'Ciidanka aan loo jeedin' ee ka caawiyey madaxweynahan inuu muddada dheer awoodda haysto

Xigashada Sawirka, State House Uganda/X
- Author, Wycliffe Muia
Iyaga oo wata qoryo otomaatig ah oo yaryar, mararka qaarna wejigu u qarsoon yahay oo xidhan (maaskaro) ayay ku dhex lugeeyaan waddooyinka Uganda.
Xubnaha cutubkan ciidan ee khaaska ah, ayaa si isa soo taraysa loogu arkaa inay yihiin ciidan gaar u ah in lagu ilaaliyo madaxweyne Yoweri Museveni oo 81 jir ah iyo sidoo kale in lagu xoojiyo awood-qoyseed ee uu dhisayo.
Museveni wuxuu hoggaaminayay Uganda tan iyo 1986-kii, markaas oo ciidamadiisii mucaaradka ahaa ay galeen caasimadda Kampala. Tan iyo markaas wuxuu ku guuleystay afar doorasho – dhammaantoodna waxaa hadheeyay eedeymo ah rabshado iyo musuqmaasuq.
Laakiin tani ma aha wax cusub oo ku saabsan dalkaas – tan iyo markii Uganda xornimada qaadatay sanadkii 1962, awoodda siyaasadeed waxaa lagula kala wareegay kaliya iyada oo la samaynayo kacdoonno hubeysan ama afgambi ciidan.
Museveni wuxuu doonayaa inuu mar kale isu sharraxo doorashada madaxtinnimo ee dalkaas sanadka soo socda, waxaana mucaaradku ka baqayaan in ciidanka amniga gaarka ah (SFC) loo adeegsado in lagu hor istaago ololahooda, sida ay sheegeen inay dhacday sanadkii 2021-kii.
Hase yeeshee, ciidanka SFC – oo uu sanado badan taliye ka ahaa wiilka Museveni, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba – ayaa lagu eedeeyay inay afduubaan, jirdilaan oo sidoo kale dilaan taageerayaasha mucaaradka, sannad walba, ma aha oo keliya xilliyada doorashooyinka. SFC-du way diideen in ay ka jawaabaan eedeymahan.
Arrintan waxaa sii xoojiyay xaqiiqda ah in Jenaraal Muhoozi Kainerugaba, oo 51 jir ah, oo hadda ah taliyaha ciidanka isla markaana sheegay in uu doonayo in uu maalin uun beddelo aabbihii, uu wiilkiisa u qoray ciidanka.
Jen. Kainerugaba sidoo kale wuxuu marar kala duwan aflagaadeeyey qaar ka mid ah saraakiisha sare ee muddada dheer u soo shaqaynayey dalkaas, isagoo midkood ugu yeeray "doqon".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hadalladiisu waxay gilgileen gudaha iyo heerarka ciidamada iyo siyaasadda, balse dowladdu waxay hoos u dhigtay arrintaas iyagoo ku tilmaamay "kaftan baraha bulshada ah" — taas oo ah arrin uu Jen. Kainerugaba si fiican ugu caan baxay.
Sannado ka hor, wuxuu sameeyay hadal kaftan ah oo ku saabsan "inuu duullaan ku qaadayo dalka dariska la ah ee Kenya," taas oo niyad-jabisay saraakiil badan.
Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in unuggan uu noqday mid saameyn weyn yeeshay, xitaa uu awoodda kula tartamayo ciidanka caadiga ah ee weli ay maamulaan taliyayaal qayb ka ahaa dagaalkii jabhadda ee keenay in Madaxweyne Museveni iyo xisbiggiisa NRM ay awoodda la wareegaan.
Dadka la socdaa arrimaha milatariga waxay muujiyeen walaac ah in labada ciidan ay maalin uun isku dhacaan — sida ka dhacday Suudaan, halkaas oo dagaal sokeeye uu qarxay kaddib markii uu khilaaf ka dhex dhashay ciidanka qalabka sida iyo koox hore ula saf ahayd, lana odhan jirey ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF).
"SFC waa unugga ugu awoodda badan ciidanka Uganda, waxayna ka kooban yihiin saraakiisha ugu tababarka sarreeya, ugu qalabka casrisan, uguna maalgelinta badan dalka," ayuu yidhi Dr. Gerald Bareebe, oo ah aqoonyahan u dhashay Uganda oo ku sugan Jaamacadda York ee dalka Kanada, isagoo la hadlay BBC-da.
