayuu yiri Mr. Andersen, "maxaa yeelay Maraykanku wuxuu si macne leh u sheegayay, 'Waa inaad naga iibisaan ama waa idin qabsanaynaa'"
Ugu dambeyntii, bisha August1916, labada dal waxay ku heshiiyeen in jasiiradahan Maraykanka loogu iibiyo $25 milyan oo dahab ah, lacagtaas oo ay Bloomberg News ku qiyaastay inay maanta u dhiganto ku dhawaad $630 milyan.
Qayb ka mid ah heshiiska, Maraykanku wuxuu ku ballan qaaday inuusan ka soo horjeedin "ballaarinta danaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee Denmark ee Greenland", arrin ay maamulka Trump laga yaabo inuusan si fudud dib u xusuusan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markan, heshiiska la saxiixay waxaa ansixiyay labada dal, waxaana reer Denmark si weyn u codeeyay in jasiiradaha lagu iibiyo afti dadweyne.
Sida uu sheegay Mr. Andersen,"Xaqiiqdii, inta badan reer Denmark ma u arkin jasiiradahan inay qayb ka yihiin Denmark."
Taariikhyahanku wuxuu xusay in labadaba heshiiskaas iyo isku daygii hore, dadka asaliga ah ee jasiiradaha ku nool aysan fursad lagu siin talo ama cod.
Ugu dambeyntii, March 31, 1917, intii lagu jiray xaflad rasmi ah, waxaa markii ugu horreysay lagu taagay calanka Maraykanka dhismayaasha dowliga ah ee jasiiradaha.
Xafladdaas la midka ah, ciidanka Danish-ka ayaa hoos u dhigay calanka Denmark markii ugu dambeysay.
Tan waa muuqaalka laga yaabo in Donald Trump, in ka badan boqol sano kadib, uu ku riyoodo inuu ku celiyo Greenland.













