Muxuu yahay hadalka uu sheegay wiilka Museveni oo ay ka argagaxeen dad badan

Muhoozi Kainerugaba

Xigashada Sawirka, Muhoozi Kainerugaba @Mkainerugaba_

Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, Robert Kyagulanyi oo loogu yaqaanno Bobi Wine, ayaa sheegay in in ka badan 100 qof la dilay tan iyo toddobaadkii hore, oo aysna tiradu ahayn 22 qof sida uu horay ugu qoray barihiisa bulshada, .

Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxweyne Yoweri Museveni isla markaana ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka aya qoraal uu baahiyay waxaa uu ku faafay baraha internet-ka.

"Xalay markii wiilka Museveni uu ii jeedinayay hanjabaado dil ah, wuxuu u ekaa mid ku faraxsan dilka 22 ka mid ah taageerayaasheenna (dhab ahaantii, wuxuu dilay in ka badan 100 tan iyo toddobaadkii hore," ayuu ku qoray barta X, isaga oo ka jawaabaya hanjabaadaha uu u jeediyay Jeneraal Muhoozi.

Bobi Wine ayaa sidoo kale sheegay in askar ay ku hareereeyeen hoygiisa, isla markaana ay amar ku siiyeen dhammaan dadka ku jira guriga inay bannaanka u soo baxaan.

Wine laguma arag fagaarayaasha muddo dhowr maalmood ah, wuxuuna sheegay inuu dhuumanayo, isagoo ku andacoonaya inuu ka baxsaday weerar boolis oo lagu qaaday gurigiisa.

Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa siiyay hoggaamiyaha mucaaradka 48 saacadood inuu isku dhiibo booliska.

Booliska Uganda, si kastaba ha ahaatee, waxay sheegeen in Bobi Wine uu weli ku sugan yahay gurigiisa, isla markaana laga hor istaagay wariyeyaasha inay u dhowaadaan hoygaas.

Farriimo isdaba-joog ah oo uu ku qoray bartiisa X, Janaraal Muhoozi Kainerugaba—oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni—ayaa sheegay in waxa ugu horreeya ee uu ku samayn doono Bobi Wine haddii la qabto ay tahay inuu ka gooyo qooraha.

Farriinta Muhoozi waxay u muuqatay mid la jaanqaadaysa tirakoobka la shaaciyay ee dadka lagu dilay doorashooyinkii Uganda.

Robert Kyagulanyi iyo Janaraal Kainerugaba

Xigashada Sawirka, UPDF & NUP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu sheegay in ay dili doonaan dhammaan dadka uu ugu yeeray "Foot Soldiers" ee ka tirsan xisbiga NUP ee Bobi Wine, "

Farriintiisa ayaa dhalisay hadal-heyn ballaaran, iyadoo dad badan ay ka falceliyeen; taageerayaashiisa iyo kuwa ka soo horjeedaba waxay sheegeen in waxa uu sheegay ay ahaayeen hadallo aan laga fiirsan oo gebi ahaanba oo caqli xumo ah.

Tani ma aha markii ugu horreysay ee Muhoozi uu ku qoro farriimo muran dhaliya barta X. Sidoo kale ma aha markii ugu horreysay ee uu ballanqaado inuu waxyeelleynayo ama dilayoBobi Wine.

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda ee muddada dheer xilka hayay, Yoweri Museveni ayaa sanadkii 2022 bartiisa X ku qoray sida uu uga xun yahay in madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta uusan mar saddexaad oo dastuurka ka dhan ah u tartamin doorashadii madaxweynenimo.

sidoo kale wxaa uu mar ku hanjabay inuu qabsan doono caasimadda Kenya ee Nairobi.

Wuxuuna isweydiiyay su'aal ah: "Kaddib markii ay ciidankeennu qabsadan Nairobi, halkee baan degi karaa aniga? Ma Westlands? Mise Riverside?".

Dadka qaar ayaa sheegaya in Janaraal Kainerugaba, oo caan ku ah waxyaabaha hadalhaynta dhaliya ee uu mararka qaar kusoo qoro bartiisa Twitter-ka, ayaa loo diyaarinaya inuu bedelo aabihiis, Yoweri Museveni, oo ah madaxweynaha Uganda.

Dad badan waxa ay xasuustaan in Janaraal Kainerugaba uu falcelin layaab leh ka bixiyay dagaalka Ukraine markii uu bilowday kaddib, isagoo taageeray duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Madaxweyne Museveni ayaa xukunka hayay tan iyo 1986-kii, halka Kenya ay saddex jeer doorasho madaxweyne kadhacday tan iyo sanadlkaasi,