Labada ciidan ee Uganda — ciidamada qalabka sida iyo SFC — labaduba way diideen inay ka hadlaan arrintan markii ay BBC-du weydiisay faallo.

Madaxweyne Museveni horay ayuu u difaacay SFC, isagoo sheegay in loo sameeyay danta shacabka Uganda. Wuxuu intaas ku daray in dadka kaliya ee aan doonayn wanaagga Uganda ay yihiin kuwa diidan jiritaanka unuggan.
Laakiin mucaaradkiisa arrintaas si kale ayey u arkaan — iyaga oo ku doodaya in Museveni uu dalka ku maamulayo gacan bir ah tan iyo markii uu xukunka qabsaday, isla markaana uu Uganda u beddelay hanti qoyskiisa gaar u leeyahay oo kale.
Waxay tilmaamayaan in xaaskiisa, Janet Museveni, ay tahay wasiirka waxbarashada, halka wiilkiisa, Jen. Muhoozi Kainerugaba, uu yahay taliyaha guud ee ciidanka.
Ku biiritaanka wiilkiisa curad ee ciidanka — oo lagu dhawaaqay bishii Julaay — ayaa loo arkaa mid sii xoojinaya nidaamka qoyska ee talada haya.
Jen. Kainerugaba ayaa laba jeer hogaamiyay SFC, waxaana lagu ammaanaa inuu ballaadhiyay unuggan, oo hadda lagu qiyaaso inuu ka kooban yahay in ka badan 10,000 oo xubnood.
Ciidanka caadiga ah ee Uganda-na waxaa lagu qiyaasaa inay leeyihiin ku dhowaad 40,000 oo askari firfircoon.
"SFC waxay maraan tababar gaar ah, sidoo kalena waxay haystaan hub aad u casri ah, oo ka duwan kan ciidanka caadiga ah," ayuu yidhi sarkaal hore oo sare oo ka tirsanaa ciidamada, isagoo la hadlay BBC-da.
Inkasta oo aabihiis uu u dallacsiiyay taliyaha guud ee ciidamada difaaca bishii Maarso ee sannadkii hore, haddana waxaa la sheegay in Jen. Muhoozi Kainerugaba uu weli si dhab ah gacanta ugu hayo SFC, iyadoo taliyaha hadda ee unuggaas, Sarreeye Guud David Mugisha, uu si toos ah isaga ugu warbixiyo.
Jen. Kainerugaba inta badan wuxuu ka howlgalaa xarunta dhexe ee unugga — oo ku taalla Entebbe, qiyaastii 34 km uga beegan koonfurta caasimadda Kampala — dhismahana waxaa loogu magac daray aabihiis, Madaxweyne Museveni.
SFC-da ayaa ku faanta boggeeda internet-ka in ay fuliso howlgallo gaar ah "wakhti kasta oo degdeg ah," isla markaana ay mas'uul ka tahay sugidda goobaha muhiimka ah sida garoonka diyaaradaha ugu weyn iyo meelaha saliidda laga qodo.
Waxaa si weyn loo tuhunsan yahay in unuggan uu u tallaabay xadka Kenya bishii Noofambar ee sannadkii hore si uu u soo qabto siyaasiga mucaaradka ah Kizza Besigye — oo hore u ahaan jiray dhakhtarka Museveni — kadibna dib loogu celiyay Uganda si uu uga soo hor muuqdo maxkamad isagoo lagu eedeeyay khiyaano qaran, taas oo weli aan bilaaban. Dacwad-oogaha ciidamada ayaa qirtay in ciidamada amniga Uganda ay ku lug lahaayeen arrintan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cilmi-baadhayaal ay ka mid yihiin Dr. Gerald Bareebe ayaa sheegaya in shaqada ugu weyn ee SFC ay tahay "inay hubiso sii jiritaanka xukunka," iyadoo ka difaacaysa hanjabaadaha ka iman kara mucaaradka ama xitaa saraakiisha sare ee ciidanka.
"Waxay door aan caadi ahayn ka ciyaartaa caburinta abaabulka ka dhanka ah xukunka iyo difaaca xisbiga talada haya ee NRM, ha ahaato khatar gudaha ah ama mid dibadda ah," ayuu yiri Dr. Bareebe.
