Ciidamada ICE ee Minnesota oo barafka ku jiiday nin ay u dhaceen gurigiisa

Minnesota

Xigashada Sawirka, Reuters

Nin deggan gobolka Minnesota ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters shalay inuu dareemay cabsi, ceeb, iyo rajo-beel, maalin ka dib markii saraakiisha socdaalka ee ICE ay albaabkiisa ku jebiyeen qoryo, ay katiineeyeen, ka dibna ay ku jiideen barafka isagoo xiran buume iyo kabaha guriga lagu joogo.

ChongLy Thao, oo 56 jir ah, una dhashay Mareykanka (isagoo isticmaala magaca Scott), ayaa sheegay in gurigiisa dib loogu soo celiyay galabnimadii Axadda iyada oo aan wax sharraxaad ah ama raalligelin ah la siin.

"Waan duceysanayay. Waxaan lahaa, Ilaahow fadlan i caawi, wax khaldan ma sameyn. Maxay sidan iigu sameynayaan? Anigoon dharkayga qabin," ayuu Thao, oo ah nin u dhashay qowmiyadda Hmong ee dalka Laos, ugu sheegay Reuters isagoo joga gurigiisa Isniintii, xilli deriskiisu ay ku mashquulsanaayeen hagaajinta albaabka jabsan.

Sawirrada dhacdadan oo muujinaya Thao oo dhar la'aan ah, bustena ku duuban, kuwaas oo ay qaadeen sawir-qaade ka tirsan Reuters iyo dad goob-joogayaal ah, ayaa ku faafay baraha bulshada. Tani waxay sii kordhisay walaaca laga qabo in saraakiisha amniga federaalka ay ku xad-gudbayaan awooddooda qayb ka ah ololaha socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump, kaas oo lagu geeyay ilaa 3,000 oo sarkaal agagaarka Minneapolis.

Bayaan ay soo saareen qoyska ayaa waxay dhacdadan ku tilmaameen mid "aan loo baahnayn, meel-ka-dhac ah, isla markaana argagax weyn ku reebtay." Heerkulka ugu sarreeya ee Saint Paul maalintii Axadda wuxuu ahaa 14 darajo Fahrenheit.

Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in saraakiishu ay baritaanno ku hayeen labo dambiile oo hore loogu xukumay dambiyo galmo oo ku sugnaa ciwaankaas, uuna muwaadin Mareykanka ah oo halkaas degganaa diiday in laga qaado faraha ama aqoonsiga wejiga, sidaas darteedna loo xiray.

"Wuxuu u ekaa sharraxaadda dadka la raadinayay. Sida hay'ad kasta oo sharci fulin ah, waa hab-maamuus caadi ah in la hayo dhammaan shakhsiyaadka ku jira guri hawlgal laga fulinayo si loo sugo ammaanka dadweynaha iyo kan saraakiisha," ayay afhayeenka DHS Tricia McLaughlin ku tiri bayaan ay soo saartay.

'Sababta aan halkan u joogno'

Minnesota

Xigashada Sawirka, Reuters

DHS (Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka) waxay soo saartay ogeysiisyo dad la raadinayo oo ku saabsan labo nin oo bartilmaameed u ahaa baaritaanka kuwaas oo weli baxsad ahaa, iyadoo mid kasta lagu sifeeyay "ajnabi sharci-darro ah oo dambiile ah" kana yimid Laos, isla markaana lagu soo rogay amarro masaafurin. Sida ay sheegeen ehel la socday xaaladda, mid ka mid ah ragga ku qornaa ogeysiisyada la raadinayo hore ayuu u deggenaa guriga balse wuu ka guuray, waxaana lagu tilmaamay inuu ka tirsanaa qoyska Thao.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Degmada Maraykanka ee Minnesota ayaa Jimcihii soo saartay amar maxkamadeed oo joojinaya qaar ka mid ah xeeladaha adag ee maamulka Trump, kuwaas oo ay sheegtay inay "cabsi gelinayaan" muwaadin caadi ah kana hor istaagayaan ka-qaybgalka mudaaharaad uu oggol yahay dastuurka.

"Dhaqankaas waxaa ka mid ah soo bixinta iyo ku jeedinta hubka; adeegsiga buufinta basbaaska iyo hub kale oo aan wax dilin; xirid iyo hanjabaad xiritaan iyo qabashada mudaaharaadayaal iyo kormeerayaal; iyo xeelado kale oo cabsi-gelin ah," ayay qortay Garsoore Katherine Menendez.

Maamulka Trump ayaa racfaan ka qaadanaya amarka ay soo saartay.

Thao wuxuu sheegay in waalidkiis ay ka keeneen Laos oo ay geeyeen Maraykanka sannadkii 1974, markaas oo uu jiray afar sano, isla markaana uu noqday muwaadin Maraykan ah sannadkii 1991. Intii ay arrintu socotay, wuxuu ka baqayay in dib loogu celiyo Laos, halkaas oo uusan ku lahayn wax ehel ah.

Wuxuu sheegay inuu hees iska qaadayay markii uu maqalay sawaxan xooggan oo albaabka ka yimid. Isaga iyo qoyskiisuba waxay ku dhuunteen qolka jiifka, halkaas oo saraakiisha federaalku ka heleen. Thao wuxuu sheegay inuu isku dayayay inuu helo aqoonsigiisa xilli ay saraakiishu ka saarayeen guriga.

Thao wuxuu xirtay oo keliya surwaal gaaban iyo kabaha guriga lagu joogo markay saraakiishu u diideen fursad uu ku xirto dhar kale, ayuu yiri. Wuxuu isticmaalay buste uu leeyahay wiil uu awoowe u yahay.

Ka dib markii laga qaaday faraha iyo sawir madaxa ah oo lagu qaaday baabuurka dhexdiisa, saraakiishu waxay dib ugu celiyeen gurigiisa, sida uu Thao sheegay.

"Waxaan halkan u nimid ujeeddo, sax? … Inaan helno mustaqbal ifaya. Inaan helno meel ammaan ah oo aan ku noolaanno," ayuu yiri. "Haddii tani ay noqoneyso Ameerika, maxaan halkan u joognaa? Maxaynu halkan u joognaa?"