Muxuu yahay baaritaanka ay dawladda Maraykanku ku samaynayso madaxda ugu sarraysa Dimoqaraadiga ee gobolka Minnesota

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Labo ka mid ah xubnaha caanka ah ee xisbiga Dimoqaraadiga ee gobolka Minnesota ayaa wajahaya baaritaan la doonayo in lagu ogaado eedeymo loo jeediyey oo ah isku day la xiriira is hortaagid howlaha hay'adda socdaalka ee federaalka, ayadoo uu sii kordhayo isku dhaca u dhaxeeya maamulka Trump iyo hogaamiyeyaasha gobolka.

Barasaabka gobolka Tim Walz iyo Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa wajahaya baaritaan ay waaxda cadaaladda Mareykanka ku sameyneyso hadallo ay jeediyeen oo ku saabsan waaxda socdaalka iyo dhaqangelinta kastamka (ICE), sida laga soo xigtay warbaahinta Maraykanka ee CBS oo bahwadaag la ah BBC.

Baaritaanka ayaa imaanaya iyadoo garsooraha federaalku uu xaddiday tabaha ICE iyo saraakiisha kale ee fulinta sharciga ay ku isticmaali karaan Minneapolis, iyagoo ka hortagaya isticmaalka buufinta basbaaska iyo xiritaanka dibadbaxayaasha sida nabadda ah u mudaaharaadaya.

Mudaaharaadyada ayaa ku soo batay magaalada ka dib markii Renee Good, oo 37 jir ah, uu toogtay oo dilay askari ka tirsan ICE todobaadkii hore.

Faahfaahin cusub ayaa sidoo kale soo shaac baxday Jimcihii taasoo ku saabsan geerida Good. Haweeneydaas oo ka soo jeedda Minneapolis ayaa waxaa helay shaqaalaha caafimaadka iyadoo ugu yaraan qabta saddex dhaawac, lagana yaabo in mid afraad uu madaxa ka gaaray, sida lagu sheegay warbixino rasmi ah oo ay eegtay warbaahinta CBS.

Gudomiye Walz ayaa jimcihii ka jawaabay warka ku saabsan weydiinta isaga ka dhanka ah isagoo soo dhigay barta X: "Hubinta nidaamka cadaalada ee ka dhanka ah kuwa kaa soo horjeeda waa xeelad awood leh.

"Qofka kaliya ee aan laga baarin toogashada Renee Good waa askariga federaalka ee toogtay".

Hadal uu BBC-da siiyay duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey wuxuu ku yiri "la ima cabsi gelin doono".

"Tani waa isku day cad oo lagu cabsi gelinayo in aan u istaago Minneapolis, sharci fulinta deegaanka, iyo dadka deegaanka ee ka soo horjeeda qaska iyo khatarta uu maamulkani u horseeday waddooyinkayaga," ayuu yiri.

BBC-da ayaa la xiriirtay waaxda cadaaladda si ay wax uga ogaato baaritaanka.

Guddoomiyaha ayaa ku booriyay dadka reer Minnesota inay si nabad ah u mudaaharaadaan, balse xubno ka tirsan maamulka Trump ayaa ku eedeeyay hadalo xanaf leh, sida isagoo ICE ku sifeeyay "Gestapo-hii wakhtiga casriga ah". Frey ayaa dalbaday in askarta socdaalka ay ka baxaan Minneapolis.

Baaritaanka ayaa diiradda saaraya sharciga federaalka, 18 U.S.C. § 372, kaas oo dembi ka dhigaya in laba qof ama in ka badan ay maleegaan ka hortagga saraakiisha federaalka in ay gutaan waajibaadkooda rasmiga ah "xoog, cabsigelin ama hanjabaad", sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay CBS.

.

Xigashada Sawirka, X

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mudaaharaadyada ayaa ka sii socday Minneapolis Jimcihii iyadoo xaakimka degmada Mareykanka Katherine Menendez ay ka hor istaagtay mas'uuliyiinta federaalka inay u adeegsadaan buufin basbaaska iyo xoog kale ee aan geerida sababin inay u adeegsadaan mudaaharaadayaasha.

Amarka oo ka kooban 83 bog ayaa hakad ku haya kumannaanka saraakiisha federaalka ah ee hadda la geynayo magaalada kuwaas oo qeyb ka ah howlaha socdaalka in ay xiraan dibadbaxayaasha sida anabadda ah u mudaaharaadaya.

Waxa kale oo ay ka horjoogsanaysaa inay joojiyaan ama xiraan kuwa wada ama rakaabka saaran baabuurta "halkaas oo aanu jirin tuhun macquul ah oo ah inay si khasab ah u horjoogsanayaan ama ay faragelinayaan".

Ka hor inta aan la dilin, muuqaalku wuxuu muujinayaa Good oo ku jirta gaarigeeda, oo muuqatay inay garaacday hoonka baabuurka si ay ugu digto dadkii deganaa agagaarka joogitaanka hay'adaha socdaalka.