Inkasta oo SFC ay diidday eedeymaha la xidhiidha afduubka iyo jidhdilka xubnaha mucaaradka, haddana qaar ka mid ah saraakiishooda ayaa lagu helay dambiyo la xiriira xadgudub awoodeed.
Kiiska ugu caansan wuxuu ahaa mid uu ku lug lahaa askari 32 jir ah oo ka tirsan SFC, kaas oo maxkamad ciidan la soo taagay bishii Noofambar ee sanadkii hore, laguna xukumay dil kadib markii uu toogasho ku dilay saddex qof, islamarkaana dhaawacay labo kale oo uu ku jiro cunug hal sano jir ah.
Bishii May, madaxtooyadu waxay sheegtay inay baadhayso dhacdo la soo sheegay oo lagu eedeeyay askar ka tirsan SFC inay jidhdileen darawal mooto bajaaj ah (ama boda boda sida loogu yaqaan gudaha Uganda).

Xigashada Sawirka, State House Uganda/X
Ninkan mooto-wade ah ayaa la sheegay inuu ku degdegsanaa inuu gaadho xaaskiisa uurka leh, balse uu ku dhex dhacay kolonyo madaxweyne.
Isla bishii May, Jen. Muhoozi Kainerugaba wuxuu cadho dadweyne dhaliyay kadib markii uu xaqiijiyay in la xidhay waardiyihii hogaamiyaha mucaaradka, kaas oo muddo maalmo ah la waayay.
Wuxuu sheegay in "wiilashiisa" ay hayaan Edward Sebuufu, oo sidoo kale loo yaqaan Eddie Mutwe," wuxuuna baraha bulshada soo dhigay sawir muujinaya Sebuufu oo timaha laga xiiray.
Jen. Kainerugaba wuxuu kaftan ku sheegay in Sebuufu uu "maalmahan aad nadiif u yahay," isagoo tilmaamay in timihii uu u xiiray "wiilkayga," oo uu ula jeeday askari yar oo hoos yimaada.
Ururka Qareenada Uganda, ayaa sheegay in dhacdada Sebuufu aysan ahayn mid gooni ah, balse ay tahay "qayb ka mid ah olole nidaamsan oo lagu aamusiinayo dadka kasoo horjeeda xukunka, lana burburinayo rabitaankooda xorriyadeed."
Ururku wuxuu intaas ku daray in dhacdadan ay muujisay "isku xirnaan khatar ah oo u dhaxaysa awoodda milatari iyo dulmiga siyaasadeed."
Dabeecadda qarsoon ee unuggan iyo howlaha uu qabto ayaa si joogto ah u keenta eedeymo sheegaya in jiritaankiisu sharci darro yahay.
Si kastaba ha ahaatee, bishii Juun, baarlamaanka Uganda ayaa meel mariyay wax ka beddel muran dhaliyay oo sharci ah, kaas oo si rasmi ah ugu aqoonsaday SFC inay tahay mid ka mid ah afarta qaybood ee rasmiga ah ee ciidamada dalka — kuwaas oo kala ah ciidamada dhulka, ciidamada cirka, ciidamada kaydka, iyo SFC.
Horraantii sanadkan, Jen. Muhoozi Kainerugaba wuxuu ku hanjabay inuu madaxa ka goyn doono hoggaamiyaha mucaaradka, inkasta oo uu markii dambe tiray fariintaas "kaftanka" ahayd ee uu soo dhigay baraha bulshada, islamarkaana uu raalligelin bixiyay.
Bobi Wine, oo ah hogaamiyaha mucaaradka, ayaa u sheegay BBC-da in isaga iyo asxaabtiisaba si joogto ah ay u bartilmaameedsadaan saraakiil ka tirsan SFC — wuxuuna dalbaday in unuggan la kala diro.
"Qaybtan waxaa si weyn loogu yaqaannaa inay tahay tan ugu weyn ee masuulka ka ah sii joogitaanka xukunka iyadoo la adeegsanayo cabudhin iyo cabsi gelin," ayuu yidhi. "Waxay u shaqeeyaan si aan xad lahayn, waxayna ku hoos jiraan ilaalinta Jen. Museveni iyo wiilkiisa."