Maamulka Trump ayaa sheegay in Good ay caqabad ku ahayd sharci fulinta federaalka oo ay isku dayday in ay gaariga jiirsiiso askariga ka hor inta uusan rasaasta furin. Saraakiisha maxalliga ah ayaa sheegaya in Good ay ahayd qof sharci ahaan dusha ka eegayey oo aan wax khatar ah geysan.

Fiidiyowga laga duubay dhacdada ayaa muujinaya askariga ICE oo ku soo wajahan baabuur, kaas oo xannibaya isu socodka dadka iyo gaadiidka oo la dhigay bartamaha waddada. Askariga ayaa ku amray inay ka degto baabuurka.

Ayadoo Good ay isku dayeysay inay leexiso taayirka gaariga ayaa gaarigu wuxuu u muuqday inuu u dhaqaaqay dhanka askariga hor taagnaa. Ka dibna bastoolad ayuu la soo baxay isagoo rasaas ku riday.

Warbixin ka soo baxday waaxda dab damiska ee Minneapolis oo ay aragtay CBS News, ayaa lagu sheegay in markii ay ka jawaabeen goobta toogashadu ka dhacday usbuucii hore, ay u muuqatay Good in laba xabadood lagaga dhuftay xabadka, midna ay kaga dhacday gacanta, halka dhaawaca afaraadna uu ka gaaray "dhinaca bidix ee madaxa ".

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa arkay Good oo aan dhaqaaqayn garaaca garaaca wadnaheedana aanu caadi ahayn, waxaana lagu dhawaaqay in ay ku dhimatay ambalaasta intii loo sii siday isbitaalka, sida lagu sheegay warbixinta ay aragtay CBS.

Muuqaal laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya askariga oo sii baxaya ka dib.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegay in sarkaalka uu soo gaaray dhiigbax gudaha ah ka dib dhacdada. Faah faahin dheeri ah lagama bixin inta uu la egyahay dhaawaca.

FBI-da ayaa baaraysa dhacdadan, inkastoo aysan jirin wax baaritaan ah oo dhanka xuquuqda madaniga ah oo federaal ah oo lagu sameeyay askariga rasaasta furay. Saraakiisha deegaanka iyo maamulka ayaa sheegay in laga xannibay baaritaanka.

Dhanka kale, madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii weerar ku qaaday dibadbaxayaal iyo hoggaamiyeyaasha maxalliga ah.

Barta Truth Social ayuu ku eedeeyay mudaaharaadayaasha inay yihiin "xirfadleyaal mushahar sare qaata", isagoo raaciyay in Walz iyo Frey ay "gabi ahaanba lumiyeen koontoroolka".

Trump wuxuu wariyeyaasha ugu sheegay Aqalka Cad in uusan qorsheyneynin inuu isticmaalo sharciga kacdoonka oo uu u diro ciidamo si ay u dejiyaan rabshadaha ka socda Minnesota, ka dib markii horaantii todobaadkan uu soo jeediyay inuu sidaas sameeyo.

"Haddii aan u baahdo, waan isticmaali lahaa, uma maleynayo inay jirto sabab hadda loo isticmaalo," ayuu yiri. "Aad ayay taasi u awood badan tahay," ayuu raaciyay.

Kumanaan askarta ICE ah ayaa wali lagu daabulaya gobolka.

Sharci-dajiyeyaasha dimuqraadiga ah ayaa magaalada gaaray ayagoo dhaleeceeyey hawlagallada waaxda socdaalka ee federaalka ay ka waddo gobolka, waxayna ku eedeeyeen inay xilkasnimo xumo ka jirto halkaa.

Ilhaan Cumar oo Minnesota laga soo doorto, xun=binna ka ah Congresska ah oo ay colaad dheer kala dhexeyso Trump ayaa sheegtay in ICE ay isku dayeyso inay "qalalaaso iyo cabsi abuurto".

Adriano Espaillat, oo ka tirsan Congress-ka kana soo gala New York, ayaa sheegay in ICE ay noqotay "hub wax dila".

Haweenay ka tirsan Congress-ka kana soo jeedda Washington, Pramila Jayapal, ayaa iyadana sheegtay in askarta ICE aan loo ogolayn inay xiraan waji-xir.

Sharci-dajiyayaasha Dimuqraadiga ayaa sidoo kale wareystay dhowr qof oo deggan gobolka kuwaas oo ku eedeeyay in lagu xiray katiinado oo ay xireen ICE saacado in kastoo ay ahaayeen muwaadiniin Mareykan ah.

Bayaan ay soo saartay, afhayeenka DHS, Tricia McLaughlin waxay ku sheegtay in kuwani ay yihiin "sheegasho been abuur ah", iyadoo ku eedaysay inay sameeyeen "kicin" kuwaas oo carqaladaynaya askarta ICE.

"ICE ma xirto mana masaafuriso muwaadiniinta Mareykanka. Haddii muwaadin Mareykan ah la xiro, waxaa sabab u ah waxay hor istaageen ama weerareen sharci fulinta," ayay sii raacisay.